Words starting with 'C'
2,548 Somali words beginning with 'C' — page 12 of 26.
carcaraaf
1. Dhibaato aad u weyn; rafaad. 2. Barsaq.
carcaraafsan
Wax carcaraafey ahansho.
carcaraafsanaan
ld carcaraafsanaansho.
carcaraafsanaansho
/dh ld carcaraafsanaan.
carceer
Wax muuqaalkiisa libdhid.
carceerid
ld carceer¹.
carceero
1. ld ciiraciiro. Muuqaal ciiro ku jirto. 2. Kaalmo; gargaar.
carceersasho
ld carceersi.
carceerso
Wax muuqaalkiisa libdhid.
carcoorri
Bawdaqaawis been ah; garmaame.
carcoorriyid
ld carcoorrin.
card-alxaal
Baryo, tuugmo; arji, codsi, talo.
cardaaduq
Burbur. ld cardaaduqe.
cardiif
Midab caddaan xigeen ah.
caree
Nafley xanaaq dagaal geliya ku abuurid.
cargaag
Cabaadka uu sameeyo awr weyn. ld margaag¹.
cargaagid
ld margaagid.
cargaagtamid
ld cargaagtan¹.
cargaagtan
1. Dhawaaq, geedo burburin iwm uu ku kaco libaaxa marka uu caroodo. 2. Muran aan go'aan lahayn ku hadlid.
cargo
Laan ama miro curdan ah.
cargun
Doog aad u jilicsan.
cari
/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Qof ama xayawaan ka caraysiin. 2. (f.mg) Neef rimman candho keenid.
cariiq
Wax qadiin ah; wax qiimo leh; wax caan.
cariiqsasho
ld cariigsad, cariigsasho, cariigsi, cariiqsad.
cariiqsi
1. Wax la yeeli lahaa, qof darti ama ku xumaynti, u diidid; wax aan sameeyeen oo qof ku xumaynti loo sameeyo. 2. ld cariiqsasho. ld cariiqsasho.
cariiqso
Ku c.: fal cid lagu canaadayo ku kicid. ld cariigso.
cariiri
/2 (-iyay, iday/-isay; -iyi) ld ciriiri².
cariiryoonaansho
/dh ld ciriiryoonaan.
cariish
Hooy ka samaysan dhis iyo dhoobo oo dhinacyadiisu qaab laydi leeyihiin.
carin
ld caris (2).
caris
1. Dhul siman oo ciiddiisu guduudan tahay. 2. ld carin.
carjab
1. C. ah: maro urtii cusaybku ka ba'ay. 2. ld carjabid.
carjabid
ld carjab¹ (2).
carjaw
(c.nafl.) Cad yar oo aan hilib iyo laf midna ahayn, nadoocma oo lafaha isku xirta.
carjebi
1. Dhar cusayb ka bi'in. 2. Weel la culay carka ka bi'in.
carjebin
ld carjebis.
carjo
Cambuul.
carmal
Haweenay la guursaday oo la furay ama ninkii ka dhintay; garoob.
carmali
C. ah: haweenay la guursaday oo la furay ama ninkii ka dhintay; garoob.
carmalow
Carmal noqosho.
carmi
1. Weel carmo marin. 2. Hilib dab ku yacyacoodin. ld carmee.
carmin
ld carmayn.
carmo
Geed laamo dhuudhuuban iyo caleemo balballaaran leh oo dhala miro kuwa canabka u eg.
caro
Dareen qofka ku dhasha oo shucuurtiisa kiciya marka xumaan ama qadaf lagu sameeyo.
caroceli
Haweenay dudday gurigeedii ku celin iyadoo la raali geliyay.
caroo
U c.: caro dareemid.
caroofi
C. ah: neef geel ah, lixaad weyn, sanqaroor rogan leh.
caroog
1. Buun. 2. (muus.) Qalabka muusikada nooc ka mid ah oo leh af ballaaran, cod dheerna bixiya.
carooti
Cir, daruuro biyo ka buuxaan yeelasho.
carow
Caano, wax car yeeshay noqosho.
carqalad
Qas iyo lab lagu sameeyo hawl si wanaagsan u socota. ld carqalo.
carqaladee
Hawl carqalad gelin.
carraabi
1. Wax galab meel u kaxayn. 2. Marti is dhaafin.
carraabid
1. eeg carrow. 2. eeg carraaw.
carraabin
ld carraabis.
carraabo
Socod goor galab ah meel laga tago iyadoo meel kale la higsanayo. ld carrowtiin.
carraaw
Galab meel u socosho. ld carrow (2).
carrab
1. Xubin jilicsan oo ku jirta afka nafleyda oo qaabbilsan dhadhanka, calaliska, liqida iyo kala soocidda hadalka. 2. C. ku dhufasho: carrabbaabid. 3. C. macaan: hadal macaan.
carrabbaab
Gefka carrabka; halmaan. ld carrabbow¹.
carrabbow
/mg1 (-oobay, -oowday; -oobi)ld carrabbaab².
carrabcad
Dhasha xoolaha oo caananuugga ah oo aan weli daaqid gaarin.
carrabdhaw
Alalaas; mashxarad.
carrabjalqi
Erayo dhawaaqoodu isku dhow yahay oo carrabka carruurta lagu jilciyo dhihid.
carrabjalqin
ld carrabjalqis.
carrabkeliyaale
Koor hal carrab leh.
carrabkudhufasho
Hadalhaynta. ld carrabkudhufad.
carrabla'
Qof aan ereyada qaarkood sida loogu dhawaaqo karin ahaansho.

