0

cuskan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax, wax kale ku tiirsan ahaansho.

0

cuskanaan

m f dh

ld cuskanaansho.

0

cuskanaansho

m l

/dh ld cuskanaan.

0

cuskasho

m f dh

ld cuskad.

0

cuski

f g2 (-iyay, -isay)

Wax, wax kale ku tiirin.

0

cuskin

m f dh

Eeg: cuski

0

cusko

f g3 (-kaday, -katay)

1. Ul, derbi, geed iwm tabaryari awgeed miciinsasho. 2. Fikrad ama qodob sharci xigasho. 3. Eebbe miciin ka tuugid.

0

cuskug

f mg1 (-gay, -gtay)

Meel, hawl la'aan fadhiyid.

0

cuskugid

m f dh

ld cuskug¹ (2).

0

cuslaan

m f dh

ld culays, cuslaansho.

0

cuslaansho

m l

/dh eeg cuslow. ld cuslaan.

0

cuslayn

m f dh

Eeg: cuslee

0

cuslaysasho

m f dh

Eeg: cuslayso

0

cuslayso

f g3 (-stay, -satay)

Hawl, arrin iwm wax culus oo dhib leh ka dhigasho.

0

cuslee

f g2 (-leeyay, -laysay)

1. Wax miisan ku kordhin. 2. Arrin xalkeeda adkayn.

0

cuslow

f mg3 (-laaday, -laatay)

1. Wax culus noqosho. 2. Wax dhib leh noqosho.

0

cusub

f mg4 (-sbaa, -sbayd; cuscusub)

1. Wax aan weli la isticmaalin ahaansho. 2. Wax jiritaankiisa markaa ugu horreyso ahaansho. 3. Cir, wax roob laga filayo ahaansho.

0

cutad

m l

Harag ama saan isku jactadsan.

0

cuti

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: cuddi

0

cutin

m dh

Eeg: cuddin

0

cutis

m l

Eeg: cuddin

0

cutub

m l

Eeg: cuntub

0

cutush

m l (-shyo, m.dh)

Qof tabar dhigay da' awgeed. ld cuti¹, xutush.

0

cuud

m l

1. Qori caraf udgoon leh oo la shito. 2. Jiriir badar oo aad loo yaryareeyey; xanbab. 3. Nooc ka mid ah cayaaraha dhallinyartu dheesho oo qori yaryar lagu faniijiyo, kaddibna inta ay yoolka u jirto lagu xisaabtamo. 4. ld cood.

0

cuudi

f g

/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax, meel cuud ku udgin. 2. (f.mg) Ka c.: cid rooxnaan, dhir udgoon uga shidid.

0

cuudid

m f dh

Eeg: cuud²

0

cuudin

m f dh

Eeg: cuudi

0

cuul

f mg1 (-uulay, -uushay)

Wax hullaab ku qarin (qof).

0

cuulan

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof wax la cuulay ahaansho.

0

cuulid

m f dh

Eeg: cuul

0

cuulnaan

m f dh

ld cuulnaansho.

0

cuulnaansho

m l

/dh ld culnaan.

0

cuun

m l

1. Meel dhir badan oo jiq ah. 2. Dab, webi, bad iwm agtooda.

0

cuur

f g1 (-ray, -rtay)

Weel aad u buuxin.

0

cuurad

m l

Eeg: cuurasho

0

cuuran

f mg1 (-rmay, -rantay)

Wax aad u buuxa noqosho (weel).

0

cuurasho

m f dh

ld cuurad.

0

cuurcuur

m l

Socoshada gaar ah haweeney gaboobtay oo butucsan.

0

cuurid

m f dh

Eeg: cuur²

0

cuurmid

m f dh

Eeg: cuuran¹

0

cuurnaan

m f dh

ld cuurnaansho.

0

cuurnaansho

m l

/dh ld cuurnaan.

0

cuuro

f g3 (-rtay, -ratay)

Weel aad u buuxsasho.

0

cuurxirad

m l

God gaar ahaaneed oo ka mid ah godadka lagu dheelo ciyaarta leylada oo qof u xiran.

0

cuwaaf

m dh

Cunto yar oo khafiif ah oo la cuno inta u dhexeysa waqtiyada rasmiga ah ee wax la cuno.

0

cuwaafad

m l

Eeg: cuwaafasho

0

cuwaafasho

m f dh

ld cuwaafad.

0

cuwaafo

f g3 (-ftay, -fatay)

Cuwaaf cunid.