0

qaxwayn

m f dh

Eeg: qaxwee

0

qaxwe

m l

Cabbitaan bun la shiiday laga sameeyo oo shaah ahaan loo cabbo. ld qahwe, qaxwo.

0

qaxwee

f mg2 (-weeyay, -waysay)

Qaxwe cabbid.

0

qaxwo

m dh

Eeg: qaxwe

0

qay

m l

Biyo yar oo wasakh leh oo wadaanta ama darka ka daata oo ceelka agagaarkiisa jiifa.

0

qayaayo

m dh kh

1. Q. ah: wax qabyo ah oo waxa ka dhimani ay iin u yeeleyso. 2. Faro, ilko iwm oo is dulsaaran.

0

qayaayoobid

m f dh

Eeg: qayaayow

0

qayaayow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Qayaayo noqosho.

0

qayacato

m dh

Nooc xabagta ka mid ah oo dhirta qaarkeed laga helo oo leh midab cad, aadna u adag oo wax la iskula dhejiyo.

0

qayax

m l kh

1. Q. ah: wax aan qarsoonayn oo si wanaagsan loogu wada jeedo. 2. Wax sida badar, geed iwm oo diirka laga qaaday. 3. Laf hilibkii laga guray.

0

qayaxan

f mg1 (-xmay, -xantay)

1. Geed wax diirkii ka qaadmay noqosho. 2. Laf wax hilibkii ka dhamaaday noqosho. 3. Hadal iwm wax si wanaagsan loo sheegay noqosho.

0

qayaxmid

m f dh

Eeg: qayaxan¹

0

qayaxnaan

m f dh

ld qayaxnaansho.

0

qayaxnaansho

m l

/dh ld qayaxnaan.

0

qayb

mid ka mid ah. 3. Dhanka dambe. 4. Ardaaga aqalka. 5. Xero yar oo xerada weyn dhexdeeda laga sameeyo oo xoolaha inta caano nuugga ah la geliyo; edeg.

0

qayb-bulsho

m dh (-bo ..., m.l)

(bul.) Dabaqad bulsheed, ama nidaam dawlad oo ku dhisan u kala qeybinta dadweynaha kooxo, iyada oo fiirinaysa reerkooda, darajadooda, maalkooda iyo shaqadooda iwm.

0

qayb-goobo

m dh (-bo ..., m.l)

(xis.) Qayb ka mid ah goobada ee ka sammaysanta laba gacmood dhexdood iyo meeriska. Bedka q. g. waa 1/2 r +, taas oo r ay tahay acanka, +- na tahay xagasha.

0

qayb-xareedayn

m dh (-bo ..., m.l)

(kiim.) Hab xareedayn ah oo la sameeyo iyada oo la isticmaalayo dhuun fidsan oo ku qotonta dhalada xareedaynta. Habkani wuxu suurogelinayaa in hoorarka loo kala sooco qaybo heerka bididdoodu kala duwantahay laguna ururiyo herkullo kala geddisan.

0

qayb4

m l

Wax Alle mooyee cid kale ogaan karto aan jirin.

0

qayb5

f g1 (-bay, -btay)

Wax kor ka barasha.

0

qaybgal

m l

Ka q.: ka qayb qaadashada hawl la qabanayo. ld qaybgelid.

0

qaybgale

m l (-layaal, m.l/dh)

Ka q.: qof hawl ama tartan la qabanayo ka qayb qaadanayo.qayir²

0

qaybgeli

f g2 (-iyay, -isay)

Ka q.: qof hawl, tartan, arrin iwm in uu qayb kaqaato u oggolaan.

0

qaybgelid

m f dh

ld qaybgal¹.

0

qaybgelin

m f dh

Eeg: qaybgeli

0

qaybi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Wax dhawr qaybood ka dhigid. 2. Ku q.: hawl, arrin iwm cid kale ku aaddin.

0

qaybid

m f dh

Eeg: qayb³

0

qaybin

m f dh

ld qaybis.

0

qaybis

m l

ld qaybin.

0

qaybiye

m l

Qof wax qaybiya. ld qaybshe.

0

qayblibaax

m l

Wax qaybtooda ugu badan ama ugu muhiimsan.

0

qaybqaadasho

m f dh

Eeg: qaybqaado

0

qaybqaado

f mg3 (-aatay, -aadatay)

Ka q.: hawl, arrin iwm xubnaha fulinaya ka mid noqosho.

0

qaybsad

m l

Eeg: qaybsasho

0

qaybsamid

m f dh

Eeg: qaybsan¹

0

qaybsan

f mg1 (-amay, -antay; -ami)

Wax la qaybiyey noqosho.

0

qaybsan-unug

m l (baay.)

Samaysanka laba unug oo mataanaysan oo ka yimid unugga waalidka. Marka hore waxa qaybsanta bu'da, taasi uu daba socdo samaysanka xuub u dhexeeya bu'aha mataanaha.

0

qaybsanaan

m f dh

ld qaybsanaansho.

0

qaybsanaansho

m l

/dh ld qaybsanaan.

0

qaybsasho

m f dh

ld qaybsad, qaybsi.

0

qaybshaha-ay-wadaagaan

m l (xis.)

Tirada haraa la'aan qaybisa laba ama dhawr tiro.Tusaale ahaan, 3 waa qaybshaha ay wadaagaan 12, 18 iyo 33. 3 waxa kale oo la oran karaa isirka ay wadaagaan 12, 18 iyo 33.

0

qaybshe

m l

Eeg: qaybiye

0

qaybsi

m l

Eeg: qaybsasho

0

qaybsii

f lg2 (-iiyay, -iisay)

Cid wax xafidsiin.

0

qaybsiin

m f dh

Eeg: qaybsii

0

qaybso

f g3 (-saday, -satay)

1. Wax dhowr meelood u kala dhigasho. 2. La q.: cid tartan la gelid.

0

qaybta-kaadimareenka

m dh (c.nafl.)

Qaybta oo dhan ee isugu jirta dhuumo iyo faro oo kaadida ka soo qaada keliya dibeddana u saara. Waxay ka koobantahay: a) kaadi mareennada kaadihaysta ka sarreeya; b) kaadi haysta; c) kaadi mareenka hoose.

0

qaybta-lafaha

m l (daaw.)

Aqoonta ama ka shaqeynta toosinta qaabdarro uu keenay cudur ama waxyeello kale oo lafaha iyo xubno is goysyada ku dhaca.

0

qaybta-liimbigada-ee-maskaxda

m dh (c.nafl.)

Qayb maskaxda ka mid ah oo ka kooban dareemayaal mareenno sameynaya xarun unugyeed kala duwan waxay qaabilsantahay dareenno dadka ku qarsoon oo nolosha laga maarmin iyo fahamada kuna xiran qaybaha qanjirdhiigga iyo dhaqaaqa ee jirka.

0

qayd

f g1 (-day, -dday)

Dhul cabbirid.

0

qaydan

f mg4 (-dnaa, -dnayd)

Wax la cabbiray ahaansho (dhul).

0

qaydar

m l

Geed weyn oo qodax leh oo quraca la bah ah oo leh mayrax fiican iyo xabag la cuno.

0

qaydasho

m f dh

Eeg: qaydo

0

qaydid

m f dh

Eeg: qayd²

0

qaydin

m dh

Ul dhuuban oo geela lagu ilaaliyo.

0

qaydin-hays

m l kh

Q. ah: nin meesi xoolaad si joogto u ilaaliya oo aan ka harin.

0

qaydnaan

m f dh

ld qaydnaansho.

0

qaydnaansho

m l

/dh ld qaydnaan.

0

qaydo

f g3 (-ytay, -ydatay)

Dhul, qayb go'an cabbirasho.

0

qayid

m f dh

Eeg: qay²

0

qayil

m l

Cunidda qaadka.

0

qayilaad

m dh

Fadhi habeysan iyo sheeko ay dad badani qaad ku wada cunaan.

0

qayilid

m f dh

Eeg: qayil²

0

qayilsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof jaad cunay ahaansho.

0

qayilsanaan

m f dh

ld qayilsanaansho.

0

qayilsanaansho

m l

/dh ld qayilsanaan.

0

qayilsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Qof qaad ku filan siin.

0

qayilsiin

m f dh

Eeg: qayilsii

0

qayir

m l

Wax siday ahaayeen si ka duwan noqda ama laga dhigo; beddel; doorsan.

0

qayiraad

m dh

Isbeddel ku yimaad midab, ur iwm.

0

qayiran

f mg1 (-rmay, -rantay; -rmi)

Wax midabkiisa, dhadhankiisa, urkiisa iwm beddelmay noqosho.

0

qayirasho

m f dh

Eeg: qayiro

0

qayirid

m f dh

Eeg: qayir²

0

qayirmid

m f dh

Eeg: qayiran¹

0

qayirnaan

m f dh

ld qayirnaansho.

0

qayirnaansho

m l

/dh ld qayirnaan.

0

qayiro

f g3 (-rtay, -ratay)

Dhar beddelasho.

0

qayixid

m f dh

Eeg: qayax²

0

qayl

m l (-lal, m.l)

Dameer yar oo lab.

0

qaylad

m l

Orgi waalay ah.

0

qayladdir

f mg1 (-ray, -rtay)

U q.: war dhiillo leh cid u geyn.

0

qayladdirasho

m f dh

ld qayladdirsasho.

0

qayladdirid

m f dh

Eeg: qayladdir

0

qayladdiro

f mg3 (-rtay, -ratay)

Cid si gargaar looga helo farriin u dirasho. ld qayladdirso.

0

qayladdirsasho

m dh

Eeg: qayladdirasho

0

qayladdirso

f g3 (-saday, -satay)

Eeg: qayladdiro

0

qayladdoon

m l kh

Q. ah: cid meel dhiillo ka dhacday meel kale uga doona gargaar.

0

qayladhaami

f mg2 (-iyay, -isay)

1. Qayladhaan ku dhufasho. 2. U q.: cid halis uga digid. ld cilladhaami.

0

qayladhaamin

m f dh

ld cilladhaamin, cilladhaamis, qayladhaamis.

0

qayladhaamis

m l

Eeg: qayladhaamin

0

qayladhaamo

m dh

Eeg: qayladhaan

0

qayladhaan

m dh

Dhawaaq kaalmo dalab ah oo cid loo jeediyo ama loogu digo. ld cilladhaan, qayladhaamo.

0

qayladhaansad

m l

Eeg: qayladhaansasho

0

qayladhaansasho

m f dh

ld cilladhaansad, cilladhaansasho, cilladhaansi.

0

qayladhaansi

m l

Eeg: qayladhaansasho

0

qayladhaanso

f mg3 (-saday, -satay)

U q.: qayladhaan cid u dirasho. ld cilladhaanso.

0

qayladhawr

m l

Q. ah: qof ama ka badan oo diyaar u ah dhiillo laga filayo wax ka qabashadeeda.

0

qaylaggee

f mg2 (-geeyay, -geysay)

U q.: cid war dhiillo leh u geyn.

0

qaylaggeyn

m f dh

ld qaylaggeys.

0

qaylaggeys

m l

1. Q. ah: qof ama dad meel dareen ka dhacay warkeeda qaada oo dad kale gaarsiiya. 2. ld qaylaggeyn.