0

cilmidarro

m dh

Aqoon la'aan.

0

cilmidhegood

m l

Cilmi aan daalacsho lagu kasban oo dad laga soo bowsaday.

0

cilmifalag

m l

Brashada sayniseed ee xiddigaha, dhulalka, iyo waxyaabaha kale oo laga helo hawada.

0

cilmiga-buuraha

m l (jool.)

Laan ka mid ah juqraafiga dabiiciga ah oo ku taxaluqda kala sarraynta dhulka, iyo gaar ahaan hababka buuraha.

0

cilmiga-cimilada

m l

Sayniska barashada cimilooyinka dunida iyo sida ay u saameeyaan dunida degaanka dabiiciga ah.

0

cilmiga-dhulgariirka

m l (jool.)

Cilmiga barashada dhulgariirka.

0

cilmiga-filiqsanaanta-xayawaanka

m l (c.nafl.)

Barashada filiqsanaanta xayawaanka dhulka Oogadiisa.

0

cilmiga-gibilka

m l (fiis.)

Sayniska barashada lakabyada kala duwan ee hawada.

0

cilmiga-muuqaalka-dhulka

m l (jool.)

Barashada muuqaallaada dabiiciga ee dhulka, iyo xiriirka ka dhexeya muuqaalladaas iyo dhismaha jiooloojiyeed ee ka hooseeya.

0

cilmiga-qawmiyadaha

m l

Barashada sayniseed ee jinsiyadaha bani'aadamka iyo dhaqamadooda.

0

cilmiga-siyaasadda

m l

Barashada habka siyaasadeed iyo awoodda xukunka ee looga dhaqmo waddan, gaar ahaan kuwa ku dhaqma nidaamka dimoqraadiga.

0

cilmiga-usdurraadka

m l

Barashada usdurraadka waa sheekooyin laga gaaray dadkii hore, iyo fikrado la xiriira taariikada asalka, qeexid dhacdooyinka dabiiciga ah sida xilliyada.

0

cilmiyayn

m f dh

Eeg: cilmiyee

0

cilmiyaysan

f mg4 (-snaa, snayd)

1. Wax aqoon ku dhisan ahaansho. 2. Wax si wanaagsan loo habeeyey ahaansho.

0

cilmiyaysnaan

m f dh

ld cilmiyaysnaansho.

0

cilmiyaysnaansho

m l

/dh ld cilmiyaysnaan.

0

cilmiyee

f g2 (-yeeyay, -yaysay)

Wax cilmi ku dabaqid.

0

cimaamad

m dh (-do m.l)

Maro yar, qafiif ah, naqashadeysan ama cad oo uu raggu madaxa ku duubto. ld cumaamad.

0

cimaamadan

f mg4 (-dnaa, -dnayd)

Eeg: cimaamadaysan

0

cimaamadasho

m dh

Eeg: cimaamadaysasho

0

cimaamadaysad

m l

Eeg: cimaamadaysasho

0

cimaamadaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Nin cimaamad madaxa ku duubtay ahaansho. ld cimaamadan.

0

cimaamadaysasho

m f dh

ld cimaamadaysad, cimaamaday- si, cimaamadsasho.

0

cimaamadaysi

m l

Eeg: cimaamadaysasho

0

cimaamadaysnaan

m f dh

ld cimaamadaysnaansho, cimaamadnaan, cimaamadnaansho.

0

cimaamadaysnaansho

m l

/dh ld cimaamadaysnaan.

0

cimaamadayso

f mg3 (-saday, -satay)

Cimaamad madax ku duubasho. ld cimaamado.

0

cimaamadnaan

m dh

Eeg: cimaamadaysnaan

0

cimaamadnaansho

m l

/dh ld cimaamadaysnaan.

0

cimaamado

f mg3 (-atay, -adatay)

Eeg: cimaamadayso

0

cimil

m l (-llo, m.dh)

1. Meel loogu dhuunto ugaarta marka la doonaayo in gaadmo lagu dilo. 2. Dhismo yar oo dulduleelo wax laga toogto leh, oo cadawga loogu gabbado.

0

cimilada-baddadhexe

m dh (juqr.)

Nooc cimilo oo ay helaan dhulalka saaran Badda Dhexe, iyo gobollo kale oo ku kala yaal labada galoobbadh ee adduunka oo u kala dhaca meel juqraafiyeed isku mid ah: goodiyada galbeed ee qaaradaha, cirifyada kulaalayda gobollada cimilada dhexdhexaadka, iyo ugu dhawaan loolka kulaalay la moodda ee cadaadisyada sare inta u dhexaysa 30 ilaa 40 ee loolka waqooyi iyo koonfurba.

0

cimilada-lamaddegaanka

m dh (juqr.)

Nooca cimilada ee dhulka oomanaha ah, amase aan helin qoyaan iyo roob joogto ah. Cimiladani waxa ay dhacdaa oo laga helaa loolal badan dhexdooda. Waxaase ugu caansan tan kulaaleyda iyo tan loolalka dhexe. Qoyaanka lagu asteeyaana waa 250mm (10 in) inkasta oo qoyaankaasi ku filanyahay inuu kaymo ka saaro waqooyiyada kanada iyo Saybeeriya.

0

cimilgal

f mg1 (-alay, -ashay; geli)

U c.: nafley si loo dago cimil ugu dhuumasho.

0

cimilgelid

m f dh

ld cimilgal¹ (2).

0

cimilo

m dh (-ooyin m.l)

Xaaladaha kala duwan ee jawi oo meeli leedahay.

0

cimilo-badeed

m l (juqr.)

Cimilo si weyn ay u saamayso dhawaanta baddu, taas oo siinaysa xagaa gamooje ah iyo jilaal diiran. Taasna waxaa ugu wacan awoodda haynta kulka oo ay kala duwanyihiin dhulka iyo biyuhu. Badda dhulka ayaa ka hor kululaada kana hor qabooba, saamaynteeduna waxay abuurtaa cimilo isu ekaan karta.

0

cimilo-badhaale

m dh (juqr.)

Nooca cimilo ee laga helo dhulalka hoose ee u dhexeya loolka 5° ilaa 10° ee woqooyiga iyo koonfurta badhaha. Sannadka oo dhan heerkulka iyo huurkuba si aan isbeddel lahayn ayayba u sarreeyaan, isbeddellada xilliyeedna waa wax aad u yar.

0

cimilo-buureed

m l (juqr.)

Nooc cimilo oo ay keenaan kala sarraynta iyo joogga dhulka halkii ay ka keeni lahaayeen loolka iyo xaaladda badeedda ka jirta meesha; waxaa dhici karaysa in laga helo gobol kasta, wuuna ka baxsanyahay habka cimilo goboleedka waaweyn ee jira. Marka loo fiirsho dhulalka hoose, buuruhu waxay muujiyaan hoos u dhac xagga cadaadiska hawada, heerkulka, huurka, iyo kaah qorraxeedka oo kordha, iyo marka la gaaro joog door ah oo roobku bato.

0

cimilo-fidsan

m dh (juqr.)

Cimilada gobol cimileed weyn, sida, cimilada tundara, ama bed kale oo weyn sida qaarad, si looga sooco cimilo kooban.

0

cimilo-goboleed

m l (juqr.)

Qayb ka mid ah qaybaha waaweyn ee loo qaybiyo cimilada dunida.

0

cimilo-gooreed-daqas

m dh (juqr.)

Xaaladda gibilka ee waqti gaar ah ama xilli yar oo gaar ah, sida ay ku qeexaan cilmi gibillo kala duwani, oo ay ka mid yihiin cadaadiska gibilka, heerkulka, huurka hawada, roobka, daruuraha, iyo xawaaraha dabaysha iyo jihada. Dhulbadhaha agtiisa cimilo gooreedu waxay samaysaa isbeddel yar taasoo inta badan la mid ah cimilada.

0

cimilo-kooban

m dh (c.cimi.)

Cimilada bed aad u kooban, waxaa suurtaggal ah inuu yahay degaan yar oo la deggan yahay. Degaankaas waxaa raad ku leh saamayn meeleedka aad u kooban, waxyaabaha saamaynta keenayana waxaa ka mid ah rugta, carrada, degaanka iwm taasina waxay badanaa muhiim u tahay barashada cilmiga degaanka.

0

cimilo-qaaradeed

m dh (juqr.)

Nooc ka mid ah cimilooyinka dunida oo laga helo dhulweyneyaasha dunia, gaar ahaan inta u dhexeysa kulaaleyda iyo tundaraha ee galoobbadhka woqooyi. Saamaynta cimiladaasi waxay gaadhaa xeebahabariga ee qaaradaha iyo jasiiradaha deriska la ah. Waa cimilo ay astaan u tahay faraqa weyn oo u dhaxeeya heerkulka xilliyada kulaylaha iyo gabowga.

0

cimraysad

m l

Eeg: cumraysasho

0

cimraysasho

m dh

Eeg: cumraysasho

0

cimraysi

m l

Eeg: cumraysasho

0

cimrayso

f mg3 (-saday, -satay)

Eeg: cumrayso

0

cimre

m l

Eeg: ximre

0

cimri

m l

Inta sano ee wax jiraan. ld cumri.

0

cimri-badh-kaahfaleed

m l (-yo, m.dh)

(kiim.) Amminta ay ku qaadato in badhka bu'da kaahfal ku mataataxdo (N = 1/2 No); mataatax.

0

cimri-badheed

m l (-dyo, m.dh)

(kiim.) Qiimaha kala badhka waqti. Waa amminta (ama xilliga) curiye kaahfale ahi ku kala badhmo marka uu mataataxo. Cimri badheedyada iskugodyadu way kala geddisanyihiin - qaarkood aad iyo aad bay uga yaryihiin ilbidhiqsiga; qaarna waxay gaadhaan dhawr milyan oo sano.

0

cimridheer

f mg4 (-raa, -rayd)

Wax da'weyn gaarey ahaansho.

0

cimridheeraan

m f dh

ld cimridheeraansho, cimridheeri, cimridherer.

0

cimridheeraansho

m l

/dh ld cimridheeraan.

0

cimridheeri

m dh

Da' aad u weyn oo wax gaaraan. ld cimridheeraan.

0

cimridherer

m l

Eeg: cimridheeraan

0

cimro

m dh

Eeg: cumro

0

cinaad

m l

1. Diidmo luggooyo ku jirta. 2. Runta oo la is diidsiiyo ama laga madax adaygo. ld canaad¹.

0

cinaadi

m l kh

C. ah: qof cinaad badan. ld canaadi.

0

cinaadid

m f dh

ld canaadid.

0

cinaadnimo

m dh

Cinaad ahaansho. ld canaadnimo.

0

cinab

m l

Eeg: canab

0

cindi

m l

Niyad; qalbi.

0

cindiid

m l

Caano biyo ka badan lagu daray. ld candiid.

0

ciniin

f mg1 (-nay, -ntay)

Nin aan dumarka u galmoon karin noqosho. ld caniin², cinniin².

0

ciniini

f g2 (-iyay, -isay)

Nin ciniin ka dhigid. ld caniini, canniini.

0

ciniinid

m f dh

ld caniinid, cinniinid.

0

ciniinin

m f dh

ld caniinin, ciniinnin.

0

ciniinnimo

m dh (daaw.)

Awood la'an ninku u sameyn kari waayo galmo. ld caniinnimo, cinniinnimo.

0

ciniq

m dh

1. In yar oo dheeraad ah oo la siiyo qof wax gatay. 2. Hambo. ld iniq.

0

cinji

m dh

Eeg: ciddi

0

cinjigod

m l

Eeg: ciddigod

0

cinjir

m l

1. Geed leh laamo jilicsan, caleemo iyo iniino yaryar iyo cananno cad oo ka baxa dhulka kulaylaha. 2. Dhacaanka geedka cinjirka. 3. C. ah: shay ka sameysan dhacaanka cinjirka; xabag; ramal; goome.

0

cinjirrageed

m l (-yo, m.dh)

(daaw.) Gal ka sameysan cinjir xariir oo guska la galiyo marka galmada; cinjirkaasu wuxuu labada qofba ka xafidaa cudurrada galmada, wuxuu celiyaa uur qaadidda.

0

cinniin

f mg1 (-nay, -ntay)

Eeg: ciniin²

0

cinniini

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: ciniini

0

cinniinid

m dh

Eeg: ciniinid

0

cinniinin

m dh

Eeg: ciniinin

0

cinniinnimo

m dh

Eeg: ciniinnimo

0

cinwaan

m l (-nno m.dh)

Eeg: cunwaan

0

ciqaab

m l

Jirrabaad qof gef sameeyey la mariyo.

0

ciqaaban

f mg4 (-bnaa, -bnayd)

Cid, wax la ciqaabay ahaansho.

0

ciqaabid

m f dh

Eeg: ciqaab²

0

ciqaabnaan

m f dh

ld ciqaabnaansho.

0

ciqaabnaansho

m l

/dh ld ciqaabnaan.

0

cir

m l

/dh (c.nafl.) Xaddiga cuntada ee qof caloosha ku qaadi karo.

0

ciraab

m dh

Hadal xigmad badan oo qoto dheer.

0

cirbad

m dh

Eeg: irbad

0

cirbad-durid

m dh (daaw.)

Dawo ku mudid jirka ayadoo la isticmaalayo irbad iyo siriingi, sida badan dawada looga baqayo in ay jajabiso aasidhka caloosha.

0

cirbadayn

m dh

Eeg: irbadayn

0

cirbadays

m l

Eeg: irbadayn

0

cirbadee

f g2 (-deeyay, -deysay)

Eeg: irbadee

0

cirbadeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Eeg: irbadeysan

0

cirbadeysnaan

m dh

Eeg: irbadeysnaan

0

cirbadeysnaansho

m l

/dh ld irbadeysnaan.

0

cirbadhiib

m l

Eeg: ciridhiib

0

cirbadhiibsad

m l

Eeg: cirbadhiibsasho

0

cirbadhiibsasho

m f dh

ld cirbadhiibsad, cirbadhiibsi, ciridhiibsad, ciridhi

0

cirbadhiibsi

m l

Ku istaagidda faraha fooddooda iyadoo meel sare la tiigsanayo. ld cirbadhiibsasho.