0

cagaaran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Wax cagaartay ahaansho.

0

cagaarasho

m f dh

Eeg: cagaaro

0

cagaari

f g

/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax cagaar ka dhigid. 2. (f.mg) Caano la lulayo dhibcihii ugu horreeyey oo subagga ahaa bilaabid.

0

cagaarin

m f dh

ld cagaaris.

0

cagaaris

m l

Eeg: cagaarin

0

cagaariye

m l (-yayaal, m.l/dh)

(baay.) Walaxda mas'uulka ka ah midabka cagaaran ee dhirta badidoodu leedahay, molikiyuulka cagaariyuhu waa xudunta ugu muhimsan ee nuugista ilayska marka la eegayo falgallada ilayska ee footoosintasiska.

0

cagaarnaan

m f dh

ld cagaarnaansho.

0

cagaarnaansho

m l

/dh ld cagaarnaan.

0

cagaaro

f mg3 (-rtay, -ratay)

1. Wax cagaar noqosho. 2. Caano la lulayo firfiryeelasho.

0

cagaarshow

m l

1. Cudur dadka ku dhaca,beerka waxyeeleeyo, oo indhaha iyo kaadida cagaarsha. 2. (daaw.) Hurdi noqoshada ama cagaarashada jirka meelo ka mid ah sida: maqaarka, caddaanka indhaha;taas oo tilmaameysa biilirubiinka oo dhiigga ku badan. ld Indhacaseeye.

0

cagaarside

m l (-dayaal, m.l/dh)

(baay.) Cagaarside laga helo unugyada dhirta waaweyn iyo aljiga. Marka laga reebo cagaar buluugga ah dhirta waaweyn. C.duhu wuu wareegsanyahay sida saxanka oo kale, laakiin ka aljigu wuu muuqaalo badanyahay.

0

cagaaryahan

m l (-nno, m.l)

Dad qudaarta ku nool oo aan hilibka cunin.

0

cagabbaruur

m l (-rro, m.dh)

1. Dhasha yaryar ee libaaxa. 2. Ilmo aad u cayilan oo aan socod weli gaarin.

0

cagabbeel

m l

Hanti yar oo la siiyo qof baadi doonay.

0

cagabbeelid

m f dh

ld cagabbeelis.

0

cagabbeelis

m dh

Eeg: cagabbeelid

0

cagacad

f mg4 (-ddaa, -ddayd)

Wax aan kabo xiranayn ahaansho.

0

cagacaddaan

m f dh

ld cagacaddaansho.

0

cagacaddaansho

m l

/dh ld cagacaddaan.

0

cagadhabad

m l

Eeg: cagadhabasho

0

cagadhabasho

m f dh

ld cagadhabad.

0

cagadhabo

f mg3 (-btay, -batay)

Caga dhulka la dhicid.

0

cagadhigasho

m f dh

Eeg: cagadhigo

0

cagadhigo

f g

/mg3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Wax duulaya sida haad, dayuurad iwm dhulku degid. 2. (f.mg) Nafley socota ama caraysan xasilid.

0

cagaf

m dh (-gfo, m.dh)

Cagta geela. ld cuguf.

0

cagafcagaf

m l

/dh (-fyo, m.dh) Gaari xoog badan, leh lugo rabar ama bir ah oo beeraha lagu falo ama lagu geed qaado.

0

cagag

m l

Weel gun gaaban. cagaggubyo m.dh Kulka cagta nafleydu dareento markay kulaylka qorraxdu ku dhacdo ciidda. ld cagagubad.

0

cagaggubyoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Cagagubyo dareemid.

0

cagaggubyood

m f l

Eeg: cagaggubyoo

0

cagago

m dh

Nabarro salka carrabka ee dadka iyo geela ka soo baxa.

0

cagagubad

m l

Eeg: cagaggubyo

0

cagajiid

m l

1. Socod aayar ah oo wahsi ku jiro. 2. C. ah: si aan caddaan ahayn u diidid wax loo diray. 3. ld cagajiidid. ld ciddijiid¹.

0

cagajiidid

m f dh

ld cagajiid¹ (3), ciddijiidid.

0

cagajiidnimo

m dh

Cagajiid ahaansho.

0

cagajugle

m l

1. Dhaar iyo handadaad cid loo jeediyo si loo cabsi geliyo. 2. ld cagajugleyn.

0

cagajuglee

f mg2 (-leeyay, -leysay)

U c.: qof si loo cabsi geliyo dhaar iyo handadaad u jeedin.

0

cagajugleyn

m f dh

ld cagajugle (2).

0

cagasaar

m dh (-ro, m.dh)

Meel la korayo ama laga degayo meelaheeda kala korreeya ee cagta la sii saarto.

0

cagataallayn

m f dh

Eeg: cagataallee

0

cagataallee

f mg2 (-leeyay, -leysay)

Hawl laysu diray oo qabashadeeda la diiddanyahay ka warwareegid.

0

cagayn

m f dh

Eeg: cagee

0

cagcagaar

m l u

Qudaar; khudrad.

0

cagee

f g2 (-geeyay, -gaysay)

Cid cag la dhicid.

0

cageysad

m l

Eeg: cageysasho

0

cageysasho

m f dh

ld cageysad, cageysi.

0

cageysi

m l

Eeg: cageysasho

0

cageyso

f g3 (-stay, -satay)

Neef irmaan sacab ku maalid.

0

cagi

m dh

1. Wakhtiga markaa la joogo; haddeer; imminka. 2. Meel.

0

cagsalaax

m l

Cudur geela cagaha ka gala oo aysan tuluddu ku joojin karin cagafta jirran, in ay dhulka ku xoqayso mooyee.

0

cagsi

m l

Ka soo hor jeedo; lid. ld caksi.

0

cahdi

m l (-iyo, m.dh)

Ballan adag oo lagu heshiiyo. ld axdi.

0

cajaa'ib

m l

Wax aad loola yaabo.

0

cajab

m dh

Yaab.

0

cajabi

f g

/mg2 (-iyay, -isay) C./ka c.: qof yaab ku abuurid.

0

cajabid

m f dh

Eeg: cajab²

0

cajabin

m f dh

Eeg: cajabi

0

cajalad

m dh (-do, m.l)

Qalab ka kooban laba qalbac oo caag ah, dhexdana ku leh mullaax dheer oo codka lagu duubo.

0

cajar

m l (-ro, m.dh)

Bowdo.

0

cajiib

m l

1. C. ah: wax qaabkii dabiiciga ahaa ee lagu yaqiin ka duwan. 2. (e.d) Waa yaab!

0

cajiimid

m f dh

Eeg: cajiin²

0

cajiin

m l

/dh 1. Budo meseggo ama galley oo biyo lagu rafaaqay. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur laysku qasay oo canjeelo laga sameeyo.

0

cajil

m l (-llo, m.dh)

Derin duug ah.

0

cajis

m l

Eeg: caajis¹

0

cajisad

m dh

Eeg: caajisad

0

cajisan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Eeg: caajisan

0

cajisi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: caajisi

0

cajisid

m dh

Eeg: caajisid

0

cajisin

m dh

Eeg: caajisin

0

cajisnaan

m dh

Eeg: caajisnaan

0

cajisnaansho

m l

/dh ld caajisnaan.

0

cajisnimo

m dh

Eeg: caajisnimo

0

cajuus

m l (-siin/-syo, m.dh)

Nin aad u gaboobay oo leh dhaqan la dhibsado.

0

cajuusad

m dh

Naag aad u gabowday oo leh dhaqan la dhibsado. ld cajuuso.

0

cajuuso

m dh (-ooyin, m.l)

Eeg: cajuusad

0

cajuusoobid

m f dh

Eeg: cajuusow

0

cajuusow

f mg1 (-oobay, -owday)

Cajuus noqosho.

0

cakaw

m l (-wyo, m.dh)

Carjawda ku taal dhegta gudaheeda ee uu codku ku dhaco.

0

cakis

f g1 (-say, -stay)

1. Wax ama qof joojin. 2. Wax rafaaqid; cajiimid. 3. Qof dilid.

0

cakisan

f mg1 (-smay, -santay; -smi)

Wax la cakisa noqosho.

0

cakisid

m f dh

ld cakis¹.

0

cakisnaan

m f dh

ld cakisnaansho.

0

cakisnaansho

m l

/dh ld cakisnaan.

0

caksi

m l

Eeg: cagsi

0

caku

e d

Erey la yiraahdo kolka wax la kahdo.

0

cal

m l

Baadiye jiq ah.

0

calaa-xaal

fk. Tacbaan ahaansho (dhaqaale iwm). Tus. “Waa tacbaan c.”.

0

calaacal

m l

1. ld calaancal 1. Hadal beerlaxawsi leh oo lagu muujinayo dhibaato dhacday oo taakulayn u baahan. 2. ld calaacalid.

0

calaacalid

m f dh

ld calaacal¹, calaancal¹, calaancalid.

0

calaal

m l

Eeg: callaal¹

0

calaalad

m l

Eeg: callaalasho

0

calaalasho

m dh

Eeg: callaalasho

0

calaalid

m dh

Eeg: callaalid

0

calaalo

f g3 (-aashay, -aalatay)

Eeg: callaalo

0

calaaloobid

m f dh

Eeg: calaalow

0

calaalow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Calal ama wax duugoobay noqosho.

0

calaamad

m dh

Eeg: calaamo

0

calaamadayn

m dh

Eeg: calaamadin

0

calaamadaysad

m l

Eeg: calaamadsasho

0

calaamadaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax la calaamadeeyey ahaansho. ld calaamadsan, calaamaysan.

0

calaamadaysasho

m dh

Eeg: calaamadsasho