Words starting with 'C'
2,548 Somali words beginning with 'C' — page 13 of 26.
carrabla'aan
1. eeg carrabla'². 2. Shigshigidda. ld carrabla'aansho.
carrabla'aansho
/dh ld carrabla'aan.
carrablaay
Haweeney aan karin erayada qaarkood sida loogu dhawaaqo. ld carrabla'¹.
carrablaw
Nin aan karin erayada qaarkood sida loogu dhawaaqo. ld carrabey.
carrablo'aad
Geednagaar yar, faalala, leh laamo la cuno oo alamo leh.
carrabmacaan
Si raxiim ah u hadlid.
carrabmacaanaan
ld carrabmacaanaansho.
carrabmacaanaansho
/dh ld carrabmacaanaan.
carrabmaris
Su'aasha la weyddiiyo herinta inuu jiro cid dembi gashay, marka dhawr goor la soo hungoobo.
carracad
Dhul midabka ciiddiisu caddaan u dhawdahay.
carraggeddi
/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Beer, ciiddeeda burburin kaddibna jilcin.
carraggeddis
Burburinta iyo jilcinta ciidda beerta lagu sameeyo. ld carraggeddiyid.
carraggeddiyid
ld carraggeddi¹, carraggedin, carraggeddis.
carraggoo
/mg2 (-ooyay, -oysay) 1. (f.g)Socdaal ugu horrayn. 2. (f.mg) Beer dooxyo u yeelid.
carraggoyn
ld carrggoys (3).
carraggoys
1. C. ah: roob xoog badan oo dhulka bohola ka jeexa. 2. Xaro cusub aan degel hore ahayn. 3. ld carraggoyn.
carragguur
Ka tegidda carrada nafaqada leh ka tagto dhul, daad, dabayl iwm awgeed. ld carroguur.
carraguduud
Dhul midabka ciiddiisu cas tahay.
carramadow
Dhul midabka ciiddiisu madow u dhowdahay oo beerashada ku wanaagsan. ld carromadow.
carranafaqayn
Bacriminta dhul digo, daawo iwm lagu bacrimiyo si wax loogu beero.
carranafaqeeye
Digo, dawo iwm oo dhulka lagu bacrimiyo.
carrarroog
Beer, ciiddeeda burburin kaddibna jilcin.
carrarroogid
ld carrarroog¹.
carrasan
Dhul saac iyo nur leh oo aan qaniin lahayn.
carree
1. Wax ciid ku shubid. 2. Geel cusbo siin.
carri
(2).
carris
Dhul geednagaar leh oo u dhexeeya buur iyo bannaan.
carro
1. ld ciid (1). 2. ld carri. Dhul; dal; waddan. 3. Ciid cusbo leh.
carrocad
Dhul carradiisu caddahay oo aan beer noqon karin.
carrog
Biyaha ama caanaha haan ama dhiil la culay carka looga dhaqo.
carrogan
Haan ama dhiil la culay biyo ama caano wax carka looga dhaqay ahaansho.
carrognaan
ld carrognaansho.
carrognaansho
/dh ld carrognaan.
carroguur
Rifanka ama lumista carrada sare, inta badanna waxa sababa falka dabaysha iyo roobka. ld carragguur.
carrojiif
Lakab dhadhaab ah oo ka hooseeya oogada dhulka, kaas oo ka kooban dhadhaabo cufnaantoodu ay ka sarrayso kuwa oogada dhulka, waxaana kala saara carrojiifka iyo oogada dhulka la yiraahdo moho; gunta dhererka carrojiifku wuxuu gaarayaa ilaa 2,900 Km. (1,800 mayl) ka hoos dhulka dushiisa. Carrojiifka isagana waxaa ka hooseeya xuddunta.
carromaris
Boondhow.
carroseel
/dh (-llo, m.dh) Dhul ciiddiisu dhano tahay. ld carraseel.
carrow
1. Wax ciid yeelasho. 2. ld carraaw.
carruur
Dhasha dadka; ilmo; ubad.
carruurayn
carruuree f.mg2 (-reeyay, -raysay) 1. Cid in ay sida carruurta u dhaqanta ku kallifid. 2. Is c.: carruur iska dhigid.
carruurnimo
Carruur ahaansho.
carruurow
Carruur noqosho; carruur u ekaansho.
carsaanyo
Naflay badda ku nool oo leh sideed lugood iyo labo birqaab oo ay wax ku qabato, hor iyo dibba waa u oroddaa; suulogoys; suulalgoys. ld carcarsaanyo.
carsaanyow
Cudur halis ah oo jirka meeshuu gala cuna si dhaqsana ugu fida oo ilaa meeshii uu ku dhacay la gooyo aan laga bogsoon; feex; fayiix; buro; bahalaad.
carshaashayn
ld carshacarshayn.
carshaashee
Hawl qas iyo lab dhex gelin. ld carshacarshee.
carshaasho
1. (ld carshacarshe) Qas iyo lab hawl socoto lagu hakiyo. 2. Timir aan aad u bislaan.
carshacarshe
Qas iyo lab hawl socota lagu hakiyo. ld carshaashoÿ(1).
carshi
1. Sariirta boqorka. 2. Shay weyn, muqaddas ah Eebbe leeyahay oo samada sare ku sugan. 3. Geed abaareed gaaban oo leh caleemo balballaaran iyo miro macaan oo la cuno kana baxa carroguduudka.
carshin
Dhul daaq leh, dhulka xooluhu daaqaan.
cartamid
ld cartan¹.
cartan
Qaylo iyo wax burburin ay sameeyaan nafleyda qaar marka ay xanaaqaan. ld cartamid.
cartirnaansho
/dh ld catirnaan.
carun
1. Dhiig guduudkiisu yaryahay. 2. Doog yar oo markaa soo baxay.
carwaajiis
Midab guduud furan ah.
carwasaad
(2).
carwo
Suuq weyn, lagu soo bandhigo waxsoosaarka beeraha, warshadaha iwm oo waqti go'an oo lagu daawado leh.
cas
1. Kaaha midabka huruudda u eg oo arooryada hore ka muuqda dhanka bari, inta ayan qorraxdu soo bixin. 2. Meel bannaan oo ciid jilicsan leh oo la dego. 3. Midab guduud xigeen ah. 4. Sayn yaroo meel ka hoora. 5. Meel bannaan.
casaan
1.C. ah: midab guduud furan ah. 2. Dermo inteeda midabka iyo naqshadda leh. ld casiin.
casaanboor
Midab casaan ah oo caddaan iyo madow ku dhafan yahay.
casaansho
/dh eeg casow. ld casaan².
casabaysasho
ld casabaysad, casabaysi.
casabayso
Cid casabo ka dhigasho.
casabo
Dad wada dhalasho ka dhexeyso; xigto; ehelo; xigaalo; qaraabo; sokeeye.
casal
Malab.
casamar
Qaylo badan oo wax lagu cayrinayo.
casar
1. Waqtiga u dhexeeya duhurka iyo maqribka. 2. Salaadda la tukado waqtiga casarka. ld casir.
casardheer
Casarka qaybtiisa hore. ld casardheere.
casargaab
Waqtiga casarka ah qaybtiisa dambe. ld casargaabad.
casariye
Shaaha casarka la cabbo.
casarleged
Nooc uunsiga ka mid ah oo aad u udgoon.
casarliiq
Marka ay qorraxdu aad u gaabato oo ay dhicid ku dhawdahay.
case
1. Dhagax weyn, guduudan oo guryaha lagu dhisto. 2. Ciyaarta delebka marka afarta qori ee lagu ciyaarayo ay caloolacaddeeyaan.

