Words starting with 'C'
2,548 Somali words beginning with 'C' — page 19 of 26.
ciildibbir
Ciil badan dareemid.
ciilkambi
/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. Is c.: ciil ama xanaaq muujin. 2. Is c.: murugood. 3. Iska c.: ka shallayn, ka xumaasho.
ciilkambiyid
ld ciilkambi¹, ciilkambin.
ciillan
1. Wax ciil hayo ahaansho. 2. ld cillan.
ciillanaan
1. eeg ciillan. 2. ld cillanaan. ld ciillanaansho.
ciillanaansho
/dh ld Ciillanaan; cillanaan.
ciilqab
1. Uurxumo. 2. ld ciilqabid.
ciilqabid
ld ciilqab¹ (2).
ciin
Geed cagaaran, cufan, caleen iyo qodax toona lahayn, laamo dhuudhuuban oo dhacaan cad leh oo geelu ku sumoobo hadduu daaqo.
ciiqee
1. Wax meel ciriiryoon marsiin. 2. ld ceeji.
ciiqo
Nafley dhibaato la kulmid.
ciiqsanaansho
/dh ld ceegsanaan.
ciir
1. Firiiric yaryar oo oogada nafleyda ka soo yaaca. 2. ld ciirid.
ciirad
Ciil.
ciiraysan
Wax ciiro qarisay ahaansho.
ciiraysnaan
ld ciiraysnaansho.
ciiraysnaansho
/dh ld ciiraysnaan.
ciirayso
1. Wax ciiro yeelasho. 2. Cid, ciir doonasho.
ciirciir
1. Sabbayn; daandaamid; dheeldheelid. 2. Gaasirid, isdhimid.
ciiree
Wax ciiro u yeelid.
ciirid
ld ciir¹ (2).
ciiro
1. Midabka ciiryaamada; wixii kaloo midabkaas yeesha (habaas badan oo dabayli kiciso, qiiq iwm). 2. Boor ay dabayl kicisay.
ciirsan
Wax awood yari dartii la liicay ahaansho.
ciirsanaan
ld ciirsanaansho.
ciirsanaansho
/dh ld ciirsanaan.
ciirsasho
ld ciirsad, ciirsi (2).
ciirsi
1. Taageero. 2. ld ciirsasho.
ciirsila'
Meel cidla' ah oo aan wax la miciinsado joogin.
ciirsila'aan
'. ld ciirsila'aansho.
ciirsila'aansho
/dh ld ciirsila'aan.
ciirso
Cid kaalmo weyddiisasho.
ciis
Nooc ka mid ah warmaha waaweyn.
Ciise-kaddib
(C.d.) Waxay sheegaysaa inta sano ama qarni ee laga joogo dhalashadii nebi Ciise.
Ciise-kahor
(C.k.) Waxay u taagantahay Ciise hortii, taasoo sheegaysa sanad gaar ah, ama qarni, ka hore dhalashadii Ciise.
ciishaysan
Wax ciishooday ahaansho.
ciishaysii
Ka c.: cid ciil badid.
ciishaysnaan
ld ciishaysnaansho.
ciishaysnaansho
/dh ld ciishaysnaan.
ciishoo
Ciil dareemid.
cilaacil
Lafaha yaryar oo raafafka xooluhu ku jira middood.
cilaaq
1. ld ilaaq. Hadal aan milgo lahayn oo iska muran ah. 2. Saxaro.
cilaaqid
ld ilaaqid.
cilaaqtamid
ld cilaaqtan¹, ilaaqtamid, ilaaqtan¹.
cilaaqtan
Isdhaafsashada hadal muran iyo hagag leh. ld ilaaqtamid.
cilcilloon
Dabayl hadba dhan ka soo dhacda.
cilcillow
Waqtiga u dhexeeya markay qorraxdu dhacdo iyo inta aan aasku aad u madoobaan. ld cilcillaw.
cilimo
Geeso xoolaad oo dhinacyada u kala jeeda.
cilin
1. Haweeney dhererka caadiga ah aad uga gaaban. 2. C. ah: miro jirro awgeed la yaryaraaday.
cillaal
Arrin aan xalkeeda fogeyn.
cillaalid
ld cillaal¹.
cillaan
1. Geed abaareed weyn, cufan, calemo yaryar leh, qodax lahayn oo ubaxiisu udgoon yahay. 2. Budo caleen oo marka la qaso ciddiyaha, timaha iwm lagu guduudsado.
cillad
1. Dhaliil qof leeyahay oo qiimahiisa hoos u dhiga. 2. Iin wax leeyahay. Tus. “Baabuurka c. buu leeyahay”. ld cillo.
cilladayn
ld cillayn.
cilladee
Wax cillad u yeelid. ld cillee.
cillal
Geed nagaar faalala, leh caleemo balballaaran iyo buruq weyn oo dhulka ku aasan oo la cuno.
cillan
Wax aan muqaan ahaansho. ld ciillan.
cillanaad
Wax jira oo aan muqaalkooda la arag, lana taaban karin. ld ciillanaad.
cillanaan
ld ciillanaan, ciillanaansho, cillanaansho.
cillanaansho
/dh ld cillanaan.
cilmi
1. Aqoon habeysan oo waayo aragnimo iyo daalacasho lagu kasbaday. 2. Qeyb ka mid ah aqoonta oo la xiriita maaddo gaar ah. ld culuun.
cilmi-haweed
Cilmiga barashada gibilka dhulka, gaar ahaan, marka laga eego dhanka cimilada iyo cimilo gooreedkaba.
cilmi-jabaqeed
Cilmiga ku saabsan barashada dhalinta, dhalanka iyo baahinta hirarka jabaqda.
cilmi-nafsi
Laan ka mid ah cilmiga oo ku sabsan nafsadda, dhaqanka iwm ee qofka.
cilmibaaris
Raadinta xaqiiqo la xiriirta cilmi.

