0

qandicis

m l

Eeg: qandicin

0

qandiir

m l

Wax kulkoodu yaryahay.

0

qandiiri

f g2 (-iyay, -isay)

Wax in yar kululayn.

0

qandiirid

m f dh

Eeg: qandiir²

0

qandiirin

m f dh

Eeg: qandiiri

0

qandood

m l

qandoodid.

0

qandoodid

m f dh

ld gandood¹, gandoodid, qandood¹.

0

qanduur

m dh (-ro, m.l)

Siil.

0

qaneecaad

m l

Khayr; wanaag; barako. ld caneeqaad, qaneeco.

0

qaneecaadid

m f dh

ld caneeqaadid.

0

qaneeco

m dh

Eeg: qaneecaad¹

0

qani

m l kh

Q. ah: qof maalqabeen ah.

0

qaniimad

m dh

1. Hanti badan. 2. Maal gaalo laga qabsaday, kaddib markii la jebiyay colkooda. ld qaniimo.

0

qaniimeysad

m l

Eeg: qaniimeysasho

0

qaniimeysasho

m f dh

ld qaniimeysad, qaniimeysi.

0

qaniimeysi

m l

Eeg: qaniimeysasho

0

qaniimeyso

f mg3 (-stay, -satay)

Hanti gaalo ka qabsasho, kaddib markii dagaal lagu jebiyay.

0

qaniimo

m dh

Eeg: qaniimad

0

qaniin

m l

Guud ahaan cayayaanka yaryar ee xoolaha dhiiggooda ku nool sida shilinta, dhuugga iwm.

0

qaniinid

m f dh

Eeg: qaniin²

0

qaniinsii

f lg2 (-iiyay, -iisay)

1. Nafley afka wax u gelin si uu u qaniino. 2. Cid isku dirid.

0

qaniinsiin

m f dh

Eeg: qaniinsii

0

qaniinyo

m dh (-ooyin, m.l)

Ilkaha oo si xoog leh wax loogu qabto.

0

qaninnimo

m dh

Qani ahaansho.

0

qanjaaful

m l

/dh (-lo, m.l/dh) 1. Ciddida inteeda dheer oo ka baxda qoobka 670 labaraaflaha iyo gammaanka. 2. Alaabta lagu dhaqmo marka ay duug noqoto. ld qajaaful.

0

qanjad

m dh (-do, m.l)

Doonni baqalka ka yar oo hore u dhuuban gadaalna u ballaaran.

0

qanjaruufasho

m f dh

ld qandhuufasho.

0

qanjaruufo

m dh

Eeg: qandhuufo¹

0

qanje

m l

Cudur ariga ku dhaca oo markiiba dila. ld qanjo.

0

qanjidh

m l (-dho, m.l)

(c.nafl.) Organ soo saara walxo si uu u dhiijiyo. Qanjidhku wuxuu noqon karaa mid weyn, tusaale ahaan: beerka, ama wuxuu noqon karaa mid yar; qanjidh dhidid. ld qanjir.

0

qanjidh-dhidid

m l (-dho ..., m.l)

(c.nafl.) Qanjidh dhuuban oo leexleexsan oo ku yaalla dubka. Waxa uu soo daayaa dhidid. Tirada qanjidh dhididku waa ay ku kala duwantahay xayawaanka.

0

qanjidh-kelyood

m l (-dho ..., m.l)

(c.nafl.) Lammaane ka mid ah qanjidhada marinka la' oo laga helo kelyaha dushooda. Qaybta gudaha ee qanjidh kelyoodyada oo loo yaqaanno 'medula' ayaa waxay dhiijisaa horomoonada kala ah adirinaliin iyo noradirnoliin.

0

qanjidh-marinla'

m l (c.nafl.)

Qanjidh kasta oo xayawaanka laga helo, kaas oo soo saara horomoonno, si toos ahna ugu dhiijiya qulqulka dhiigga, si ay shaqo uga qabtaan meelo kala durugsan oo jidhka ka mid ah

0

qanjidh-marinleh

m l (c.nafl.)

Qanjidh marin leh oo dheecaanno qanjidheedka ku sii daaya guudka ibitiiliyalka ee jidhka dushiisa ama moqor unugeedka calool yarada.qaraabid

0

qanjidh-tarmeed

m l (c.nafl.)

Organno had iyo jeer lammaane ah oo laga helo xayawaanka, kuwaas oo soo saara gaameytyo.

0

qanjidh-taymas

m l

Qanjir ku yaal lafta shafka xaggeeda gudaha xigta, caruurta keliya ayaa leh, dadka waaweyn waa ka baaba'a, wuxuuna ka tirsanyahay qaybta difaaca jirka.

0

qanjidhada-marinkala'

waxay xukumaan waxqabadyada qunyar socodka ah ee waqti dheer qaata ee jidhka, sida koritaanka qofka iyo korriinka sinjiyeed.

0

qanjidhka-tayroydh

m l (c.nafl.)

Qanjidh marinla' oo laba laab leh oo laga helo lafdhabarleyda kuna yaalla salka qoorta. Wuxuu dhiijiyaa laba horomoon oo ay ku jirto ayoodhiin, oo kala ah tayrogsiin iyo tarayodhoytayrosiin, kuwaas oo xukuma dariiqooyinka dheefsasho ee jidhka oo dhan. Waxa kale oo ay duudsiyaan koritaanka duleed.

0

qanjiiri

f g2 (-iyay, -isay)

Wax si xoog leh u qandhuufasho.

0

qanjiirin

m f dh

Eeg: qanjiiri

0

qanjiiro

m dh

Qandhuufo.

0

qanjir

m l

1. Cad yar jirka nafleyda ku yaal oo dhala dheecaano uu jirku u baahanyahay 2. Q. ah: qof aan shakhsiyad wanaagsan lahayn. 3. ld qanjirid. ld qanjidh.

0

qanjir-bituwitary

m l (c.nafl.)

Qanjir dhiiqa ugu muhiimsan: qanjir yar oo ku yaal “hypothalamus-ka” hoostiisa wuxuuna ku jira god laf ka dhex qodan lafta madaxa salkeeda.

0

qanjir-borosteyd

m l (c.nafl.)

Qanjir dheeraad ah oo raggu leeyahay oo u furan kaadi mareenka ka hooseeya kaadihaysta iyo dhuumaha shahwada meeshaay kaga darsamaan. Xilliga biyobixidda ragga wuxu qanjirku soo daaya biyo alkalayn ah oo ku darsama shahwada.

0

qanjir-kelyood

m l (c.nafl.)

Laba qanjir dhiiqe oo qaab saddex gees leh, kuna kala yaal labada kelyood dushooda.

0

qanjir-liinfeed

m l (c.nafl.)

Qanjirro yaryar oo kuuskuusan oo ku yaal xarumo kala duwan oo ka mid ah waddada xididdada liinfada.

0

qanjirabarar

m l

Eeg: qanjirbarar

0

qanjirada

oo barariya in muddo ah; camanbafuufi.

0

qanjirbarar

m l

Qanjirka oo jirro awgeed barara. ld qanjirabarar.

0

qanjirid

m f dh

ld qanjir¹ (3).

0

qanjirsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Badar si xun loo kariyay wax kala bislaaday ahaansho.

0

qanjirsanaan

m f dh

ld qanjirsanaansho.

0

qanjirsanaansho

m l

/dh ld qanjirsanaan.

0

qanjo

m l

Eeg: qanje

0

qanjoofil

m l

Nooc ka mid ah cawska rarada laga sameeyo.

0

qanjool

m l

Geed gaab xeebaha bari ka baxa oo caleemo yaryar oo biyo ka buuxaan leh oo daashashka lagu dedo.

0

qansax

m l (qansax, m.dh)

Geed quraca la bah ah oo leh qodxo yaryar, mayraxiyo xabag wanaagsan.

0

qanshiir

m l (-rro, m.dh)

Daan.

0

qanweyn

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax jurmi weyn leh ahaansho.

0

qanweynaan

m f dh

ld qanweynaansho.

0

qanweynaansho

m l

/dh ld qanweynaan.

0

qanyar

f mg4 (-raa, -rayd)

Wax jurmi yar ahaansho.

0

qanyaraan

m f dh

ld qanyaraansho.

0

qanyaraansho

m l

/dh ld qanyaraan.

0

qaqaan

m dh

Eeg: qaanqaanni

0

qaqabow

m l

Eeg: qabqabow

0

qaqashaaf

f g1 (-fay, -ftay)

Wax la waayey dhowr meel ka raadraadin.

0

qaqashaafid

m f dh

Eeg: qaqashaaf

0

qar

m l (-rar, m.l)

1. Buur dheer oo dhagax ah; cal. 2. Meesha u korreysa oo ku dhammaado (weel); af. 3. Gow (bohol, ceel, webi); daan.

0

qar-iskatuur

m l

Naftihallig. ld jar-iskatuur

0

qar-iskatuurnimo

m dh

Naftihallig ahaansho. ld jar-iskaxoornimo.

0

qar-iskaxoor

m l

Eeg: jar-iskatuur

0

qar-iskaxoornimo

m dh

Eeg: jar-iskaxoornimo

0

qaraab

m l u

1. Miro, xabag iwm. oo duurka ka baxa oo la cuno. 2. Hunguri, lacag iwm aan la shaqeysan oo meelo laga soo shaxaado.

0

qaraabaggoo

f mg2 (-ooyay, -ooysay)

Qaraabo, daryeelid la'aan.

0

qaraabaggooyn

m f dh

ld qaraabaggooys.

0

qaraabaggooys

m l

1. Q. ah: qof aan qaraabadiisa daryeelin. 2. ld qaraabaggooyn.

0

qaraabakiil

m l

Eexasho qaraabannimo awgeed loo sameeyo. ld karaabakiil¹, qaraabakiilid.

0

qaraabakiilid

m f dh

ld qaraabakiil¹, karaabakiil¹.

0

qaraabaqansax

m l

/dh.u Qaraabannimo aan dhaweyn.

0

qaraabasho

m f dh

Eeg: qaraabo²

0

qaraabaysad

m l

Eeg: qaraabaysasho

0

qaraabaysasho

m f dh

ld qaraabaysad.

0

qaraabayso

f g3 (-stay, -satay)

Cid qaraabo ka dhigasho.

0

qaraabid

m f dh

671qaraabo¹

0

qaraabo

m dh u

Dad xagga hooyo ama aabbe xiriir dhalasho ka wadaaga.

0

qaraafiic

m dh w

Eeg: qarfacad

0

qaraami

m l

Eeg: qaaraami

0

qaraar

m l (-rro, m.dh)

1. Dhadhan aan macaanayn. 2. Go'aan. 3. Maseyrka laga maseyro cid waxay haysato. ld xaraar.

0

qaraarid

m f dh

Eeg: qaraar²

0

qaraaxad

m dh

1. Qalab bir, caag iwm ka samaysan oo inta ogsijiin, gaas iwm lagu shubo sigaarka lagu shito, walaacad. 2. Weynaanta cod. 3. Xajmiga iyo weynaanta qof leeyahay.

0

qaraaxadayn

m f dh

Eeg: qaraaxadee

0

qaraaxadee

f mg2 (-deeyay, -daysay)

Cod furan oo aan xabeeb lahayn ku hadlid ama ku heesid.

0

qaraaxadi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Cod qaraaxad u yeelid. 2. Si kaftan ah cid waxaan jirin uga fidin.

0

qaraaxadin

m f dh

Eeg: qaraaxadi

0

qarabbax

m dh

Barashada la sii barto cashar qur'aan oo aan weli la gaarin.

0

qarabbaxsad

m l

Eeg: qarabbaxsasho

0

qarabbaxsasho

m f dh

ld qarabbaxsad, qarabbaxsi

0

qarabbaxsi

m l

Eeg: qarabbaxsasho

0

qarabbaxso

f g3 (-saday, -satay)

Cashar qur'aan oo aan weli la gaarin sii barasho.