Words starting with 'C'
2,548 Somali words beginning with 'C' — page 10 of 26.
canceeno
Raxmad; naxariis.
canceensasho
ld canceensad.
canceenso
Cid canceeno ka dalbasho.
candhaaq
Si kala daadsanaan iyo qaabdarro ah u fadhiyid (qof).
candhaaqid
ld candhaaq¹.
candhaaqsasho
ld candhaaqsi.
candhaaqso
Si candhaaq ah u fadhiisasho.
candhabeel
1. Cudur ku dhaca candhada oo xididdada caanaha waaxyeela. 2. ld candhabeelid.
candhabeelid
ld candhabeel¹ (2).
candhable
Gun, sal.
candhadheer
Waraabaha kan dheddigga ah.
candhakar
Weynaan iyo barar ka muuqda candho aad caano uga buuxsameen.
candhakarsan
Candho xoolaad wax aad u dararay ahaansho.
candhakarsanaan
ld candhakarsanaansho.
candhakarsanaansho
/dh ld candhakarsanaan.
candhasaab
Kolay maro ama harag ka samaysan oo ariga candhada loo geliyo si aysan dhashoodu u nuugin.
candhasaaban
Wax la candhasaabay ahaansho (ari).
candhasaabnaan
ld candhasaabnaansho.
candhasaabnaansho
/dh ld candhasaabnaan.
candhasaabo
Ari irmaan si aysan dhashiisu u nuugin candhasaab u gelin.
candhee
1. Neef irmaan candho keenid. 2. Neef sid dhaweeyey gor yeelasho.
candho
Xubinta caanahu galaan ee xayawaanka dheddig.
candhokar
Candho xoolaad aad u dararid.
candhokarsan
Candho xoolaad wax aad u dararsan ahaansho.
candhokarsanaan
ld candhokarsanaansho.
candhokarsanaansho
/dh ld candhokar sanaan.
candhuuf
Hoore layig ah, aan midab lahayn, qanjirrada afka nafleyda ka yimaada oo liqidda cuntada fududeeysa. ld candhuufo.
candhuufee
1. Candhuuf marin. 2. Candhuuf ku tufid.
canfar
Neef ido ah oo canka diilliin cad ku leh.
cangaleel
Nooc aleelada yaryar ka mid ah.
cangub
Geed quwaax qodax leh oo dhiddinka u eg.
canjeel
Geed weyn, miro la cuno leh, koox koox u baxa oo u eg deegaanka.
canjeelo
Cunto jilicsan, taawo lagu dubo, ka samaysan badar riqdan oo bur lagu cajiimay; cambaabur; canjeero. ld canjeero.
canjiid
Summad alif dheer ah oo xoolaha daanka looga dhigo.
canjil
Cid hadal ay sheegtay si qaab daran daba dhihid; jilid; dhaajin.
canjilid
ld canjil¹.
cankuqaad
Geedka galleyda inta uusan sabuulka soo ridin ee uu dhinaca ka kuusanyahay.
canqaw
Labada lafood ee ka soo taagan meesha cagta iyo kubka iska galaan middood. ld anqow.
canshuur
Lacag boqolkiiba in laga qaado hantida dadweynaha si ay dawladdu ugu fuliso danta guud. ld cashuur¹.
canshuuran
Wax la canshuuray ahaansho (hanti). ld cashuuran.
canshuurasho
ld cashuurasho.
canshuurid
ld cashuurid.
canshuurnaan
ld canshuurnaansho, cashuurnaan, cashuurnaansho.
canshuurnaansho
/dh ld canshuurnaan.
canshuuro
Hanti, cashuur ka baxsasho. ld cashuuro.
canshuurqaad
; Canshuurqaadid; canshuurqaade.
canshuurqaade
Qof dadweynaha ka soo ururiya canshuurta. ld canshuurqaad (2), cashuurqaade.
canshuurqaadid
Uruurinta canshuur laga soo ururiyo dadweynaha. ld canshuurqaad (1), cashuurqaadid.
cantab
Meel godan, canka xoolaha ku taal oo daaqu ku ururo.
cantalaal
1. Hadal qof hurdayo ku hadlo; qarow. 2. ld cantalaalid.
cantalaalid
ld cantalaal¹.
cantalyaa
Nooc ka mid ah haadda waaweyn oo leh gafuur dhuuban oo dheer, lugo dhaadheer iyo guluc laallaadda oo uu cuntada ku rito; baambow. ld candallaa, cantallaa, cantalay.
cantar
1. Kibir; aabi. 2. C. ah: aan ulajeeddo fiican lahayn, aan macne lahayn (hadal).
cantarabbaqash
Hadal aad u nuxur yar.
cantatab
1. (-byo, m.dh) Qof aad u da'weyn oo caqligiisu doorsoomay. 2. C. ah: hadal aan milgo lahayn oo cabsi, argagax iwm keenaan. ld catatab¹.
cantatabid
ld catatabid.
cantoobo
In kol shanta farood iyo calaacasha lagu qabto oo buuxisa. ld cantoob, xantoobo.
cantuug
Cunto ama cabitaan, hal mar afka ka buuxin.
cantuugo
Cabitaan ama cunto hal mar afka buuxisa.
cantuuji
Qof cunto uu cantuugo siin.
canyayuub
Si qaab daran oo wax loo duudduubo.
canyayuus
Iniino qare oo la dubay kaddibna la daqiijiyey.
canyo
Cagaar yar, dhanaan, ka baxa meelaha ciidda jilcan leh oo la cuno. ld cayo.
caqabo
Shanboolada oo saddex goor la boolaysto laguna badiyo (turub).
caqad
Nikaax. ld caqdi.

