c
Xarafka saddexaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
caa'ilo
Qoys, qaraabo.
caabbi
/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. Adakayn, xajin. 2. Iska c.: iska celin.
caabbin
Summad: R. Saamiga keyd faraqa ee geftinnada gudbiye iyo qulqulka danabka ee dhexmaraya gudbiyaha. Sidaas awgeed, caabbi waa caabbirka hakinta qulqulka danabka. R = V/I taas oo V ay tahay keyd faraqa, I ay tahay qulqulka danabka. Caabbiga waxa lagu cabbiraa oom (omega).
caabbiri
Jaadadka doonyada shiraaca leh midda ugu yar oo qaadi karta toddobaatan ilaa afar boqol jawaan.
caabbiye
(fiis.) Qayb ka mid ah qalab danabeed oo leh caabbi, laguna doortey isticmaalkeed astaantaas awgeed.
caabbiyid
ld caabbi¹, caabbin, caabbis.
caabid
C. ah: qof muslin ah oo diinta sida ay tahay ugu dhaqma. ld caabud¹.
caabidid
ld caabudid.
caabidnimo
Caabid ahaansho. ld caabudnimo.
caabuq
1. Hurgumidda meel dhaawac ah; fasas. 2. C. ah: nafley xoog lahayd oo jirro, nafaqo darro awgeed la tabar darreysay. ld caabaq¹.
caabuqid
ld caabaqid.
caabuqtire
(baay.) Walax laga helo noolayaasha yaryar gaar ahaan mooldiska, kuwaas oo baabi'iya ama joojiya koritaan noolayaal kale oo ilima-aragtay ah gaar ahaan bakteeriyada iyo fangiga cudurrada faafiya. Caabuq- tirayaasha caanka ah waxa ka mid ah: beenasaliin, istarabtumaysiin iyo tetrasay-kalin.
caac
Nafley, roob badan dhaxan leh ku qarqarid.
caaci
Ugaar dabin loo dhigay dhankiisa u eryid iyadoo qaylo iyo sawaxan la samaynayo.
caacid
caacin m.f.dh eeg caaci.
caad
1. Xayaabo daruur ah oo meel sare ka muuqata.
caadaqaatannimo
Caadaqaate ahaansho.
caadaqaate
1. Qof samaanyaha qaata. 2. Qof hunguri xun.
caadaysasho
ld caadaysad, caadaysi.
caadayso
/mg3 (-stay, -satay) Wax caado ka dhigasho.
caadbax
1. Soo c.: bannaan u soo bixid; muuqasho. 2. Soo c.: qof daacad ah ahaansho.
caadbixid
ld caadbax¹.
caaddifi
/dh (-fiin, m.dh) 1. C. ah: qof si fudud iyo ka fiirsasho la'aan wax ku xalliya. 2. Dabci dadka qaarkii yeesho oo ah fudayd iyo ka fiirsi la'aan wax lagu xalliyo.
caaddifo
Dareen u nuglaansho waxa qof ku dhaca ama uu sameeyo. ld caaddifad.
caaddil
Qof dadka marka uu u garnaqayo aan u kala eexan.
caaddilnimo
Caaddil ahaansho.
caadgoror
Roob yar oo ka yimaada daruuraha caadka ah; shuux.
caadi
C. ah: Wax sidii lagu yiqiin ah.
caadinnimo
Caadi ahaansho (wax).
caadla'aan
1. Xasilloon ahaansho (cir). 2. Caddaan; xaqiiqo. 3. C. ah: xasilloon (cir). 4. C. ah: Wax saafi ah; wax caddaan ah.
caado
1. Fal bulsho joogteysato kuna dhaqanto. 2. Fal qof si joogta ah ugu dhaqmo. 3. Dhiig ka yimaada haweenka bishiiba hal mar; dhibaad; xiso; xayl.
caado-immaansho
Xilliga caadadu ka timaaddo qofka dumarka ah, oo baaluqday oo aan uur lahayn sida caadiga ahna bishiiba waa mar inta ay wax iskabeddeleyaan.
caado-raacnimo
Ixtiraam weyn ee caadada ku saabsan.
caadoxanuun
Caadada dumarka oo la timaadda dhib iyo xanuun.
caadyaal
C. ah: wax aan qarsoonay oo si bayaan ah u muuqda. ld caadiyaal.
caadyaalnimo
Caadyaal ahaansho (Ilaahay).
caafi
Cid caafimaad siin (Eebbe).
caafimaad
Cudur iyo jirro la'aan.
caafimaad-beeleed
(daaw.) Ka hortag cudur ama horumarin caafimaad oo ka baxsan isbitaal oo khuseeya xannaanada bulshada ama qayb ka mid ah bulshada sida: carruurta, dumarka iyo waayeelka. Hawshaas oo lagu fulinayo baaritaan takhtareed iyo sheybaar joogto ah.
caafimaaddarro
Xaaladda nafley jirran ku sugan tahay.
caafimaadi
Nafley caafimaad siin (Ilaah).
caafimaadqab
Xaalad caafimaad leh oo nafley ku sugnaato. ld caafimaadqabid.
caafimaadqabid
ld caafimaadqab¹.
caafimaadsan
Wax caafimaad leh ahaansho.
caafimaadsanaan
ld caafimaadsanaansho.
caafimaadsanaansho
/dh ld caafimaadsanaan.
caafin
ld caafis.
caafiyad
Xaalad cudur la'aan ee ay nafley ku sugnaato; fayoobi. ld caafiyo.
caag
1. Adke loodsame ah, si fudud u gubta oo waxyaabo badan laga sameeyo. 2. (-gag, m.l) Wax kasta oo balaastiig ka sameysan. 3. Meel yara godanoo biyo qabatin leh.
caaggan
1. Wax gasiin iwm dhaqan awgiis uga go'ay ahaansho. 2. Ka c.: ka reeban.
caagganaan
ld caagga- naansho.
caagganaansho
/dh ld caagganaan.
caaji
Qof in uu wax ka caago gayeysiin.
caajis
1. Firfircooni la'aan; wahsi; daal. 2. C. ah: qof hawl nacayb, wahsi badan. ld cajis¹.
caajisad
Haweenay wahsi iyo hawl nacayb badan. ld cajisad.
caajisan
Qof caajis ah noqosho. ld cajisan.
caajisi
Qof cajis ka dhigid. ld cajisi.
caajisid
ld cajisid.
caajisin
ld cajisin.
caajisnaan
ld caajisnaansho, cajisnaan, cajisnaansho.
caajisnaansho
/dh ld caajisnaan.
caajisnimo
Caajis ahaansho. ld cajisnimo.
caal
Cudur lo'da, idaha ka barariya caloosha oo uu keeno gooryaan caloosha kaga dhashay.
caalami
1. C. ah: wax caalamka oo dhan ka dhexeeya ama wada yaqaan. 2. C. ah: shay tayadiisu aad u wanaagsantahay.
caalaminnimo
Caalami ahaansho.
caalan
Dunida iyo waxa ku nool oo dhan. ld caalam.
caalgab
Ka c.: Karti iyo awood wax lagu qabto waayid.
caalhel
1. U c.: arrin xal u helid. 2. Ka c.: cid arrin yeelsiin.
caali
1. Neef lo' ah si loo gowraco luquntiisa fidin. 2. Is c.: nafley, wax suuxsan ama liita iska dhigid.
caalin
1. Qof aqoon badan u leh cilmiga. 2. Qof muslin ah oo diinta Islaanka aqoon sare u leh.
caallannimo
Caalle ahaansho; nacasnimo.
caalle
Qof aad u garaad yar; segeger.
caallir
Hurgumidda meel dhaawac ah; fasas; caabuq. ld caallirid.
caallirid
ld caallir¹.
caallirsan
Meel dhaawac ah wax caallir ah ahaansho.
caallirsanaan
ld caallirsanaansho.
caallirsanaansho
/dh ld caallirsanaan.

