qalbifurraansho
/dh ld qalbifurnaan.
qalbijab
1. Dareen murugo leh oo ku dhasha qof wuxuu rabo waayey. 2. ld qalbijebid. ld niyadjab¹.
qalbijebi
Cid qalbijab ku ridid.
qalbijebid
ld qalbijab¹.
qalbisamaan
ld qalbisamaansho, qalbisami, qalbisnaan.
qalbisamaansho
/dh ld qalbisamaan.
qalbisami
qalbisnaan.
qalbisamo
Samaan cidi uurka ku haysa; niyadsami. ld qalbisami.
qalbisamow
Cid wax niyaddiisu fiicantahay noqosho.
qalbisan
1. Qof niyad wanaagsan ahaansho; niyadsan. 2. Ku q.: cid kalsooni ku qabid.
qalbisnaansho
/dh ld qalbisamaan.
qalbixumaan
ld qalbixumaansho.
qalbixumaansho
/dh ld qalbixumaan.
qalbixume
Cid wax ay ku qalbixumaato ku samayn.
qalbixumo
Xumaan cidi uurka ku hayso.
qalbixumow
Cid wax niyaddu ka xumaatay noqosho.
qalbixun
1. Cid tiiraanyo hayso ahaansho. 2. Cid aan niyad wanaagsan lahayn ahaansho.
qalcad
Dhismo xoog badan oo dhagax ka samaysan oo waayadii hore cadowga laga geli jiray. ld calqad, qalco.
qaldan
/mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. Wax, wax kale ku qasan yihiin noqosho. 2. Cid gefsan noqosho.
qaldanaan
ld qaldanaansho.
qaldanaansho
/dh ld qaldanaan.
qaldhac
Qori loo kala jeexay laba qalbac oo dabada looga xiro si uu saalada iyo neefta ugu cesho hal la doonayo in la oggolaysiiyo ilmo aysan dhalin. ld qallac¹, qallax¹.
qaldhacnaansho
/dh ld qallacnaan.
qaldheb
/mg1 (-bay, -btay) 1. (f.g) Si degdeg ah biyo u cabbid (xoolo). 2. (f.mg) Awr wax uu rabo in uu dilo u fara baxsasho. ld qaldhex.
qaldhex
/mg1 -xey, -xday ld qaldheb.
qaldhicid
ld qaldhocod, qallicid, qallixid.
qaldhow
Orodka uu awr qooqani ordo mar uu dagaallamayo.
qalee
Bariis inta aan biyaha lagu darin dallac ku shiilid.
qaleyn
ld qaleys.
qaleysan
Wax la qaleyey ahaansho (hilib, bariis).
qaleysnaan
ld qaleysnaansho.
qaleysnaansho
/dh ld qaleysnaan.
qalfaad
Jirrid aad u weyn qorid si u noqdo doon.
qalfaadid
ld qalfaad¹.
qalfoof
Oogada nafleyda ee riciraha leh, iskujoogga lafahooda.
qalfoon
1. Wax gudo leh oo dubkii sare oo muuqda mooyaane aanay hoosta waxba kaga jirin. 2. ld qamboob 3. Geed faalala oo miro kulkulucsan leh oo arigu aad u jecelyahay kana mid ah geedaha wax lagu daaweeyo. 4. Qaybta sare ee lafta madaxa.
qalid
ld qalniin.
qaliid
Cad ka samaysan qoryo si gaar ah isugu rakiban oo albaabbada lagu dhejiyo, si ay u xirmaan ama ayan u furmin; qori gaar ah oo ilko kala duwduwan leh baa lagu furaa.
qalin
1. Qalab af dhuuban oo wax lagu qoro. 2. Lacag (macdan). 3. Summad geela lagu dhigo oo ah diillin daanka loogu jiido si gudub ah.
qalindaar
Gacan wax qoraysa oo la nuuxiyo ama la taabto oo qoristii ka xumaato.
qalindaaro
1. Qalin khad ku darasho. 2. Qof wax ka barasho.
qalinduurre
Nin kutubta wax yar ka yaqaan oo haddana wax kaqalliin² sheegsheega oo wadaad iska dhiga; kitaabgaab.
qalinjebi
1. Quraan dhammeyn (arday). 2. Tacliin dhammeyn. 3. Ka q.: dugsi sare ama jaamacad la yaqaan ka soo bixid.
qalinmadow
Ardada dugsiga quraanka dhigata.
qalinshubato
Dad sixirka yaqaan oo intay dadka indhasarcaadiyaan wax ka qaata.
qalinshube
Waxyaabaha la isku qurxiyo (siyaakhad) qof ka sameeya qalin iyo dahab.
qallaafo
Hogfo.
qallaal
1. Balli yar oo ay biyo ku hareen. 2. Duleelka sanka iyo afku ay isaga furanyihiin.
qallac
1. ld qallaco. Laba qalbac ee qori la kala jeexay oo geela wax diida faruuryaha inta xarig lagula qabto looga xiro, si marka uu xanuunsado uu u oggolaado dhashiisa ama mid kale ama uu u oggolaado. 2. Shiraac doon oo dhuuban oo daqalka korkiisa lagu xiro.
qallacan
Qof oo geel qallacay si kadis ah ahaansho.
qallacnaan
ld qallacnaansho.
qallacnaansho
/dh ld qallacnaan.
qallaco
(1).
qallad
Raacidda la raaco madhab in muddo ah.
qallado
Madhab raacid in muddo ah.
qallaf
Q. ah: wax adag oo aan jilicsaneyn.
qallafi
Wax, wax adag oo aan jilicsaneyn ka dhigid.
qallafsan
1. Wax aan jilicsaneyn ahaansho. 2. Wax aan sulub ahayn ahaansho. 3. Wax aan sahlanayn ahaansho. 4. Qof dabeecad adag oo aan soo loodsamin ahaansho.
qallafsanaan
ld qallafsanaansho.
qallafsanaansho
/dh ld qallafsanaan.
qallaji
Wax qoyan engejin.
qallajin
ld qallajis¹.
qallajis
Xamaarato yar oo jaadad badan ah oo leh dhex dhuuban, dabo dhuuban iyo afar addin oo sida badan ku nool dhulka kuleylaha ah.
qallal
1. Cudur maskaxeed nafleyda ku dhaca oo suuxdin iyo gariir keena. 2. Cudur nafleyda dhinac naafeeya; dabeyl. 3. ld qallalid.
qallalan
1. Wax qoyanaa wax engegay ahaansho. 2. Xubin jirka nafleyda ka mid ah wax hawsheedii gabtay ahaansho.
qallalid
ld qallal¹ (3).
qallalnaan
ld qallalnaansho, qallayl.
qallalnaansho
/dh ld qallalnaan.
qallaxnaansho
/dh ld qallalnaan.
qallayl
1. Qoyaan iyo jileec la'aan. 2. ld qallalnaan.
qalle
Waajib waqtigii la samayn lahaa la soo dhaafay oo waa dambe la guto, siiba salaadda iyo soonka.
qallee
Qalle gudasho.
qalleyf
Aan jilicsanayn; adayg.
qallib
Wax afgembiyid.
qallibaad
Rogidda wax siday ahaayeen ma ahee si kale loo rogo ama loo dhaho.
qalliban
Wax la afgembiyay noqosho.

