Words starting with 'C'
2,548 Somali words beginning with 'C' — page 22 of 26.
cisal
1. (-llo, m.dh) Xubnaha taranta labka ee dibiga, wanka, orgiga iwm. 2. Caws yaryar oo dhaqso u soo baxa marka roob ku da'o.
cisee
Cid sharfid.
cishe
1. Habeenka intiisa hore; fiid. 2. (dii.) Shanta salaadood ee Islaanka faralka ku ah midda habeenki la tukado.
cisii
/mg2 (-iiyay, -iisay) C./ka c.: naflayda qaarkood ci' ka dhawaajin.
cismaandooy
Geed abaareed aan qodax lahayn, leh caleemo dhuudhuuban, laamo tootoosan oo kala baxbaxsan iyo miro hurdi ah oo la cuno dhexdana laf adag ku leh.
ciso
1. Xurmo. 2. Dhiigga haweenka bishiiba mar ku dhaca; caado. ld cis.
ciso-la'aan
La'aanta ama joogsashada caadada (dhiigga) ay dumarku bishii mar helaan. Caado ma laha gabdhaha aan baaluqin, dumarka uurka leh ama caano laga nuugayo iyo kuwa dhalmo dayska ah.
cisyaan
1. Amar dowladeed iyo wax la mid ah si bareer ah loo diido; fallaagannimo. 2. Caasinnimo.
citin
Hambo.
citiqaadid
ld citiqaad¹.
citiqaadsan
Qof diin, mabda' iwm aaminsan. ld ictiqaadsan.
citiqaadsanaan
ld citiqaadsanaansho, ictiqaadsanaan, icti-qaadsanaans
citiqaadsanaansho
/dh ld citiqaadsa-naan.
ciyaal
Carruur yaryar.
ciyaalnimo
Ciyaal ahaansho.
ciyi
1. Waqti jiilaal ah, reero shiraystay, hilibka ay siiyaan cid aan wax qalin. 2. Xarar lagu dhigo rarada ama weel.
ciyibidix
Ciyi loo leexshay bidix oo lagu daray masaydii bidixda ka jirtay masayda ciyiga laga qabtay, marka raarka la sameynayo.
ciyid
'².
ciyimidig
Ciyi midig loo leexiyey si loogu daro masayda midigta ka jirta masaydii ciyiga laga qabtay, marka raarka la samaynayo.
ciyoon
fk. ld ciyow².
ciyow
² fk. Si dhaqso ah, si degdeg ah. ld ciyoon.
cobol
Geed abaareed, caleen ballaaran oo aan qodax lahayn.
cod
1. Dhawaaq afka ka soo baxa marka la hadlayo, ama la heesayo, ama la qaylinayo iwm. 2. Diidmo ama oggolaansho laga dhiibto doorasho.
codbaahiye
Qalab elegtaroonig ah oo codka dheereeya.
codbixi
Wax la dooranaayo cod ka dhiibasho.
codbixin
ld codbixis.
codbixis
Dhiibashada cod laga dhiibto wax la dooranayo. ld codbixin.
codcod
Subag sixin ah oo fariistay.
codee
1. U c.: cid la dooranayo cod siin. 2. Ku c.: eray kor u akhriyid si loo maqlo. 3. Wax heesid; wax halaburid.
codeyn
Laan ka mid ah cilmiga afka oo la xiriira dhawaaqyada ereyada.
codkac
Cod dheer oo ku dul dhaca hal shaqal oo ka mid ah ereyga; codkacu rugo kala duwan ayuu ereyada uga dhacaa, taasna waxay keentaa in lagu kala saaro ereyo micnahooda, siiba kuwa qoraalkoodu isku midka yahay, sida “ìnan” (oo wiil ah) iyo “inàn” (oo gabar ah).
codkar
C. ah: qof hadalkiisu fasiix yahay oo figraddiisa si fiican u jeedin kara.
codkarnimo
Codkar ahaansho.
codlaawe
Xaraf marka lagu dhawaaqayo aan afka dabayli ka soo baxayn.
codle
Xaraf marka lagu dhawaaqayo dabayl xoog lihi afka ka soo baxdo.
codo
Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho.
codsasho
ld codsad, codsi.
codsi
Si xushmad iyo qaddarin leh oo cid wax loo weyddiisto. ld codsasho.
codso
Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho.
cokanaansho
/dh ld cukanaan.
col
1. (u) Koox dad ah oo hubeysan. 2. Laba qof ama ka badan oo isu haya dareen nacayb iyo isdiidmo ku jiro. 3. (u) Koox dad ah oo shaqo ka dhexeysa.
colaad
Dareen nacayb iyo isdiidmo ku jira oo laba qof ama ka badan isu hayaan.
colaadi
Cid cadaad u hayn.
colaadin
ld colaadis.
colguri
1. Naag la qabo oo dhibaato badan. 2. Xuguf iyo isnaceyb ka dhexeeya dad ehel ah oo meel ku wada nool; dagaal sokeeye.
colleysasho
ld colleysad, colleysi.
colleyso
Cid la colloobid.
collob
1. Hilib si yaryar oo oodkaca ka waaweyn loo jaro oo subag lagu shiilay ku jira. 2. Oodkac. ld coldhob, locob.
colloobid
ld collow¹.
collow
La c.: cid colaad u qaadid.
colwade
1. Qof garwadeen u ah col. 2. Qof colaad iyo xasilooni la'aanta jecel; fidnawale.
conqor
/dh (-ro, m.l) Biyaqabad yar, aan hoos u dheerayn oo dhadhaab dusheeda ku yaal.
conqorree
Xubin sac dhali waayay sancayn.
conqorreysan
Wax la conqorreeyey ahaansho.
conqorreysnaan
ld conqorreysnaansho.
conqorreysnaansho
/dh ld conqorreysnaan.
coobbakari
Awr iwm coobbada aad buurid.
coobbe
Cunaha awrka ee buufsima marka gulguloonayo.
coobbee
Cune buurid (awr).
coobil
C. ah: orgi si dhaqsa ah aan u dareemin astamaha orgoodka rida.
coobilnimo
Coobil ahaansho.
coobir
Nin fil weyn oo xoog leh.
cood
1. Maal; hanti. 2. Xoolaha la dhaqdo. ld cuud¹ (4).
cooddi
Hilib baruur leh.
coodin
Geed nagaar dhulka ku faalala oo leh laamo dhudhuuban, caleemo yaryar iyo buruq biyo badan oo la cuno.

