0

cirbadhiibso

f mg3 (-saday, -satay)

Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid. ld ciridhiibso.

0

cirbar

m l

/dh Cirka bartankiisa. ld cirbare.

0

cirbare

m l

Eeg: cirbar

0

cirbataag

f mg1 (-gay, -gtay)

Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid.

0

cirbataagid

m f dh

ld cirbataag¹.

0

cirbataagsad

m l

Eeg: cirbataagsasho

0

cirbataagsasho

m f dh

ld cirbataagsad, cirbataagsi.

0

cirbataagsi

m l

Eeg: cirbataagsasho

0

cirbataagso

f mg3 (-saday, -satay)

Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid.

0

cirbaxeen

m l (-nno m.dh)

Qof aqoon u leh duulinta ama hoggaaminta dayaxgacmeedka. ld cirbixiyeen.

0

cirbaxeennimo

m dh

Cirbaxeen ahaansho. ld cirbixiyeennimo.

0

cirbi

f g2 (-iyay, -isay)

Faras, rakuub iwm si uu orodka u dheereeyo cirbaha ku dhufasho.

0

cirbin

m f dh

Eeg: cirbi

0

cirbixi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax hawada sare u ganid.

0

cirbixin

m f dh

Eeg: cirbixi

0

cirbixiyeen

m l

Eeg: cirbaxeen

0

cirbixiyeennimo

m dh

Eeg: cirbaxeennimo

0

cirboor

m dh

Dabayl xoog badan, boor iyo qashin sidata, socota iyadoo isku dhex wareegaysa, samada isku taluulisa oo roobaka laga saadaaliyo. ld cirwareen.

0

circaddaa

m l

Roob badan oo muddo dheer da'a; kolkuu roobku da'ayo oo daruuruhu iyagoo isku tirmay oo isu wada ekaaday cirka wada daboolaan oo jahooyinka la kala aqoon waayo.

0

cirdaloolo

m dh

Cirka oo daruur roob wada qarisay, meel yar oo ka bannaan.

0

cirdood

m l u

Ugaadh. ld ciddood.

0

cirdoox

m dh

Roobdoon geed la fuulayo oo suuratul Huud la akhrinayo.

0

cirfiid

m l (caafaariid/-dyo, m.dh)

Jin dhib badan. ld cifriid.

0

cirfiidad

m dh

Wiish silig koronto leh ku socda oo qararka iyo buuraha dhaadher la isaga tallaabo.

0

cirgaduud

m l

Labada waqti ee ay qorraxdu marna soo baxayso marna dhaceyso middood.

0

cirguduud

m l

Eeg: cirgaduud

0

cirib

m dh (-rbo m.l)

1. Cagta dadka meesha ugu damabeysa oo adag ee u dhexaysa raysmagaadhada iyo boqonta. 2. Ciribdambeed. ld cidhib¹.

0

ciribbeel

f mg1 (-eelay, -eeshay)

Nafley ama wax kale jiritaankooda baabi'id.

0

ciribbeelid

m f dh

Eeg: ciribbeel

0

ciribdambeed

m l

Waxa nasiib u noqda ee qof noloshiisa ku dambeyso.

0

ciribdarro

m dh

Cawaaqib xun ee uu wax ku dhammaado.

0

ciribgo'

f mg1 (-'ay, -'day)

Wax jiritaankooda baabi'id.

0

ciribgo'id

m f dh

'.

0

ciribgoo

f g2 (-ooyay, -oysay)

Wax jiritaankooda ama isticmaalkooda baabi'in.

0

ciribgoyn

m f dh

Eeg: ciribgoo

0

ciribla'

m l

/dh (-'yo, m.dh) Dhurwaagu marka uu aad u duqoobo.

0

ciribla'aan

m dh

Ciribdambeed xumo.

0

ciribsasho

m f dh

Eeg: ciribso

0

ciribso

f g3 (-saday, -satay)

1. Cid, ciirsi weyddiisasho. 2. Qof, cid ka horreysa tiigsasho.

0

ciribtir

f g1 (-ray, -rtay)

Wax jiritaankiisa baaba'ay ahaansho.

0

ciribtiran

f mg1 (-rmay, -rantay; -rmi)

Wax jiritaankiisa baaba'ay noqosho.

0

ciribtirid

m f dh

ld ciribtir¹.

0

ciribtirmid

m f dh

Eeg: ciribtiran¹

0

ciribtirnaan

m f dh

ld ciribtirnaansho.

0

ciribtirnaansho

m l

/dh ld ciribtirnaan.

0

ciribxumi

m l

Aayo xumi. ld ciribxumo.

0

ciribxumo

m dh

Eeg: ciribxumi

0

cirid

m dh

1. Bacaad qorraxdu kululaysay. 2. Kulaylka qorraxda. ld ciriid, cirrid³.

0

ciridhiib

m l

Isku taagidda faraha lugaha iyaada oo cirbaha kor loo qaadaayo. ld cirbadhiib.

0

ciridhiibsad

m l

Eeg: cirbadhiibsasho

0

ciridhiibsasho

m dh

Eeg: cirbadhiibsasho

0

ciridhiibsi

m l

Eeg: cirbadhiibsasho

0

ciridhiibso

f mg3 (-saday, -satay)

Eeg: cirbadhiibso

0

cirif

m l (-fyo, m.dh)

Geeska ugu dambeeya ee ay ku dhammato meel ama shay. ld cidhf.

0

cirifayn

m dh

1. (fiis.) Xadaynta gariirrada ay leedahay hir gudbani, si gariirku ugu dhaco sallax keliya. Tusaale ahaan, kaaha birlab danabeed waa dhaqaaqa hir gudban. 2. (fiis.) Yaraynta maayadda unugga Foolt, taas oo ka dhalata tuulmidda maxsuullada ka soo baxa falgalka kiimikaad.

0

ciriid

m dh

Eeg: cirid

0

ciriiri

f g

/mg1/2 (-ryay,-riday/risay;-ryi) 1. (f.g) Meel, ciriiri ka dhigid. 2. (f.mg) Ku c.: meel, wax qaadkeeda ka badan ku kordhin. ld cariiri².

0

ciriirin

m dh

Eeg: ciriiryid

0

ciriirsamid-bilooro

m dh (daaw.)

Muruq bararka caloosha oo ciriiriya godka cunnadu marto marka ay gudbeyso xiidmaha. Cudurku wuxuu keenaa raagid cunno gudbid taas oo u sabab ah matag soo noqnoqda, mararka qaarkood cunno la cunay 24 saac ka hor; waxa kale oo la arkaa uur fuuriyo nuux-nuuxsi calooleed.

0

ciriiryid

m f dh

ld cariirin, cariiryid, ciriirin.

0

ciriiryoon

f mg4 (-naa, -nayd)

Meel, wax ciriiri ah ahaansho. ld cariiryoon.

0

ciriiryoonaan

m f dh

ld cariiryoonaan, cariiyoonaansho, ciriiryoonaansho.

0

ciriiryoonaansho

m l

/dh ld ciriiryoonaan.

0

cirir

m l

1. Godka laba iyo labaatanaad ee dayaxu fariisto. 2. Xiddig dayaxa la fariista xilliga jiilaalka. 3. Qof adadag oo ayaan badan oo dhashay xilliga xiddiggaas.

0

cirjeex

m dh

Meereyaasha kan ugu weyn oo u dhexeeya farraare iyo raage; mushtar. ld cirjiir.

0

cirjiir

m dh

Eeg: cirjeex

0

cirkasoodhac

m l

1.(-cyo m.dh) Dhagax shiil madow ah oo la rumaysanyahay in uu hawada sare ka yimid. 2. Arrin si lama filaan ah u dhacda. 3. Waran-cireeyada aan atmoosfeerka ku soo burburin, ee soo gaara dhulka. ld cirsoodhac.

0

cirkayeer

m l (-rro, m.dh)

Shimbir habeenkii ciya oo saadaaliya roob. ld cirsankayeer.

0

cirrannuug

m l

Yaraan; guridambays; sug.

0

cirrayn

m f dh

Eeg: cirree

0

cirraysasho

m f dh

Eeg: cirrayso

0

cirrayso

f mg3 (-stay, -satay)

Cirro yeelasho.

0

cirree

f g2 (-reeyay, -raysay)

Wax ama qof cirroole ka dhigid.

0

cirrid

m dh

Eeg: cirid

0

cirridbaar

f mg1 (-ray, -rtay)

War ama xog lagu tuhmayo inuu wax ka ogyahay, qof si dadban u weyddiin.

0

cirridbaarid

m f dh

Eeg: cirridbaar

0

cirro

m dh

Timo caddaaday oo ka baxa madaxa ama garka.

0

cirroobid

m f dh

Eeg: cirrow

0

cirroole

m l (-layaal m.l/dh)

Qof gaboobay.

0

cirrow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

yeelasho.

0

cirsankayeer

m l

Eeg: cirkayeer

0

cirsoodhac

m l (-cyo, m.dh)

(c.fal.) Cuf weyn oo dhadhaab ama macdan ah, kaas oo la mid ah shuhubka; cufkaas isaga oo weyn awgeed uguma burburo gibilka dhexdiisa boor ahaan, laakiin wuxuu soo gaaraa dhulka dushiisa. ld cirkasoodhac.

0

cirtaali

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: cirtaallee

0

cirtaalin

m dh

Eeg: cirtaallayn

0

cirtaallayn

m f dh

ld cirtaalin.

0

cirtaallee

f g2 (-leeyay, -laysay)

Wax, kor u gamid. ld cirtaali.

0

cirtaallo

m dh (-ooyin, m.l)

Tuuryo kor loo gamo oo meel fog la gaarsiyo.

0

cirujeed

m l

Miro yicibeed oo markaa soo dhashay.

0

cirwareen

m dh

Cirboor; qode.

0

cirweyn

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax cirweyni ku sifoobay ahaansho.

0

cirweynaan

m f dh

ld cirweynaansho, cirweyni.

0

cirweynaansho

m l

/dh ld cirweynaan.

0

cirweyni

m dh

Awoodda nafley u leedahay in ay raashiin wax badan ka cunto. ld cirweynaan.

0

ciryar

f mg4 (-raa, -rayd)

Wax aan xaddi badan cunto ka qaadan ahaansho.

0

ciryaraan

m f dh

ld ciryaraansho, ciryari.

0

ciryaraansho

m l

/dh ld ciryaraan.

0

ciryari

m dh

Awood la'aanta nafley, raashiin in ay wax badan ka cunto. ld ciryaran.

0

cis

m l

Eeg: ciso

0

cisaabad

m dh (-do, m.l)

Col.

0

cisaaro

m dh

Cid dembi fashay ciqaabta la mariyo. ld casaaro.