Words starting with 'C'
2,548 Somali words beginning with 'C' — page 23 of 26.
coof
Timo aad u baxay oo aan laga shaqayn.
coofaar
Lab libaax ama daanyeer, duq ah oo leh bulbul badan.
coofley
1. Nooc shimbir biyoodka ka mid ah, midab cad oo koox u socota. 2. Cantallay; xuur. 3. Feerta geela meesheeda ugu dambeysa ee leh hilib jilicsan iyo baruur. 4. Inan yar oo aan weli timihii loo dabin.
coolli
/dh Daruur cufan oo ay biyo ka buuxaan.
coomaadi
Nooc haadka hilibka cuna ka mid ah, xoog badan leh, gorgorkana ka yar. ld coomaadde.
coomow
Gabar, wax da' weyn oo la guursan waayey noqosho.
coon
1. Nin gaaban oo aan da'diisu ka muuqan. 2. Dab, webi, bad iwm agtooda. Tus. “Dabka c.kiisa”: dabka agtiisa.
cooraaf
Qof aad u dabeecad xun.
cooraafnimo
Cooraaf ahaansho.
coorcoor
Jactad ku dhaca jirka nafleyda oo uu keeno qabow ama jirro.
coorcoorsan
Wax coorcoor yeeshay ahaansho (jir nafley).
coorcoorsanaan
ld coorcoorsanaansho.
coorcoorsanaansho
/dh ld coorcoorsanaan.
coosh
1. ld cooshad. 2. Cafish.
cooshad
Guri ka sameysan qoryo iyo caws oo si ku meel gaar ah loogu noolaado ama wax loogu gato.
cosob
1. Doog badan oo markaas soo baxay. 2. Meel an naqeeda weli la daaqin.
cub
Dalool yar gufeyn. ld cug².
cuban
1. Wax la cubay ahaansho. 2. Qof ciyaar loo xulay ahaansho. ld cugan².
cubasho
ld cugasho.
cubbaan
C. ah: qof hanti badan leh.
cubbaannimo
Cubbaan ahaansho.
cubcub
Maqaar xoolaad, dhisan caws ka buuxin. ld cucub².
cubcuban
Maqaar dhal xoolaad, wax la cucubay ahaansho. ld cucuban.
cubcubid
ld cubcub¹ (4), cucubid.
cubcubnaan
ld cubcubnaansho,cucubnaan,cucubnaansho.
cubcubnaansho
/dh ld cubcubnaan.
cubmid
ld cugmid.
cubnaan
ld cubnaansho, cugnaan, cugnaansho.
cubnaansho
/dh ld cubnaan.
cubo
Ciyaar qofka ugu habboon xulasho. ld cugo.
cubtamid
ld cubtan¹ (2), cugtamid.
cubtan
Laba qof, iyadoo midba markiisa qof magacaabanaya, dad kula jaal noqonaya ciyaar lagu tartamayo xulasho. ld cugtan².
cucubnaansho
/dh ld cubcubnaan.
cudad
Hoore dabaysha raaca.
cudbi
Bul jilicsan, cad, loo isticmaalo siyaabo badan, dharkana laga samaysto oo uu dhalo geed ka baxa kulaylaha; suuf.
cuddaar
Meerayaasha waaweyn mid ka mid ah; dusaa.
cuddabbixi
Haweeney la furay inta ay cuddada dhammeysanayso masruufid.
cuddabbixin
ld cuddabbixis.
cuddabbixis
Masruufka la siiyo haweeney la furay inta ay cuddada dhammeysaneyso. ld cuddabixin.
cuddad
1. (u) Qalabka birtumuhu adeegasado oo dhan. 2. Birdhuuban, culus oo qalbka la tumayo hoostiiisa la dhigo; dubbad. 3. (u) Xirmo dhar ah.
cuddi
Gilgilid (samayo, waran); ka gariirsiin. ld cuti².
cuddin
ld cuddis, cutin.
cuddoon
Wax qaabkiisu isu dheellitiranyahay ahaansho.
cuddoonaan
ld cuddoonaansho.
cuddoonaansho
/dh ld cuddoonaan.
cudud
Wax xoog ku muquunin.
cudur
Caafimad-darro jirka noolaha ama qayb ka mid ah ku dhacda, oo uu keeno jeermi iwm.
cudur-aqoonsi
Aqoonsiga cudur oo uu takhtarku ku gaaro: wareysiga bukaanka, astaamaha cudurka iyo baaritaan sheybaar iyo raajo iwm.
cudur-goboleed
(daaw.) Cudur sida badan ama sida joogto ah looga helo waddan ama gobol gaar ah.
cudur-raagay
(daaw.) Sifo cudur muddo dheer socda; sida badan cudurkaas si kadis ah uma bilowdo. Ereygu waxba kama sheegayo khatarta cudurka.
cudurdaar
U c.: sababta arrin kalliftay sheegid.
cudurdaaro
Cudurdaar sheegasho.
cudurrada-galmada
(C.G.) Cudur kasta oo la isugu gudbiyo galmada ama isutagga ragga iyo dumarka. C. g.du waxay ka koobanyihiin: eydiska, xabbadda (waraabow), jabtada, herbiska cawrada.
cudurro-faafa
Cudurrada la is qaadsiiyo waxaana cudurrada la isugu gudbin kara: ayadoo la taabto qof buka jirkiis, ayadoo la qaado qalab leh jeermigii cudurka ama ayadoo la neefsado dhibicyo calyo ah oo qufaca ka yimaado iyo neef jeermi sidda.
cudurside
Noole ka qaybqaata koritaanka jeermiga qaarkisa cudurrada keena.
cuf
1. Inta walaxdu ka koobantahay maaddadeeda. 2. ld cub 1 (1).
cuf-hawo
(c.cimi.) Hawo isku dabeecad ah oo ku gadaaman dhul door ah lana xadaysan mid kale oo ka duwan.
cuf-isjiidad
Isa soo jiidashada ka dhexeysa laba walax kasta oo jira.
cufaysan
cufaysmid m.dh ld gufeysmid.
cufaysnaansho
/dh ld gufeysnaan.
cufnaan
Layiignimo; cumur.
cufnaan-hoorbeeg
(fiis.) Qalab lagu cabbiro cufnaanta ama cufnaanta u eegan ee hoorka.
cufnaan-u-eegan
Summad: d. Cufnaanta walax oo loo qaybshay cufnaanta biyaha. Cufnaan u-eegan (d) = cufnaanta walaxda (P)/cufnaanta biyaha (P).Mar haddii cufnaanta biyuhu ay le'egtahay 1000 kg/m3, cufnaanta u-eegan ee walaxi waxa le'egtahay 1/1,000 (hal kumaadka) cufnaanta walaxda.
cufnaanta
Xaddiga tirada dadka ee ku nool gobol, tusaale ahaan: Awstiraaliya waxay leedahay xaddi tiro yar oo dad ah.
cug
; ld cul.
cugaal
Qoryo geedo gaar ah laga soo guray oo weelasha qaarkood lagu culo.
cugid
; culid.
cugnaan
; culnaan.
cugnaansho
/dh 1. ld cubnaan. 2. ld culnaan.
cukad
Harag ari oo qaab sibraar loo habeeyey, oo laga ganacsado. ld cokad.

