0

qorabixis

m l

Qalab bir ah oo weelasha qoriga ah gudaha looga qoro; xalleefato.

0

qoran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

1. Qoraal wax meel lagu dhigay ahaansho. 2. Bir, qori iwm wax la farsameeyey ahaansho. 3. Qof shaqo la siiyay ahaansho. 4. Qof dhuuban, dheer oo jirkiisu isu miisaaman yahay ahaansho.

0

qorasho

m f dh

690

0

qordhabe

m l

Geed dheer, aan qodax lahayn oo laga goosto tiirar xooggan oo guryaha lagu dhisto.

0

qordi

f g2 (-iyay, -isay)

Ku q.: qof isku deyid in uu qof kale wax gacantiisa ku jiro la qaybsado.

0

qordin

m f dh

Eeg: qordi

0

qore

m l

Eeg: qoraa

0

qorequdde

m l (-dayaal, m.l/dh)

Qori madow oo inta la jejebiyo kaneecada guryaha looga shido, oo gabdhaha la guday iyo naagaha umusha ah loogu uumiyo.

0

qorfe

m l

Qolof udgoon oo dhirta shaaha lagu daro ka mid ah.

0

qorfo

m l

Dhul oommane ah oo aan cidna joogin. ld qafro, qarfo.

0

qori

m l (-ryo, m.dh)

1. Geedaha intooda dhexe oo adag oo qolofta iyo mayraxda ka hoosaysa. 2. Laan jab ah oo qallalan. 3. Alwaax; loox. 4. Buntukh.

0

qori-ismaris

m l kh (-syo, m.dh)

Qof mar dad ah marna iska dhiga waraabe isagoo is marinaya qori khaas ah (sheeko xariir).

0

qorid

m f dh

ld qoraal (5), qoris, qoritaan, qorniimo, qorniin.

0

qorijiid

m l

Eeg: qoriqaad¹

0

qorijiidid

m dh

Eeg: qoriqaadid

0

qorimo

m dh (-ooyin, m.l)

Qalab bir ah oo geedaha lagu qoro.

0

qoriqaad

m l

Neef loo qalo dad xabaal ka hawl galay. ld qorijiid¹.

0

qoriqaadid

m f dh

ld qorijiidid.

0

qoririd

m l

Qorituur.

0

qoriridasho

m f dh

Eeg: qorirido

0

qorirido

f mg3 (-itay, -idatay)

Qoririd wax ku qeybsasho.

0

qoris

m dh

Eeg: qorid

0

qorisaar

f g1 (-ray, -rtay)

1. Dhismo iwm qori ku dedid. 2. Xabaal, ood, qori iwm ah saarid.

0

qorisaarid

m f dh

ld qorisaar¹.

0

qorisla'aan

m dh

Xaaladda uu ku sugan yahay qof aan waxna qorin waxna akhrin.

0

qoritaan

m l

Eeg: qorid

0

qorituraad

m l

Eeg: qorituurasho

0

qorituur

f g1 (-ray, -rtay)

U q.: laba qof baqtiyaanasiib u samayn si uu mid u helo wax ka dhexeeyo labadoodaba.

0

qorituurad

m l

Eeg: qorituurasho

0

qorituurasho

m f dh

ld qorituurad.

0

qorituurid

m f dh

Eeg: qorituur²

0

qorituuro

f mg3 (-rtay, -ratay)

Qorituur ka qayb qaadasho (qof).

0

qorixarar

m l

1. Mindi yar oo wax lagu xardho. 2. ld qorixardhe. (-ryo, m.dh) Qof wax xardha.

0

qorixardhe

m l

Eeg: qorixarar

0

qormayn

m f dh

Eeg: qormee

0

qormee

f g2 (-meeyay, -maysay)

Reer si qorsho leh u dejin.

0

qormid

m f dh

Eeg: qoran¹

0

qormo

m dh

1. Habka geedaha, dhagxaanta iwm looga qoro qalab la isticmaalo. 2. (- ooyin, m.l) Qoraal yar oo koobaya ujeeddo gaar ah. 3. Habka loo dejiyo qoysaska reerka.

0

qornaan

m f dh

ld qornaansho.

0

qornaansho

m l

/dh ld qornaan.

0

qorniimo

m dh

Eeg: qorid

0

qorniin

m l

Eeg: qorid

0

qoro

f g3 (-rtay, -ratay)

1. Hadal qoraal ka dhigasho. 2. Geed, dhagax, laf iwm qalab la isticmaalo ka samaysasho. 3. Ilkaha q.: qof ilko fiiqasho. 4. Qof shaqaale ka dhigasho.

0

qorofol

m l

Eeg: qaranful

0

qoronful

m l

Eeg: qaranful

0

qoroqoro

m dh

Qalab bir ka samaysan oo baalid ah.

0

qoroqoronimo

m dh

Wax qoroqoro ah ahaansho (qalab bir ah).

0

qoroqoroobid

m f dh

Eeg: qoroqorow

0

qoroqorow

f mg1 (-obay, -owday; -oobi)

Qalab bir ah qoroqoro noqosho.

0

qorqode

m l kh (-dayaal, m.l/dh)

Q. ah: nin afadiisa si fool xun kula dhabiiltama siiba maamulka hoose, cunnada iyo masruufka.

0

qorqoran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Qof qurxan oo aan hilib badan lahayn ahaansho.

0

qorqornaan

m f dh

ld qorqornaansho.

0

qorqornaansho

m l

/dh ld qorqornaan.

0

qorraaje

m l

Maroodi lab.

0

qorrato

m dh u

Jaad la bah ah goodaaddada ama qallajista oo ku nool guryaha iyo geedaha.

0

qorrax

m dh

Meeraha dhulka ku wareego oo uu ka helo kulka iyo ifkaba; cadceed; gabbal.

0

qorrax-soobax

m l

Waqtiga ay qorraxdu dhulka u soo baxdo.

0

qorraxayn

m f dh

ld orraxayn.

0

qorraxaysad

m l

Eeg: qorraxaysasho

0

qorraxaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax qorrax la dhigay ahaansho.

0

qorraxaysasho

m f dh

ld qorraxaysad, qorraxaysi.

0

qorraxaysi

m l

Eeg: qorraxaysasho

0

qorraxaysnaan

m f dh

ld orraxaysnaan, orraxaysnaansho, qorraxaysnaansho.

0

qorraxaysnaansho

m l

/dh ld qorraxaysnaan.

0

qorraxayso

f g

/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Wax qorrax u dhigid. 2. (f.mg) Cid qorrax isu dhigid.

0

qorraxdhac

m l

1. Waqtiga ay qorraxda godkeeda gasho; maqrib. 2. Jahada ay qorraxdu u dhacdo.

0

qorraxdheere

m l

Xilli jiilaal oo aad u kulul oo aan roob Jirin.

0

qorraxee

f g2 (-xeeyay, -xaysay)

Wax qorrax u dhigid.

0

qorraxmadoobaad

m l (-dyo, m.dh)

Marka dayaxu kala dhex galo dhulka iyo qorraxda ee qorraxda qaarkeed qarsoomo.

0

qorraxoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Wax kuleyl badan ku dhacay noqosho.

0

qorraxood

m f dh

Eeg: qorraxoo

0

qorraxsad

m l

Eeg: qorraxsasho

0

qorraxsasho

m f dh

ld qorraxsad, qorraxsi.

0

qorraxsi

m l

Eeg: qorraxsad

0

qorraxsiidhac

m l

Eeg: qorraxdhac

0

qorraxsin

m l

Jahada ay qorraxda u dhacdo.

0

qorraxso

f mg3 (-saday, -satay)

Qorrax isu dhigid (qof).

0

qorshayn

m f dh

ld qorshe (2).

0

qorshe

m l (-shayaal ..., m.l/dh)

1. Isticmaalka dawo si loo dhimo ama loo kala dheereeyo dhalashada ilmaha ee qoys. 2. Habab ka hortagga dhalmada oo ay bulsho ama dal uu ku dhaqanto.

0

qorshee

f g2 (-sheeyay, -shaysay)

Hawl sidii loo qaban lahaa u nidaamin.

0

qoryarare

m l (-rayaal, m.l/dh)

Xarig dheer oo sida badan saan ka samaysan oo dhigaha hoos looga xirxiro.

0

qoryasho

m f dh

Eeg: qoryo

0

qoryayn

m f dh

Eeg: qoryee

0

qoryee

f g2 (-yeeyay, -yaysay)

1. Wax qori ku mudmudid. 2. Qof hadal ka raadin.

0

qoryeysad

m l

691qoryeysan

0

qoryeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Dab qoryo badan lagu shiday ahaansho.

0

qoryeysasho

m f dh

ld qoryeysad, qoryeysi.

0

qoryeysi

m l

Eeg: qoryeysasho

0

qoryeyso

f mg3 (-stay, -satay)

Qoryo gurasho.

0

qoryo

f mg3 (-yaday, -yatay)

dhirirkooda kala duwan ku qorituurasho (xoolo saanyasho darteed iwm).

0

qoryo,

alwaax iwm. 2. Saaridda la saaro daydka, xabaasha, ood, qori iwm. ld qorisaarid.

0

qosli

f mg2 (-iyay, -isay)

1. Ka q.: cid qosol ka keenid. 2. Ka q.: cid ka farxin.

0

qoslid

m f dh

Eeg: qosol²

0

qoslin

m f dh

Eeg: qosli

0

qosol

f mg1 (-slay, -soshay; -sli)

1. Ilkacaddayn, iyo cod isku darid farxad awgeed. 2. Ku q.: cid ku jeesjeesid.

0

qosolbile

m l (-layaal, m.l/dh)

Dhool.

0

qosolgariir

m l

Qosol naxdin iyo yaxyax keenaan.

0

qosolgariirid

m f dh

Eeg: qosolgariir²

0

qosolkujaab

m l

Shey taya xun leh oo dhadhalaala.

0

qotin

m l (kiim.)

Xubin kasta oo ka mid ah qalab danabeed taas oo sii daysa ama jiidata elektaroonno ama saldanabsideyeyaal kaleba. qotinku Qotinka waxa kale oo lagu isticmaalaa leexinta saxarrada saldanabaysan iyada oo la adeegsanayo falka badadda danabka nagi ee dhaliyo.