cabeeb
Cudur lo'da iyo carruurta ku dhaca oo nabarro afka ugu yeela, dhareerna ka keena.
cabiid
Qof la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; bidde; addoon; cabid. ld cabid¹.
cabiidnimo
Cabiid ahaansho.
cabiidsan
Addoon noqosho.
cabiidsasho
ld cabiidsad, cabiidsi.
cabiidso
Qof cabiid ka dhigasho.
cabo
Biyo, weel caanood lagu shubay oo yeeshay dhadhan la karhado.
cabqari
C. ah: qof aad u caqli badan oo u aragtidheer.
cabqarinnimo
Cabqari ahaansho.
cabsan
Wax sakhraamay ahaansho.
cabsanaan
ld cabsanaansho.
cabsanaansho
/dh ld cabsanaan.
cabsasho
ld cabsad, cabsi, cabsood.
cabsi
Wax dhibaato keena ama xun ama xanuun leh iwm, argaggaxa ay nafleyda uurkeeda ku abuuraan; argaggax, bixid, welwel; baqdin.
cabsigeli
Nafley cabsi ku abuurid.
cabsii
Nafley cabsi ku abuurid.
cąbsii
Biyo, caano iwm nafley af ka siin.
cabsiin
ld cabsiis.
cąbsiin
ąbsii.
cabso
Ka c.: cabsi dareemid. ld cabsoo.
cad
1. Midabka caanaha, nuuradda iwm ee soo celiya ilayska qorraxda. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin.
cąd
1. Gabal hilib ah. 2. C. ah: in maro, dhul, xaashi iwm ah. 3. C. ah: qof gaboobay oo aan waxba qaban karin.
cadaab
/dh 1. (dii.) Meel aad u kulul, dhibaato badan oo lagu ciqaabo inta Eebbe ku caasiday marka ay aakhiro tagaan; naar. 2. Dhibaato weyn; silic; rafaad.
cadaad
/dh (cadaad, m.dh) 1. Geed, qodxo yaryar oo qaroofan iyo xabag macaan oo la cuno leh. 2. Xiddigga lixaha ka dambeeya.
cadaadi
Qof ciriiri gelin, dhibid.
cadaadin
ld cadaadis¹ (3).
cadaadis
1. Hawo c. saarid. 2. Xoogga ku dhaca halbeeg bed ah. 3. ld cadadin.
cadaadis-beege
(fiis.) Qalabka loo isticmaalo in lagu cabbiro cadaadiska gibilka. Qaabkiisa ugu sahlan waxa loo yaqaan cadaadis beegaha meerkari; meerkaridaas oo ku jirta dhululubo qarsho ah oo xiran oo lagu gembiyay meerkari kale oo weel ku jirta; meerkaridaas ku jirta dhululubada waxay ismiisamayaan culayska gibilka, dherekeeduna wuxuu ku siinayaa cabbirka culayska cadaadiska gibilka. Heerka meerkarida ee dhululubada ku jirta wuxuu tusinayaa celceliska cadaadiska gebilka ee bad la simanta.
cadaadis-ekeeye
(juqr.) Xarriiq ku yaal khariidad ama kaarto dusheed oo isku xira meelaha cadaadis gibilkoodu isla egyahay.
cadaadis-gibileed
(fiis.) Culayska saaran bar ee ka dhasha cadaadiska hawada ka sarraysa bartaas.
cadaadis-hoose
Gobol cadaadis gibilkiisu uu ka hoseeyo kan gobollada ku wareegsan.
cadaadis-qaybeed
Cadaadiska guud ee iskujirka neefuhu waxa uu le'egyahay wadarta c. q.dyada xubnaha neefaha ka dhalan lahaa haddii ay neef kasta keli ahaanteed buuxin lahayd weelka. Dhab ahaan, xeerkani waxa uu sax ku yahay neefaha mitaaliga ah.
cadaadis-siimow
Marka milanka laga sooco mile saafi ah iyada oo loo dhaxaysiinayo xuub badh habe, miiluhu waxaa uu u gudbiyaa milanka si uu uga hortago marinka miilaha ayaa loo yaqaan c. s.
cadaadis-uumi
Cadaadiska uu uumi dhaliyo. Marka uu uumigu la dheelitiranyahay hoorkiisa, cadaadiska uumigu waxa uu ku xiranyahay heerkulka hoorka, waxana loo yaqaanaa caadadiska uumiga dheregsan (CUDh).
cadaadis-yar
(juqr.) Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo marka loo eego meelaha ku wareeraysan, mararka qaarkood waxaa loo yaqaan gufaaco.
cadaadsan
Wax la cadaadiyey ahaansho.
cadaadsanaan
ld cadaadsanaansho.
cadaadsanaansho
/dh ld cadaadsanaan.
cadaawannimo
Cadaw ahaansho.
cadaawe
1. Qof ama dad badan oo cid kale colaad iyo xumaan u haysa; cadaawe. 2. Qof aan naxariis lahayn. ld cadow.
cadaawo
Nacayb iyo colaad qof cid u hayo. ld cadaawad.
cadadaysnaansho
/dh ld cadcadaysnaan.
cadadi
/dh (-iyo, m.dh) Lacagta inteeda birta ah; qaddaaddiic; sanuud.
cadanyo
Cuncun oogada laga dareemo. ld cadayo¹, canaanyo, cananyo.
cadanyoo
Cadanyo dareemid. ld cadayoo, canaanyoo, cananyoo.
cadanyood
ld cadayood, canaanyood, cananyood.
cadar
1. Wakhti daruuro badan oo aan da'ayn ay isku gudbaan fallaaraha iyo kulaylka qorraxda. 2. Xilli qabow oo aan roob da'ayn. 3. ld catar. Barafuun; catar.
caday
1. (caday, m.dh) Geed abaareed laamihiisa ama xididdadiisa ilkaha lagu nadiifiyo oo leh miro yaryar, gudguduudan, macaan oo la cuno. 2. (-yo, m.dh) Laan dhuuban ama xidid ilkaha lagu nadiifiyo; rumay.
cadayo
Ilko caday ku nadiifsasho.
cadbaar
(daaw.) Cad yar oo laga jaro xubin ka mid ah jirka si loogu baaro waynaysada waana habka ugu saxsan oo lagu sugo aqoonsiga kansarka.
cadcad
Waxaro yaryar oo aan weli ababin.
cadcadaysan
Wax la cadcadeeyey ahaansho. ld cadadaysan.
cadcadaysnaan
ld cadcadaysnaansho, cadadaysnaan, cadadaysnaansho.
cadcadaysnaansho
/dh ld cadcadaysnaan.
cadcaddaan
ld cadcaddaansho.
cadcaddaansho
/dh ld cadcaddaan.
cadcaddee
Roob da'ay biyo aan badnayn oo aan rays fiican yeelan karin dhigid.
cadcaddey
Ubad xoolaad oo caano nuug ah.
cadcaddeyn
ld cadcaddeys (2).
cadcaddeys
1. Roob yar aan dhulka biyo dhigin. 2. ld cadcaddeyn.
cadcaddo
1. Nooc dhuugga ka mid ah, yaryar, leh midab cad oo meeshi uu ku dhego aan si sahlan uga kicin. 2. C. ah: roob yar oo aan dhulka biyo dhigin.
cadcadee
Wax gaballo yaryar ka dhigid. ld cadadee.
cadcadeyn
ld cadadeyn.
cadcadoobid
ld cadadoobid.
cadcadow
Wax cadcad ah noqosho. ld cadadow.
cadceed
1. Xiddigta weyn oo dhulka iyo meerayaasha kale ku meeraystaan, iftiin leh; qorrax. 2. Iftiinka qoraaxda ee barqada iyo galabta.
cadceed-dhac
Qorraxdhac.
cadceedsasho
ld cadceedsad, cadceedsi.
cadceedsidhac
Qorraxsidhac.
cadceedso
1. Galab dhanka qorraxdu jirto aadid. 2. Diinkabixid; gaaloobid. 3. Jid ama meel ka habaabid.
cadceedsoobax
Qorraxsoobbax.
caddaad
1. ld caddow 1. Cudur dadka ku dhaca oo oogadu cadcaddaato; baras. 2. Dhar midab baxay.
caddaalad
Maamul ku dhisan eex la'aan.
caddaaladdarro
Fal ay eexi ku jirto.
caddaaladxumo
Fal ay eexi ku jirto.
caddaambuluug
Midab buluug ah oo caddaan xigeen ah.

