0

caqasho

m dh

Eeg: aqasho

0

caqdaad

m l

ld caqdad.

0

caqdad

m dh (-daad, m.l)

Duub maro ah oo afartan yaardi ah oo midab leh. ld caqdaad.

0

caqdi

m l

Eeg: caqad

0

caqi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: aqi

0

caqiido

m dh (-ooyin, m.l)

Mabda' diimeed oo la aaminsan yahay. ld caaqido.

0

caqin

m dh

Eeg: aqin

0

caqli

m l (-iyo/cuquul, m.dh)

Awood binu'aadanka u gaar ah oo ay wax ku kala gartaan; garaad. ld aqli.

0

caqliceli

f mg2 (-iyay, -isay)

U c.: cid waxay samayn lahayd ka waanin.

0

caqlicelin

m f dh

Eeg: caqliceli

0

caqliggaab

m l

/dh (caqliggaab, m.dh) Qof aan caqli badan lahayn.

0

caqliley

m dh (-eeyo, m.dh)

Haween caqli badan leh.

0

caqlillaawe

m l (-wayaal, m.l/dh)

Nin aan caqli fiican lahayn.

0

caqlilow

m l (-wyo, m.dh)

Nin caqli badan leh.

0

caqlisasho

m dh

Eeg: caqliyaysasho

0

caqliso

f mg3 (-stay, -satay)

Eeg: caqliyayso

0

caqliyad

m dh

Ra'yi.

0

caqliyari

m dh

Nacasnimo.

0

caqliyaysasho

m f dh

ld caqlisasho.

0

caqliyayso

f mg3 (-stay, -satay)

1. Ilmo, wax garaadkiisu kordhay noqosho. 2. Qof fal xun oo uu sameyn jirey ka waantoobid. 3. Qof bisil oo waaya-arag ah noqosho. ld caqliso.

0

caqo

f mg3 (-qday, -qatay)

Eeg: aqo

0

car

m l

1. Qadiidka ku hara weel la culay. 2. Dhadhanka ay yeeshaan caano, biyo iwm oo lagu shubay weel la culay. 3. Cudur candhada geela ku dhaca oo dildilaaciya. 4. (e.d) C.!: haddaad ku dhacdid!; Wir!

0

caraacar

m l

1. Geed nagaar leh qodaxyo kuwa tiinka u eg oo ka baxa meelaha qabatinka leh. 2. Qodaxda geed-qodxeed yar. ld caraacir, caraancar.

0

caraacir

m l

Eeg: caraacar

0

caraadi

f g2 (-iyay, -isay)

Qof dagaal ku guubaabin.

0

caraadin

m f dh

Eeg: caraadi

0

caraancar

m l

Eeg: caraacar

0

caraatamid

m f dh

ld caraatan¹.

0

caraatan

m l

Kaftan suugaaneed cay ah oon laga caroon oo wiilasha iyo gabdhaha isdhaafsata; yooyootan. ld caraatamid.

0

carab

m l (carab, m.dh)

1. Qof sinjigiisa ka soo jeeda ummadda uu nabiga u dhashay. 2. Midab lo'da iyo riyuhu yeeshaan oo casaan iyo caddaan isbarxay ah.

0

carabayn

m f dh

ld carabiyeyn.

0

carabbaabba'

m l

Degganaan ka muuqata qof caro haysay ka tirantay.

0

carabbaabbi'id

m f dh

'².

0

carabcad

m l

Neef ido ah oo wada cad; shiikh.

0

carabee

f g2 (-beeyay, -baysay)

1. Cid dhaqankeeda iyo luqaddeeda mid carbeed ka dhigid. 2. Cid carab iska yeelid. ld carabiyee.

0

carabi

m l

Af ay dadka carbeed ku hadlaan.

0

carabiyee

f g

/mg2 (-yeeyay, -yeysay) 1. (f.mg) Af carbeedka ku hadlid. 2. (f.mg) Carab is macnayn. 3. (f.g) ld carabee. ld carabee

0

carabiyeyn

m dh

ld carabayn.

0

carablaay

m dh

Haweenay aan karin ereyada qaarkood sida loogu dhawaaqo.

0

caraboobid

m f dh

Eeg: carabow

0

carabow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Carab noqosho.

0

caraceli

f g2 (-iyay, -isay)

Haweenay dudday gurigeedii ku celin iyadoo la raalli gelinayo.

0

caracelin

m f dh

Eeg: caraceli

0

carad

m l

1. Qof aad u gaboobay. 2. ld carasho.

0

caradhaban

m l

Xanuun hanfaf leh oo oogada laga dareemo.

0

caradhow

f mg4 (-waa, -wayd)

Qof dhaqso u xanaaqa ahaansho.

0

caradhowaan

m f dh

ld caradhowaansho.

0

caradhowaansho

m l

/dh ld caradhowaan.

0

caradugaag

m l

Cudur eyga ku dhaca oo ku khasba in uu qaniino dadka iyo xoolaha.

0

caraf

m dh

Ur udgoon oo la jeclaysto.

0

carafudayd

m l

Eeg: carafududaan

0

carafudud

f mg4 (-daa, -dayd)

Qof dhaqso u xanaaqa ahaansho.

0

carafududaan

m f dh

ld carafudayd, carafududaansho.

0

carafududaansho

m l

/dh ld carafududaan.

0

carar

m l

1. ld cararid. Orod baqdin leh. 2. Dhiin meyraxda dhirta qaarkeed laga sameeyo oo wax lagu aslo; asal; aglool.

0

cararayn

m f dh

ld cararin.

0

cararaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Weel wax la carariyey ahaansho.

0

cararaysnaan

m f dh

ld cararaysnaansho.

0

cararaysnaansho

m l

/dh ld cararaysnaan.

0

cararee

f g2 (-reeyay, -reysay)

Weel asal marin.

0

carareysad

m l

Eeg: cararsasho

0

carareysasho

m dh

Eeg: cararsasho

0

carareysi

m l

Eeg: cararsasho

0

carareyso

f g3 (-saday, -satay)

Eeg: cararso

0

carari

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: cararee

0

cararid

m f dh

ld carar¹ (1).

0

cararin

m dh

Eeg: cararayn

0

cararsad

m l

Eeg: cararsasho

0

cararsasho

m f dh

ld carareysad, carareysasho, carareysi, cacarsad.

0

cararsi

m l

Eeg: cararsasho

0

cararso

f g3 (-saday, -satay)

Weel carar marsasho. ld carareyso.

0

carasho

m f dh

ld carad.

0

caratir

m l

Wax qof carooday carada looga ba'sho (siiba haweenka).

0

caratirid

m f dh

Eeg: caratir²

0

caraw

m l

Midab cawl ah.

0

carayn

m f dh

Eeg: caree

0

caraysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

U c.: wax caro haysa ahaansho.

0

caraysii

f mg2 (-iiyay, -iisay)

1. Is c.: is daalin. 2. Ka c.: cid caro ku abuurid.

0

caraysiin

m f dh

Eeg: caraysii

0

caraysnaan

m f dh

ld caraysnaansho.

0

caraysnaansho

m l

/dh ld caraysnaan.

0

carbar

m l

Xaaladda neef baahan oo cabbay biyo aad u dhanaan oo maqaarkiisa iyo hilibkiisa biyo kala dhex gelaan.

0

carbarid

m f dh

Eeg: carbar²

0

carbash

m dh

Cayaar turub (firo) haad la dalbaday qofka firaynayaa firada labaad ku helid.

0

carbi

f g2 (-iyay, -isay)

Nafley tababbar gaar ah siin.

0

carbin

m f dh

ld carbis (2).

0

carbis

m l (-syo, m.dh)

1. Xero ciidan oo wax lagu tababbaro. 2. ld carbin.

0

carbisan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax caro haysa ahaansho.

0

carbisnaan

m f dh

ld carbisnaansho.

0

carbisnaansho

m l

/dh ld carbisnaan.

0

carbiye

m l (-yayaal, m.l/dh)

Qof wax carbiya.

0

carbuun

m dh (-no, m.dh)

In lacag ah oo cid wax laga gatay horumar ahaan loo sii siiyo.

0

carbuunad

m l

Eeg: carbuunasho

0

carbuunan

f mg4 (-nnaa, -nnayd)

Wax carbuun laga bixiyey ahaansho (badeeco).

0

carbuunasho

m f dh

ld carbuunad.

0

carbuunid

m f dh

Eeg: carbuun²

0

carbuunnaan

m f dh

ld carbuunnaansho.

0

carbuunnaansho

m l

/dh ld carbuunnaan.

0

carbuuno

f g3 (-ntay, -natay)

Badeeco carbuun ka bixin.

0

carcar

m l

1. Cudur finan leh oo naasaha geela ku dhaca. 2. Midab baraashirix ah oo ay riyuhu ku yeeshaan qoorta.