Qaamuuska Asalka
cimilada-baddadhexe
(juqr.)MagacDhexdhexaad
Macnaha
Nooc cimilo oo ay helaan dhulalka saaran Badda Dhexe, iyo gobollo kale oo ku kala yaal labada galoobbadh ee adduunka oo u kala dhaca meel juqraafiyeed isku mid ah: goodiyada galbeed ee qaaradaha, cirifyada kulaalayda gobollada cimilada dhexdhexaadka, iyo ugu dhawaan loolka kulaalay la moodda ee cadaadisyada sare inta u dhexaysa 30 ilaa 40 ee loolka waqooyi iyo koonfurba.
Erayo la-mid ah
cimil1. Meel loogu dhuunto ugaarta marka la doonaayo in gaadmo la…cimilada-lamaddegaankaNooca cimilada ee dhulka oomanaha ah, amase aan helin qoyaan…cimilgal1. Dabin; laqdabo: dhagar. 2. ld cilmigelid.cimilgalU c.: nafley si loo dago cimil ugu dhuumasho.cimilgelidld cimilgal¹ (2).cimiloXaaladaha kala duwan ee jawi oo meeli leedahay.cimilo-badeedCimilo si weyn ay u saamayso dhawaanta baddu, taas oo siinay…cimilo-badhaaleNooca cimilo ee laga helo dhulalka hoose ee u dhexeya loolka…

