0

qiixdheer

m dh

Cudur badanaa carruurta ku dhaca oo leh qufac, neefraac iyo matag.

0

qilqiil

m l

Xaalad adag ama halis ah oo lagu sugnaado.

0

qindi

m l

Qalab dibida lagu xiro oo beerta lagu falo.

0

qir

f g1 (-ray, -rtay)

Arrin doodi ka taagneyd caddeyn.

0

qiraal

m l

Caddeynta la isku caddeeyo arrin doodi ka taagnayd eeddeeda.

0

qirasho

m f dh

Eeg: qiro²

0

qirayn

m f dh

ld qarayn.

0

qirdaas

m l

Eeg: qardaas

0

qiree

f g2 (-reeyay, -raysay)

Wax qiro u yeelid. ld qaree.

0

qirid

m f dh

Eeg: qir

0

qirinqiir

m l

Eeg: qiiraqiiro

0

qiro

m dh

Inta xalleefsanaanta ballaarku le'egyahay; dhumuc; baaxad. ld qaro.

0

qirsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof fal uu sameeyey qiray ahaansho.

0

qirsanaan

m f dh

ld qirsanaansho.

0

qirsanaansho

m l

/dh ld qirsanaan.

0

qisaas

m dh

Dilka sharci ahaan loo dilo qof qof kale dilay.

0

qisaasan

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof qisaas loo haysto ahaansho.

0

qisaasid

m f dh

Eeg: qisaas²

0

qisaasnaan

m f dh

ld qisaasnaansho.

0

qisaasnaansho

m l

/dh ld qisaasnaan.

0

qisayn

m f dh

ld qisood.

0

qisee

f mg2 (-seeyay, -saysay)

1. Ka q.: sheeko cid ama arrin ku saabsan cid u sheegid. 2. U q.: cid u skeekayn.

0

qish

m l

Si tuugannimo ah oo imtixaan looga shaqeeyo. ld qishid.

0

qishid

m f dh

ld qish¹.

0

qiso

m dh

1. Sheeko; taariikh. 2. Wax dhacay; war.

0

qisoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Eeg: qisee

0

qisood

m l

Eeg: qisayn

0

qix

m dh

Eeg: kix

0

qixi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Si degdeg ah cid meel uga rarid cabsi awgeed. 2. Dab si degdeg ah u ololin. ld qaxi.

0

qixid

m f dh

ld qaxid.

0

qixin

m f dh

ld qaxin.

0

qiyaame

m l

1. Maalinta wixii dhintay oo dhan la soo nooleeyo oo wanaagga iyo xumaha qof walba sameeyey la xisaabo. 2. Dhib; shiddo; hoog.

0

qiyaas

m l (dii.)

Qayb ka mid ah tiirarka sharciga Islaamka oo la adeegsado marka arrin la xukumayo laga waayo quraanka, xaddiiska iyo ijmaaca.

0

qiyaas-khariidadeed

m l (-dyo, m.dh)

(juqr.) Saamiga fogaanshaha laba barood oo khariidadda dusheeda ah iyo fogaanshaha runta ah ee uu u taaganyahay.

0

qiyaasan

f mg4 (-snaa, -snayd)

1. Wax muggooda, dhererkooda iyo culayskooda la cabbiray ahaansho. 2. Ku q.: wax meel ama wax kale ku aaddan ahaansho.

0

qiyaasid

m f dh

Eeg: qiyaas³

0

qiyaasnaan

m f dh

ld qiyaasnaansho.

0

qiyaasnaansho

m l

/dh ld qiyaasnaan.

0

qob

m l (-bab, m.l)

1. Diir; dub; qolof. 2. Qof ducadiisa ama habaarkiisu kaco.

0

qobbe

m l

Dhaxan qabow oo habeenkii soo dhacda; nadwad; dheel.

0

qobbo

m dh

Geed caleemo balballaaran oo saliid leh.

0

qoble

m l

Roob muddo dheer da'a oo aan biyo dhigin.

0

qobo

m dh

Dhaxan aad u qabow oo habeenkii soo dhacda.

0

qobosh

m l (-shyo, m.dh)

Nafley lab oo gaboobay.

0

qobtol

f g1 (-olay, -oshay)

Heeryo qaab joodari u tolid iyadoo maro jilicsan dusha looga dahaarayo.

0

qobtolan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Heeryo wax la qobtolay ahaansho.

0

qobtolid

m f dh

Eeg: qobtol²

0

qobtolnaan

m f dh

ld qobtolnaansho.

0

qobtolnaansho

m l

/dh ld qobtolnaan.

0

qod

m l

Wax iswato qayb ka mid ah.

0

qod4

f g1 (-day, -dday)

1. Meel duleelin. 2. Beer ka shaqeyn.

0

qodaal

m l

1. Hawl ku saabsan wax qodidda iyo falidda siiba beeraha. 2. Q. ah: dhul ku habboon beerashada. 3. Daloolinta la dalooliyo dhul.

0

qodaal-buureed

m l (-dyo, m.dh)

Hab qodaal oo u gaar ah tiirooyinka buuraha iyo kuraha la beerto; tiirooyinka ayaa la googooyaa gidaaro ama dhinacyo dhiidhi ah waxa si wareeg ah looga dhisaa karinnada samaysmay, markaa biyaha waraabka iyo carradaba way xajistaan.

0

qodan

f mg4 (-dnaa, -dnayd)

1. Dhul, meel iwm wax la qoday ahaansho. 2. Beer wax la falay ahaansho.

0

qodasho

m f dh

Eeg: qodo

0

qodato

m dh u

Dad beeraley ah oo ku nool tabcashada beeraha.

0

qodax

m dh (-dxo, m.l)

Caaradda yar oo fiiqan, waxna mudda oo geedaha qaarkood bixiyaan.

0

qodaxbadeed

m dh

Gaadaddo.

0

qodaxtool

m l

Nagaar yar oo qodax badan: meeshii qodaxi muddo oo laga bixin waayo baa xididkiisa la saaraa oo qodaxdii lagu soo baxshaa.

0

qodban

f mg4 (-na. -nayd)

1. Wax la qodbay ahaansho. 2. Gabar bikro ahaansho.

0

qodbanaan

m f dh

ld qodbanaansho.

0

qodbanaansho

m l

/dh ld qodbanaan.

0

qodbid

m f dh

Eeg: qodob²

0

qoddo

m dh

1. Dhererka meel la qoday leedahay. 2. Wax intiisa aasan. 3. Macnaha fog ee hadal leeyahay. ld qoto.

0

qode

m l

1. Cirboor; cirwareen; leexo. 2. Nooc qaadka hareeriga ka mid ah oo gaagaaban aadna u jilicsan.

0

qodhacayso

f mg3 (-stay, -satay)

Qondhaco isu dhigid (nafley).

0

qodid

m f dh

ld qoditaan, qodniin, qodow.

0

qoditaan

m l

Qodidda la qodo god iwm. ld qodid.

0

qodmid

m f dh

Eeg: qodan¹

0

qodnaan

m f dh

ld qodnaansho.

0

qodnaansho

m l

/dh ld qodnaan.

0

qodniin

m l

Eeg: qodid

0

qodo

f g3 (-otay, -odatay)

1. Dhul falasho. 2. Meel dumsasho.

0

qodob

m l (-dbo, m.l)

1. Dun, xarig iwm oo laba waxood ama ka badan la iskula qabto. qaybsama 2. Musmaar gaaban oo dabada u buuran oo kabaha lagu qurxiyo. 3. Qaybaha sharciga u mid ka mid ah. 4. Summad xoolaha lagu dhigto oo u eg nuunka carabiga oo hoos u jeeda. 5. Qormooyinka wargeyska ku qoran mid ka mid ah; maqaal; qormo.

0

qodobka

m l (-bo ..., m.dh)

(baay) Lid jidh-dhakooliye oo joogistiisa ama maqnaanshihiisu unugyada cascas ee dhiigga guudkooda ay ku samayso salka habdhiska kooxaha dhiigga ee rh.

0

qodow

m l

Eeg: qodid

0

qof

m l

/dh (nax.) Mid ka mid ah kaqaybgalayaasha warisgaarsiinta: “aniga” waa qofka 1aad oo hadlaya, “adiga” waa qofka 2aad oo ah lala hadlaha, 685qofayn “isaga”/”iyada” waa qofka 3aad oo ah laga hadlaha; saddexdaan qof kala keliga ah mid weliba waa wadaroobaa: 1aad “annaga/innaga”, 2aad “idinka”, 3aad “iyaga”.

0

qofayn

m f dh

Eeg: qofee

0

qofee

f g2 (-feeyay, -faysay)

Qof ka dhigid.

0

qofnimo

m dh

Qof ahaansho.

0

qol

m l (-lal, m.l)

Qaybaha uu guri u qaybsamo middood oo aan ahayn musqusha iyo jikada. ld qawlad, qoolad, qowlad.

0

qolaab

f g1 (-bay, -btay)

Eeg: qoolaab²

0

qolayn

m f dh

Eeg: qolee

0

qolaysad

m l

Eeg: qolaysasho

0

qolaysan

f mg1 (-smay, -santay; -smi)

1. Biyo wax meel godan ku aruursamay ahaansho. 2. Wax meel ciriiri ah ku xareysan ahaansho.

0

qolaysasho

m f dh

ld qolaysad, qolaysi.

0

qolaysi

m l

Eeg: qolaysasho

0

qolaysmid

m f dh

Eeg: qolaysan

0

qolayso

f mg3 (-stay, -satay)

1. Biyo badan dar yar ku leexsasho. 2. Qol aan rasmi ahayn samaysasho.

0

qoldhob

m dh (-bo, m.l)

Meel ciriiri ah.

0

qolee

f g2 (-leeyay, -laysay)

Biyo meel godan isugu gayn.

0

qolfaad

m l

1. Weel gaboobay oo aan la isticmaalin. 2. ld qolfaadid. Cuf la geliyo doonyaha meelaha ay ka dalooshamaan.

0

qolfaadid

m f dh

ld qolfaad¹.

0

qolfaysad

m l

Eeg: qolfaysasho

0

qolfaysasho

m f dh

ld qolfaysasho, qolfaysad, qolfaysi.

0

qolfaysi

m l

Eeg: qolfaysasho

0

qolfayso

f g

/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Haraa xaabid (nafley). 2. (f.mg) Qolof yeelasho (nabar iwm).

0

qollad

m dh

Eeg: qol

0

qolo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Qabiil. 2. Ummad. 3. Koox isku meherad ah.

0

qolobdhabad

m l

Eeg: qolobdhabasho