0

qarabbixi

f g2 (-iyay, -isay)

U q.: cashar qur'aan aan weli la gaarin cid u sii akhrin.

0

qarabbixin

m f dh

Eeg: qarabbixi

0

qarad

m l (-dyo, m.dh)

1. Q. ah: wax qiro iyo baaxad weyn leh. 2. Muraad; dan. 3. Hanti la soo dhacay marka la qaybsado inta dheeraadka ah ee la siiyo abaanduulka.

0

qaraf

m l (-fyo, m.dh)

Kabriid; tarraq.

0

qarafeysasho

m f dh

Eeg: qarafeyso

0

qarafeyso

f mg3 (-stay, -satay)

Hadba cid baryid.

0

qarafo

m dh

Baryo meelo kala duwan lagu tago iyadoo cunto la raadsanayo.

0

qarafsasho

m f dh

Eeg: qarafso

0

qarafso

f mg3 (-saday, -satay)

1. Wax lagu noolaado sida miro iwm duur ka raadsasho. 2. Socosho.

0

qaramada-Midoobay

m dh (taar.)

Urur la sameeyey dagaalkii II ee adduunka kaddib, oo ay xubin ka yihiin waddamada adduunka oo dhan, loona dhisay iskaashiga iyo wax- wada-qabsiga Caalamiga.

0

qaramee

f g2 (-meeyay, -meysay)

Qaran, hanti cidi leedahay la wareegid.

0

qarameyn

m f dh

Eeg: qaramee

0

qaran

m l (-ammo/-nno, m.dh)

1. Dad ay ka dhexeyso qawaaniin iyo maamul siyaasadeed oo leh seere ama xad adduunyadu aqoonsan tahay iyo calan u gaar ah. 2. Usha balka galleyda ama meseggada.

0

qarandi

m dh (-iyo, m.l)

Bahal duurjoog ah oo leh af dhuuban iyo gafuur dheer, dhego dhaadheer oo kuwa dameeraha u eg, lugo gaaggaaban oo xoogag badan, dhabar sida qaansada u xoodan iyo dabo sal weyn leh oo cuna aboorka, quraanyada iwm; xabaalaquf; saddexsuulley.

0

qaranful

m l

Miro yaryar, madmadow, dhuudhuuban oo madax kuuskuusan leh oo shaaha lagu udgiyo. ld qorofol, qoronful.

0

qarannimo

m dh

Qaran ahaansho.

0

qaranqaar

m dh

Bohol yar.

0

qaranqaaro

m dh

1. Malaxda iyo dhiigga ku guntama meel nabar ku dhacay. 2. Cayayaan yar, duula, dhurdaha u eg kase weyn oo sameeya malab.

0

qaraq

m l

1. Q. ah: wax aad u badan. 2. ld qaraqid.

0

qaraqan

f mg1 (-qmay, -qantay)

Eeg: qaraq²

0

qaraqmid

m dh

Eeg: qarqid

0

qarar

m l (-ryo, m.dh)

(c.nafl.) Jeex jeex ku dhaca maqaarka gaar ahaan afka qarkiisa ama meelo kale oo dhaqaaq badan leh ee jirka. Jeex jeexyada ku yaal afka iyo sanka caruurta ku dhalata waraabowga waxay marka noqdaan qararyo.

0

qararab

m l

Eeg: qararable

0

qararabdheere

m l (-rayaal, m.l/dh)

Eeg: qararable

0

qararable

m l (-layaal, m.l/dh)

Qaloon diireed oo aan la biifin. ld qararab, qararabdheere.

0

qararabsad

m l

Eeg: qararamsasho

0

qararabsasho

m dh

Eeg: qararamsasho

0

qararabsi

m l

qardaysan

0

qararabso

f g3 (-saday, -satay)

Eeg: qararamso

0

qararamsad

m l

Eeg: qararamsasho

0

qararamsasho

m f dh

ld qararabsad, qararabsasho, qararabsi, qararamsad.

0

qararamsi

m l

Eeg: qararamsasho

0

qararamso

f g3 (-saday, -satay)

Wax adag ilko ku burbursasho. ld qararabso.

0

qararro

m dh

Geed weyn oo aan qodxo lahayn oo leh sal weyn, laamo dhuudhuuban, miro la cuno iyo mayrax wanaagsan. ld qaranrro.

0

qaras

m dh

1. Wasakh midab cagaaran leh oo ku raagta caloosha oo ka dhalata cuntada qofka cuno. 2. Hadal badan oo xun.

0

qarash

m l (-shyo, m.dh)

1. Macdan jilicsan oo weelasha iwm laga sameeyo. 2. ld kharash.

0

qarashayeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Eeg: qarasheysan

0

qarashayeysnaan

m dh

Eeg: qarasheysnaan

0

qarashayeysnaansho

m l

/dh ld qarasheysnaan.

0

qarashee

f g2 (-sheeyay, -sheysay)

Bakoorad, jeedal iwm qarash ku samayn. ld qarashyee.

0

qarasheyn

m f dh

ld qarashyeyn.

0

qarasheysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Bakoorad, jeedal iwm oo qarash lagu sameeyey ahaansho. ld qarashayeysan.

0

qarasheysnaan

m f dh

ld qarashayeysnaan, qarasayeysnaansho.

0

qarasheysnaansho

m l

/dh ld qarasheysnaan.

0

qarashyee

f g2 (-yeeyay, -yaysay)

Eeg: qarashee

0

qarashyeyn

m dh

Eeg: qarasheyn

0

qarasoobid

m f dh

Eeg: qarasow

0

qarasow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Wax qaras qaaday noqosho.

0

qaraw

m l

Hadal iyadoo la hurdo lagu hadlo.

0

qarax

m l

1. Shanqar xoog leh oo ka dhalata walxaha marka ay kulayl dareemaan ama wax kale saameeyaan. 2. Q. ah: cunto aan iidaan lahayn. 3. Q. ah: dhul oomane ah oo aan biyo lahayn. 4. Q. ah: hadal aan murti ku dheehnayn.

0

qarayn

m dh

ld qirayn.

0

qarbad

m l

Eeg: qarbed

0

qarbaqarbee

f g2 (-beeyay, -beysay)

Wax si degdegsiinyo ah u samayn.

0

qarbaqarbeyn

m f dh

Eeg: qarbaqarbee

0

qarbaqarbo

m dh

Degdeg.

0

qarbed

m l (-dyo, m.dh)

1. Harag cukad ah oo loo farsameeyey in biyaha lagu shubto. 2. Weel maro adag ka sameysan oo biyaha lagu shubto. ld qarbad.

0

qarbidix

m dh

Tolmada ugu dambeysa ee weel afkiisa lagu sameeyo; rigrigo.

0

qarbidxan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax qar bidix lagu tolay ahaansho (weel).

0

qarbidxanaan

m f dh

ld qarbidxanaansho.

0

qarbidxanaansho

m l

/dh ld qarbidxanaan.

0

qarbidxasho

m f dh

Eeg: qarbidxo

0

qarbidxid

m f dh

Eeg: qarbidix²

0

qarbidxo

f g3 (-xaday, -xatay)

Weel qarbidix ku tolasho.

0

qarbud

m l

Qasid wax nidaamsanaa lagu sameeyo.

0

qarbudaad

m dh

1. Qasidda la isku qaso wax nidaamsanaa. 2. ld qarbudid.

0

qarbudid

m f dh

ld qarbudaad (2).

0

qardaas

m l (-syo, m.dh)

Xaashi sida badan adag oo loo habeeyey in wax lagu rito. ld qirdaas.

0

qardab

f g1 (-bay, -btay)

Eeg: qartab

0

qardabee

f g2 (-beeyay, -beysay)

Dhibaato qarsoon cid gaarsiin.

0

qardabeyn

m f dh

Eeg: qardabee

0

qardabid

m dh

Eeg: qartabid

0

qardabo

m dh

1. Nooc mallayga badda ka mid ah oo aan jurmi weynayn, lehna midab cad iyo dhibco yar yar oo madmadow. qartabyo. 2. Dhibaato qarsoon oo cid loo geysto. 3. ld 4. ld qardabeyn.

0

qardajeex

m l

Socod lagu maro meel dhir badan oo aan waddo la maro lahayn.

0

qardajeexid

m f dh

ld qardajeex¹.

0

qardajeexsii

f lg2 (-iiyay, -iisay)

Nafley meel dhir badan oo aan waddo lahayn marin.

0

qardajeexsiin

m f dh

Eeg: qardajeexsii

0

qardan

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof ama nafley kale wax buuran ahaansho.

0

qardanaan

m f dh

ld qardanaansho.

0

qardanaansho

m l

/dh ld qardanaan.

0

qardayn

m f dh

Eeg: qardee

0

qardaysad

m l

Eeg: qardaysasho

0

qardaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

1. Dhul wax la qardeeyey ahaansho. 2. Qof faras iwm oo uu fuulay ku murqo go'ay ahaansho.

0

qardaysasho

m f dh

ld qardaysad, qardaysi.

0

qardaysi

m l

Eeg: qardaysasho

0

qardaysii

f lg2 (-iiyay, -iisay)

Cid wax amaah u siin.

0

qardaysiin

m f dh

Eeg: qardaysii

0

qardaysnaan

m f dh

ld qardaysnaansho.

0

qardaysnaansho

m l

/dh ld qardaysnaan.

0

qardayso

f g3 (-stay, -satay)

1. Dhul geedo ka gurasho si wax loogu beero ama hawl kale loogu qabsado. 2. Wax amaah ahaan cid uga qaadasho.

0

qardee

f g2 (-deeyay, -daysay)

1. Dhul geedo ka gurid si wax loogu beerto ama hawl kale loogu qabsado. 2. Cid wax amaah ahaan u siin.

0

qardhaas

m dh (-so, m.l)

Warqad quraan ku qoran yahay ama wax kale oo inta idiin lagu dahaaro belaayo-xijaab ahaan loo xirto; xirsi.

0

qardhabo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Qalab yar oo bir ah oo ka kooban laba af oo is qabsata marka la isku riixo oo timaha iwm lagu sii- siibo. 2. Nooc ka mid ah kelbadaha. 3.Manqas.

0

qardho

m dh u

Miro aan weli bislaan.

0

qardo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Dhul keyn ah oo aan waddo lahayn. 2. Miro aan weli bislaan. 3. Wax amaah ahaan loo qaato.

0

qardoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

1. Miro aan weli bislaan cuniddooda ku jirrasho. 2. Socod, fardo-fuul iwm ku jiiro-go'id.

0

qardoobid

m f dh

Eeg: qardow²

0

qardood

m f l

Eeg: qardoo

0

qardoofee

f g2 (-feeyay, -feysay)

1. Cid dhaawac aan weynayn gaarsiin. 2. Cid hadal qadaf ah ku dhigid.

0

qardoofeyn

m f dh

Eeg: qardoofee

0

qardoofo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Dhaawac aan weyneyn. 2. Hadal qadaf ah.