0

cukadayn

m f dh

ld cokadayn.

0

cukadee

f g2 (-deeyay, -daysay)

Harag ari cukad ka dhigid. ld cokadee.

0

cukan

f mg4 (-naa, -nayd)

Xoolo biyo ka dhergay ahaansho. ld cokan.

0

cukanaan

m f dh

ld cokanaan, cokanaansho, cukanaansho.

0

cukanaansho

m l

/dh ld cukanaan.

0

cukane

m l

Geed yar oo adaahida u eg oo leh buruq dibadyaal ah iyo laamo dhuudhuuban.

0

cukur

m l (-rro, m.dh)

Dhudhunka iyo calaacashu meesha ay iska galaan; jalaqley.

0

cul

f g1 (-ulay, -ushay)

Weel caanood ama biyood qori dab ah gudihiisa oo dhan xoqid, si loo nadiifiyo. ld cug².

0

culaab

m dh

Culayska shey leeyahay; miisaan.

0

culaabee

f g2 (-beeyay, -beysay)

Eeg: culaabi

0

culaabeyn

m dh

Eeg: culaabin

0

culaabi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax culaysin. ld culaabee.

0

culaabin

m f dh

ld culaabeyn.

0

culaacul

m dh (-lo, m.l)

1. Nafley yar oo biyaha balliyada ku dhex nool oo dixiriga la bah ah, oogo jilicsan iyo xubno leh, oo nuugta dhiigga nafleyda kale ee biyaha kula nool iyo dadkaba. 2. Gacanta meesha ay iska galaan calaacasha iyo dhudhunka.

0

culan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Wax la culay ahaansho. ld cugan².

0

culay

m l

Qoryo geedo gaar ah laga jaray oo iyaga oo dab leh weelasha caanaha iyo biyaha lagu nadiifiyo. ld cugay.

0

culays

m l (-syo, m.dh)

(fiis.) Xoogga uu dhulka ku soo jiidanayo walax ayaa ah culeyska walaxdaas. Culeyska walax waxa lagu helaa mg. taasoo culeysku ku xiran yahay hadba inta uu u jiro xuddunta dhulka. Waxa astaan u ah (w), halbeeguna waa niyuutan (N).

0

culays-isudhigan

m l (kiim.)

Cufka curiyaha ama iskudhiska ku darsami kara ama barabixin kara hal garaam oo haydarojiin ah (ama siddeed garaam oo ogsijiin ama 35.5 garaam oo koloriin) marka falgal kimikaad dhacayo. Culays-isudhiganku wuxu u taaganyahay “awoodda ku-darsamidda” ee walaxda.

0

culaysi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax culays saarid; cuslayn.

0

culaysin

m f dh

Eeg: culaysi

0

culid

m f dh

ld cugid.

0

culimmo

m dh w

Dad diinta Islaanka wax ka yaqaan, eeg caalin.

0

culnaan

m f dh

ld cugnaan, cugnaansho, culnaansho.

0

culnaansho

m l

/dh ld culnaan.

0

cululubad

m l

Eeg: cululubasho

0

cululubasho

m f dh

ld cululubad.

0

cululubo

f mg3 (-btay, -batay)

Go'aan hore loo gaaray, arrin la xusuustay darteed u beddelid.

0

cululuq

m dh sh r

Shanqarta ka yreerta caloosha dhaqdhaqaaqaysa ama la dacarfaalayo.

0

culummo

m dh w

Eeg: caalin

0

culus

f mg4 (-uslaa, -uslayd)

1. Wax miisaan weyn leh ahaansho. 2. Arrin muhiim ah ahaansho. 3. Arrin xalkeedu adagyahay ahaansho.

0

culuun

m dh

1. ld cilmi. 2. w. cilmi.

0

cumaacun

m dh (-umo, m.l)

1. Calaacasha iyo dhudhunka meesha ay iska galaan oo jalaqleyda ah. 2. Cagta iyo kubka meesha ay iska galaan; anqaw. 3. Lafaha yaryar ee faraha iyo lugaha middood.

0

cumaamad

m dh

Eeg: cimmaamad

0

cumeyri

m l

Eeg: cumuri

0

cumir

m dh

Eeg: cumur

0

cumraysad

m l

Eeg: cumraysasho

0

cumraysasho

m f dh

ld cimraysad, cimraysasho, cimraysi, cumraysad, cumra

0

cumraysi

m l

Eeg: cumraysasho

0

cumrayso

f mg3 (-stay, -satay)

Cimro gudasho. ld cimrayso.

0

cumri

m l

Eeg: cimri

0

cumro

m dh (dii.)

Siyaaro sunna ah oo Kacbada lagu tago oo leh sida xajka xarmasho, dawaaf iyo socod. ld cimro.

0

cumuqcumuq

m dh (-qyo, m.dh)

Hadal diidmo aan caddayni ku jirto.

0

cumuqcumuqlee

f mg2 (-leeyay, -leysay)

Hadal diidmo aan caddayni ku jirto dhihid. ld cumuqcumuqleh.

0

cumuqcumuqleh

f mg4 (-lahaa, -lahayd)

Eeg: cumuqcumuqlee

0

cumuqcumuqleyn

m f dh

cumuqlee.

0

cumur

m dh

C. ah: dhir aad isugu dhow oo aan la dhex mari karin; jiq. ld cumir.

0

cumuri

m l (-iyo, m.dh)

Maro dhuuban oo bul iyo xiddaayad leh oo haweenku dhexda ku xirtaan. ld cumeyri.

0

cun

f g1 (-nay, -ntay)

1. Cunto quudasho. 2. Qaniinyo wax ku yeelid. 3. Cayayaan, nafley dhiig ka jaqid. 4. Cid il wax ku yeelid. 5. Ciyaar turub haad, haad kale oo ka adag ku qaadasho.

0

cunaa

m l

C. ah: qof aad u cir weyn.

0

cunaabi

m l (-iyo, m.l)

Kuul laga sameeyey xabagta maydiga oo la warshadeeyey oo dumarku qoorta ku xirtaan.

0

cunabbarar

m l

Jirro ku dhacda dhuunta oo bararisa.

0

cunaggubyo

m dh

Xanfafka ka dhasha waxyaalo kulul oo la liqay.

0

cunaggubyoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Cunaggubyo dareemid.

0

cunaggubyood

m f l

Eeg: cunaggubyoo

0

cunan

f mg4 (-unnaa, -unnayd)

Wax la cunay ahaansho.

0

cunaqabad

m l

Eeg: cunaqabatayn

0

cunaqabasho

m dh

Eeg: cunaqabatayn

0

cunaqabatayn

m f dh

ld cunaqabad, cunaqabasho.

0

cunaqabatee

f mg2 (-teeyay, taysay)

Ka c.: cid waxay u baahanayd u diidid (siiba xag dhaqaale). ld cunaqabo (2).

0

cunaqabato

m dh

Diidmada loo diido cid waxay u baahnayd (sida dhaqaalaha).

0

cunaqabo

f mg3 (-btay, -batay)

1. Nafley cunaha ka qabasho; ceejin. 2. ld cunaqabatee.

0

cuncun

f g1 (-nay, ntay)

Xajiin xoqod u baahan dareemid.

0

cuncunid

m f dh

Eeg: cuncun³

0

cundugul

m l

Beergooye.

0

cune

m l (-nayaal, m.dh)

1. Dhuunta cunnadu marto oo isku xirta afka iyo caloosha xaggeeda sare. 2. Wax cuna; cunaa.

0

cunid

m f dh

cunitaan m.l Sida gasiinka loo cuno.

0

cunnaan

m f dh

ld cunnaansho.

0

cunnaansho

m l

/dh ld cunnaan.

0

cunnaddiid

m l

1. Qof aan cuntada ka cuni karin inta caadiga ah. 2. C. ah: ilmo yar oo aan cuntada si caadi ah u qaadan. ld cunnaddiidis, cuntaddiid.

0

cunnaddiidis

m dh

Eeg: cunnaddiid

0

cunnammareen

m l

Dhuun dheer, isku xirta afka iyo caloosha oo gasiinku sii maro markuu caloosha u socdo.

0

cunniin

m l

God, dab iwm ciid ku aasid.

0

cunnimo

m dh

God, dab iwm duugmid.

0

cunno

m dh

Waxa nafaqada leh ee nafleydu marka ay calaaliso,caloosha geliso oo ku noolaato. ld cunto.

0

cunsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

1. Carruur cunto afka ugu gurid. 2. Cid cunno cunaysa maaweelin.

0

cunsiin

m f dh

Eeg: cunsii

0

cunsur

m l (canaasiir/-rro, m.dh)

Meesha wax asalkiisu ka soo unkamay.

0

cunsurguuri

f mg2 (-iyay, -isay)

Cid si dhibaato weyn oo haysa ay uga baxdo u curraafayn ama Eebbe u baryid.

0

cunsurguurin

m f dh

ld cunsurguuris (2).

0

cunsurguuris

m l

1. Qof sixirka aad u yaqaan oo dadka wax ku yeela. 2. ld cunsurguurin.

0

cuntaddiid

m l

Eeg: cunnaddiid

0

cuntamid

m f dh

Eeg: cuntan

0

cuntan

f mg1 (-amay, -antay; -ami)

1. U c.: u qalmid; u dhigmid. 2. U c.: ka helid.

0

cuntayn

m f dh

ld cuntays.

0

cuntays

m l

Eeg: cuntayn

0

cuntaysii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Cid cunto siin.

0

cuntaysiin

m f dh

Eeg: cuntaysii

0

cuntee

f g2 (-teeyay, -taysay)

Wax cunid.

0

cunto

m dh

Eeg: cunno

0

cunto-sumow

m l (daaw.)

Xaalad cudur oo saameysa qaybta dheefshiidka gaar ahaan iyo jirka oo dhan, waxaana keena cunitaanka cunno faasid ah oo wadata baktiiriya ama sun baktiiriya, ama sunta lagu laayo xasharaadka miraha iyo khudradda, amase sun kiimikaad: Pb, Hg (merkuuriyada). Astaamo: 1-24 saacadood kaddib markii la cunay cuntadii sumeysnayd waxaa la isku arkayaa: matag, shuban, calool xanuun iyo lallabo.

0

cuntodiid

m l kh

C. ah: ilmo yar oo aan cuntada si caadi ah u qaadan.

0

cuntub

m l (-byo, m.dh)

1. Koox askar ah wada jira. 2. Wax isku xiran sida miraha cinabka iwm.

0

cunug

m dh (-gyo, m.dh)

Ilmo yar oo dheddig.

0

cunwaan

m l (-nno, m.dh)

1. Magaca la siiyo buug, maqaal iwm oo tilmaamaya waxa uu ka hadlayo. 2. Meel cid waraaqaha loogu hagaajin karo. ld cinwaan.

0

cuq

m dh

1. Muddo kooban oo ay digaagaddu ku fadhido ukumaha si ay u dillaacaan. 2. C. ah: digaag ku jirta muddadii fadhiga ee ay ukunta ku dillaacin lahayd. ld uq.

0

cuqaal

m dh w

Eeg: caaqil

0

cuqdad

m l

Meel ciriiri ah.

0

cuqdadayn

m f dh

Eeg: cuqdadee

0

cuqdadee

f g2 (-deeyay, -daysay)

Cid cuqdad ku beerid.

0

cuqdadlow

m l (-wyo, m.dh)

Qof cuqdad qaba.