Qaamuuska Asalka
cimilo-buureed
(juqr.)MagacLafdheeri
Macnaha
Nooc cimilo oo ay keenaan kala sarraynta iyo joogga dhulka halkii ay ka keeni lahaayeen loolka iyo xaaladda badeedda ka jirta meesha; waxaa dhici karaysa in laga helo gobol kasta, wuuna ka baxsanyahay habka cimilo goboleedka waaweyn ee jira. Marka loo fiirsho dhulalka hoose, buuruhu waxay muujiyaan hoos u dhac xagga cadaadiska hawada, heerkulka, huurka, iyo kaah qorraxeedka oo kordha, iyo marka la gaaro joog door ah oo roobku bato.
Erayo la-mid ah
cimil1. Meel loogu dhuunto ugaarta marka la doonaayo in gaadmo la…cimilada-baddadhexeNooc cimilo oo ay helaan dhulalka saaran Badda Dhexe, iyo go…cimilada-lamaddegaankaNooca cimilada ee dhulka oomanaha ah, amase aan helin qoyaan…cimilgal1. Dabin; laqdabo: dhagar. 2. ld cilmigelid.cimilgalU c.: nafley si loo dago cimil ugu dhuumasho.cimilgelidld cimilgal¹ (2).cimiloXaaladaha kala duwan ee jawi oo meeli leedahay.cimilo-badeedCimilo si weyn ay u saamayso dhawaanta baddu, taas oo siinay…

