caalqaadasho
ld caalqaadad.
caalqaado
Arrin u hoggaansamid awood la'aan awgeed.
caalsaar
Nuujinta neef irmaani uu nuujiyo canug uu dhalay oo meel ku xiran. ld caalsaarree (1).
caalsaar.
caalsaar². 2. Qori, xabbad barta shiishka kor uga qaadid.
caalsaarasho
ld caalsaarad.
caalsaarayn
ld caalsaarays.
caalsaare
1. ld caalsaar¹. 2. Qori barta shiishka xabbad kor uga kaca.
caalsaaree
1. ld
caalsaaro
Neef irmaan caalsaar samayn.
caalwaa
1. Karti iyo xoog uu wax ku qabto la'. 2. ld caalwaayid.
caalwaayid
ld caalwaa¹ (2).
caam
C. ah: wax guud ahaaneed oo dad badan u dhexeeyo.
caambax
Ku c.: qof wax caan ku noqosho.
caamnimo
Caam ahaansho.
caamo
1. Dad aan wax qori karin waxna akhrin karin. 2. Qof muslin ah oo diinta Islaanka aqoon badan u lahayn.
caan
C. ah: wax dad badani yaqaan.
caanacaso
Caano xoolaad ama haween oo aan nafaqo lahayn.
caanad
Lacag ka mid ah sarrifka rubbiyada oo qiimaheedu yahay toban senti.
caanaddiid
1. C. ah: waqtiga barwaaqada qofka caanaha dhami kari waayay, markay ku keliyaysteen. 2. ld caanadiidid.
caanaddiidid
ld caanadiid¹ (1).
caanaddiiq
Dad caanaha xoolaha suuqa u iib geeya. ld caanateel¹, caanateelley, caanooley (1).
caanaddiiqid
ld caanaddiiqis.
caanaggaleen
Xididdada caanuhu maraan ee candhada xoolaha.
caanaggocato
1. Nooc ka mid ah cayayaanka oo u eg doorshaanka. 2. Cudur jirka dadka ku dhaca oo nabarro cuncun leh u yeela.
caanalahar
Neef xoolaad oo ay adagtahay in caanaha laga dhammeeyo.
caanallul1
Cayayaan yar oo sida doorshaanka qolof adag leh oo inta hadba istaaga, salka dhulka la dhacdhaca.
caanallul2
; caanarrux, caanarruxato.
caanammaal
Labada waqti ee xoolaha la maalo (fiid iyo subax middood).
caanammaceeye
Geed maygaagga u eg oo lagu culo haamaha iyo dhiilaha iwm. ld caanammacays.
caanammiir
Qalab caanaha lagu miiro.
caanannuug
/dh (-gyo, m.dh) Ubad naasley oo aan weli naaska hooyadii ka go'in; naasnuug.
caanannuugnimo
Caanannug ahaansho. ld caanonnuugnimo.
caanannuuji
Caano nuujiin; caanosiin.
caanaqub
Naasley caws ku nool ah, qodxo dhaadheer oo mardimo caddaan iyo madow isku xiga dusha ku leh; kashiito; yaadaddo; dhiddo.
caanateel
1. ld caanaddiiq 1. 2. C. ah: xoolo lagu dhaqo meel u dhow tuulo ama magaalo si caanahooda loo suuqgeeyo. 3. C. ah: qof dhaqa xoolahaas. 3. ld caanateelid.
caanateelid
ld caanaddiiqid, caanateel¹ (3), caanateelis.
caanaxaraarshe
Nagaar xoolaha daaqa caanahooda kharaar noqdaan.
caanee
Caano wax ku darid.
caaneeye
Iniin meseggo ama galley inta aysan habuuq noqon.
caaneeyo
Caanaha laga saaro burcadka marka la shiilo. ld caaney, caanooyo.
caaneysasho
Caano soo deynta qanjirrada naasaha oo badanaa bilowda uurka dhammaadkiisa.
caannimo
Caan ahaansho.
caano
1. Hoore cad, nafaqo leh, la dhammo oo naasleyda dheddig ee irmaan ibaheeda ka yimaadda. 2. Dhacaan cad, layiig ah oo dhirta qaarkeed ka yimaadda marka la turqo.
caanoddeys
Ubadka xoolaha oo caano nuugiddii ka go'ay.
caanolul
Qori kuusan oo marka caanaha la lulayo haanta loo dhigo.
caanomaallo-isle'eg
Eray loo adeegsado labada barood oo ay iska gooyaan tub sannadeedka qorraxda iyo sallaxa gooya dhul-baraha; waa sannadkii marka qorraxdu ay bartamaha maalintii ku dul beegantahay badhaha. Waa marka ay ku jiraan labada cirif, isla markaas waa marka meel kasta oo dunida ka mid ahi ay maalmahooda iyo hebeennadodu isla egyihiin - 12 saacadood mid kasta.
caanonnuug
/dh (-yo, m.dh) Ubad xoolaad oo weli nuuga hooyadii. ld caanannuug.
caanonnuugnimo
Caanannuug ahaansho. ld caanannuugnimo.
caanoole
Nin caanaha ka ganacsada.
caanooley
1. ld caanaddiiq 1. Haweeney caanaha ka ganacsata; (u) dad caanaha ka ganaacsada. 2. ld canaaley. Naasley.
caanoqaadad
Caano-yaraynta xoolo irmaani caana yareeyaan.
caanteyn
Lacag ka mid ah sarrifka rubiyada oo qiimaheedu u dhigmo labaatan senti. ld caanateyn.
caanyee
1. Harag caano ku jilcin. 2. Ma daroorsha ka dhigid, agloolid. 3. Waxyaabo aan islahayn isku qasid (arrin). 4. Qof si xun ula dhaqasho.
caaq
C. ah qof aad u garaad yar.
caaqibaxumo
Xaalad aan aayatiinkeedu wanaagsanayn. ld caaqibaxumi.
caaqibee
Wax caaqibo u yeelid.
caaqibo
1. Cirib dambeedka qof leeyahey, aayatiin. 2. Waxtar iyo wanaag.
caaqil
1. Nin caqli badan. 2. (-llo/cuqaal m.dh) Nin bulsho meel ku wada nool u dooratay inuu madax u noqdo; nabaddoon.
caaqilad
Naag caqli badan.
caaqilnimo
Caaqil ahaansho.
caaqilo
Ciqaabta Rabbi ee ku dhaca cid cid kale ama wax kale ku gabbood fasha; nabsi.
caaqnimo
Caaq ahaansho.
caar
1. Midab baraashirix ah oo lo'da ariga iyo farduhu yeeshaan. 2. Cudur haragga dadka ku dhaca oo baro cadcad u yeela; qawad.
cąar
Xubinta taranka ee ratiga.
caarad
1. Xoolo ama dad wada socda intooda ugu horreysa. 2. Asbuuc, bil sanad iwm billowgiisa.
caarad-dhuub
1. Wax kasta oo af fiiqan leh. 2. Nooc warmaha ka mid ah oo af fiiqan leh. 3. Nooc ka mid rasaasta oo af fiiqan leh.
caari
Marka biyaha badda dib berriga uga noqdaan. ld caarid.
caarid
(juqr.) Hirar waa tallantaaliga kicitaanka iyo dhicitaanka ee badda dusheeda, kaas oo dhaca ugu dhawaan maalintii labo jeer waxaana sababa cufisjiidadka dayaxa iyo ka qorraxda oo isna si kan yar u sababa. Badweynnada furan, faraqa u dhexeeya heerarka hirarka sare iyo hirarka gaaban wuxuu ka yaryahay 1 m, laakin badaha gunta gaaban ee qaaradaha saaran faraqu wuxuu gaarayaa in ka badan 6 m, gacannada dhuuban ee hirarka leh waxaa dhici karta faraqu inuu gaaro 15 m ama ka badan.
caarif
Nin aqoon dheerad ah leh.
caariyeysasho
ld caariyeysad, caariyeysi.
caariyeyso
Wax caariyo ahaan u qaadasho.
caariyo
Shay cidi ergato si ay muddo ugu soo dhaqanto.
caaro
1. Cayayaan siddeed lugood leh, samaysta dabin shabaq ah oo bahallada yaryari ugu dhacaan. 2. Cuncun oogada laga dareemo oo barar leh; cadanyo; xajiin.
caaroobid
ld caarood.
caarood
Kahsi muddo gaaban ama muddo dheer oo jirku yeelanayo barbarar wareegsan maqaarka korkiisa cabbirkooduna kala waaweynyahay, cuncun badanna wuu leeyahay; saacado ama ayaamo ayuu jiri karaa.
caarooti
1. Cir cusub oo daruurihiisa biya ka buuxaan. 2. Meseggo, galley iwm oo sabuul saartay. 3. ld caarootiyid.

