0

cawis

m l

Eeg: caawiyid

0

cawiyid

m dh

Eeg: caawiyid

0

cawl

m dh

1. Ugaarta waaweyn jaad ka mid ah, leh midab casaan xigeen ah, geesa dhaadheer iyo daba gaaban oo bogga ka cad;

0

cawlan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Wax midab cawl ah leh ahaansho. ld cawllan.

0

cawlawareershe

m l (-shayaal, m.l/dh)

Eeg: cawlwareershe

0

cawlikudhal

m dh

Eeg: cawlikudhashay

0

cawlikudhashay

m dh

1. Xilli bartamaha guga ah oo roob badan da'o. 2. Roob badan oo xilliga gu'ga bartamihiisa da'a. ld cawlikudhal.

0

cawllan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: cawlan

0

cawllanaan

m dh

Eeg: cawlnaan

0

cawllanaansho

m l

/dh ld cawlnaan.

0

cawlnaan

m f dh

ld cawllanaan, cawllanaansho, cawlnaansho.

0

cawlnaansho

m l

/dh ld cawlnaan.

0

cawlo

m dh u

Eeg: cawl²

0

cawlo.

2. Cawl dhaddig ah.

0

cawlwareershe

m l

1. Geednagaar leh miro kuuskuusan, caleemo yaryar iyo laamo jiljilicsan, oo nafleyda daaqda ay ku wareerto. 2. Miraha caduurka inta aanay bislaan. ld cawlawareershe.

0

cawo

m dh

1. (-ooyin, m.l) Habeen. 2. Nasiib wanaagsan.

0

cawralegdid

m f dh

Eeg: cawraleged²

0

cawraleged

f g1 (-gday, -gedday)

Qof ishiisa laga baqayo wax yar siin.

0

cawratir

f g1 (-ray, -rtay)

1. ld cawritir². 2. Dhar cawrada lagu dedo cid siin.

0

cawratirid

m f dh

ld cawritirid.

0

cawratiryo

m dh

Eeg: cawritir¹

0

cawrayn

m f dh

Eeg: cawree

0

cawraysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

1. Wax masiibo ku dhacay ama la ileystay ahaansho. 2. Wax ceebaysan ahaansho.

0

cawraysnaan

m f dh

ld cawraysnaansho.

0

cawraysnaansho

m l

/dh ld cawraysnaan.

0

cawree

f g2 (-reeyay, -raysay)

1. Cid ileyn. 2. Cid ceebeyn.

0

cawri

f g1 (-ryay, -riday; -ryi)

Hanti cid leedahay kuunyid.

0

cawritir

f g

/mg1 (-ray, -rtay) Wax in isha looga hortago u bixin. ld cawratir² (1).

0

cawritirid

m f dh

ld cawratirid, cawritir¹ (2).

0

cawritiryo

m dh

Eeg: cawritir¹

0

cawro

m dh

Oogada dadka inta la qarsho; foolxuumo; ceeb.

0

cąwro

m dh

1. Inkaar. 2. Il, cawri. 3. Xin, kuuni, xasdi.

0

cawryid

m dh

Eeg: cawri²

0

caws

m l

Nooc dhirta ka mid ah, oo xooluhu daaqaan leh caleemo, laamo iyo jirrid aan xoogganeyn oo badanaa deda meesha uu ka baxo.

0

cawsgolgol

m l (-llo, m.dh)

1.Harar aan waynayn, samayskiisuna fiicfiicnayn. 2. Kash-kash caws ah oo ardaayada lagu goglo.

0

cawsiyo-biyokunool

m dh u

1. Lo'.

0

cawsley

m dh (juqr.)

gobollada dunida ee degaankooda dabiiciga ahi uu ka koobanyahay caws; roobka ka da'a ma bixin karo kayn, isla markaas uu ka badanyahay midka ka da'a lamaddegaannada. Sidaas awgeed cawsleydu waxay ku dhacdaa dhulalka u dhexeeya kaymalayda iyo lamaddegaannada.

0

cawtalgasiir

m l

Geed la aamminsan yahay inuu awrka qooqani daaqo.

0

cay

m l

Dhareer; calyo.

0

cayaar

m dh (-ro, m.dh)

1. Madaddaalo tab iyo xeel loo dheelo leh oo ay dadku waqtiga isku dhaafiyaan. 2. Fal, jaan iyo jiib leh oo ay dhallinyaradu habeenkii waqtiga iskudhaafiyaan. 3. Tartan kubbad, orod iwm. 4. Kaftan aan run ahayn. ld ciyaar¹.

0

cayaari

f g2 (-iyay, -isay)

Wax ciyaar ku madaddaalin. ld ciyaari².

0

cayaarid

m f dh

ld ciyaarid.

0

cayaarin

m f dh

ld ciyaarin.

0

cayaarsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

1. Wax ciyaar ku madaddaalin. 2. Qof tababbarid (askaro). ld ciyaarsii.

0

cayaarsiin

m f dh

ld cayaarsiis, ciyaarsiin, ciyaarsiis.

0

cayaarsiis

m l

Eeg: cayaarsiin

0

cayaartoy

m dh

1. Gabar loo tababbaray nooc cayaaraha ka mid ah oo taqaan sida loo dheelo. 2. Koox ciyaar loo tababbaray sida kuwa kubbadda cagta iwm. ld ciyaartoy².

0

cayaaryahan

m l (-nno, m.dh)

Qof nooc ciyaaraha ka mid ah ku wanaagasan. ld ciyaaryahan.

0

cayaaryaxaas

m dh

Ciyaar dab la shido oo ay dheelaan baxaarradu marka ay doonayaan in yaxaasku soo baxo. ld ciyaaryaxaas.

0

cayaayir

m l

1. Hadal ama fal aan dhab ahayn oo uu qof mid kale kula kaco. 2. Ciyaar; dheel.

0

cayalo'aad

m l

Nagaar dhulka ku faafa caleemo biyo ka buuxaan iyo laamo jilicsan leh oo ka baxa meesha degelka leh.

0

cayayaan

m l u (-nno, m.dh)

Bahallada yaryar, aan laf iyo dhiig lahayn oo leh lix ama siddeed lugood, oo ay ka mid yihiin kaneecada, caarada, duqsiga iwm.

0

cayayaandile

m l u (-layaal, m.l/dh)

(kiim.) Walax kiimikaad loo isticmaalo in lagu dilo cayayanka ama nooleyaal kale oo waxyeelleeya miraha iyo geedaha kale oo la beeray.

0

caycay

m l

Nafley u nugul dhibaatada.

0

caycaynimo

m dh

Caycay ahaansho.

0

cayd

m l

Baahi weyn oo wax loo qabo. ld ceed.

0

caydan

f mg4 (-dnaa, -dnayd)

Qof, baahi weyn alaab maacuun u qaba ahaansho. ld ceedan.

0

caydbax

f mg1 (-xay, -xday)

Alaab maacuun oo aad loogu baahnaa helid. ld ceedbax.

0

caydbixid

m f dh

ld ceedbixid.

0

cayddi

m l (-iyo, m.dh)

1. Nooc mallayga yaryar ka mid ah oo koox-koox isu raaca. 2. Ilmo. 3. Wax yaryar oo aan qayme lahayn. (baay.) Nudo geed oo ka kooban unugyo si firfircoon u qaybsamaya oo soo saara unugyo; unugyadaas oo u meesiyooba nudaha cusub ee geedka.

0

caydnaan

m f dh

ld caydnaansho, ceednaan, ceednaansho.

0

caydnaansho

m l

/dh ld ceednaan.

0

cayil

m l

Hilib iyo baruur badan oo ay nafley yeelato.

0

cayilan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Wax cayilay ahaansho. ld cayillan.

0

cayili

f g2 (-iyay, -isay)

Nafley wax cayilan ka dhigid.

0

cayilid

m f dh

Eeg: cayil²

0

cayilin

m f dh

Eeg: cayili

0

cayillan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: cayilan

0

cayillanaan

m f dh

Eeg: cayilnaan

0

cayillanaansho

m l

/dh ld cayilnaan.

0

cayilnaan

m f dh

ld cayillanaan, cayillanaansho, cayilnaansho.

0

cayilnaansho

m l

/dh ld cayillanaan.

0

cayin

f g1 (-nay, -ntay)

1. Wax tiradooda ama noocooda si cad u sheegid. 2. U c.: qof, meel u magacaabid.

0

cayinid

m f dh

Eeg: cayin

0

caymad

m l

Eeg: caymasho

0

caymasho

m f dh

ld caymad.

0

caymi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax dhibaato ama halis ka nabadgelin. 2. Aawr la rarayo, cayn ku giijin. 3. Hanti caymis ka diiwaangelin.

0

caymin

m f dh

ld caymis (2).

0

caymis

m l

1. Shirkad lacag ka qaadda ciddii ay heshiis la gasha oo u magdhawda markuu shil ku yimaado. 2. ld caymin.

0

caymo

m dh

1. In ka samatabaxday hanti burbur ku dhacay. 2. Kaalmo aan badnayn oo la siiyo cid hantidii ay lahayd dhaaftay. ld caynaano.

0

cayn

m l (-yman, m.l)

1. Xarig isaga gudbo labada dhinac, oo rarka ku adkeeya gaadiidka nafleyda ah. 2. Magac carbeed xarafka 'c'.

0

caynaan

m l u

Suun xakamaha labadiisa dhinac ku xiran oo gammaanka lagu dudduwo laguna joojiyo.

0

caynaani

f g2 (-iyay, -isay)

Cid caymo siin.

0

caynaanin

m f dh

Eeg: caynaani

0

caynaano

m dh

Eeg: caymo¹

0

caynaanshe

m l (-shayaal, m.l/dh)

Caymiye.

0

caynab

m l kh

C. ah: midab madow oo farduhu yeeshaan.

0

caynad

m dh

Eeg: cayn²

0

cayngeri

m l

Tinta saynta geriga oo lagu xirto qaansada qorigeeda, badanaana waxaa isticmaala oo lagu aqoonsadaa hargaantiga.

0

caynsan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Wax caymiska ka diiwaan gashan ahaansho (hanti). 2. Wax cayn lagu xiray ahaansho (rati). 3. Wax dhibaato laga samatabixiyey ahaansho (hanti).

0

caynsanaan

m f dh

ld caynsanaansho.

0

caynsanaansho

m l

/dh ld caynsanaan.

0

caynsane

m l (-nayaal, m.l/dh)

Bayd faal oo madaxa iyo manjaha min laba ka ah, labada hogood oo dhexda ahna min hal.

0

caynsasho

m f dh

Eeg: caynso

0

caynso

f g3 (-saday, -satay)

1. Hanti, caymis ka diiwaan gashasho. 2. Rati, cayn ku xirasho. 3. Hanti, dhibaato ka badbaadsasho.

0

cayo

m dh

Eeg: canyo

0

cayololaad

m l

Geed yar oo laamo iyo caleemo biyo ka buuxaan leh oo xooluhu daaqaan, kana baxa birrimada la dego.

0

cayr

m l (cayr, m.dh)

1. Qof aan hanti lahayn. 2. (c., m.dh.) Dad aan hanti lahayn.

0

cayrayn

m f dh

Eeg: cayree

0

cayree

f g2 (-reeyay, -raysay)

Qof cayr ka dhigid.