0

qadow

m l

1. ld qadi 2. Geed yar oo jaadad badan ah dhirta waaweyn korkooda inta ka baxa magoola. 3. Cagaar ay yeeshaan geedaha qaarkood xilliga kaliisha.

0

qadsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: qatan

0

qadsanaan

m f dh

Eeg: qatanaan

0

qadsanaansho

m l

/dh ld qatanaan.

0

qadsanow

f mg3 (-naaday, -naatay)

Eeg: qatanow

0

qadwid

m f dh

Eeg: qadow²

0

qafaal

m l

1. Si xoog ah oo cid loo kaxeeyo si dano laga lahaa loogu fushado. 2. Meel dhir lahayd oo la baneeyo si beer looga dhigto.

0

qafaalan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Wax la qafaalay ahaansho.

0

qafaalasho

m f dh

Eeg: qafaalo

0

qafaalid

m f dh

Eeg: qafaal²

0

qafaalnaan

m f dh

ld qafaalnaansho.

0

qafaalnaansho

m l

/dh ld qafaalnaan.

0

qafaalo

f g3 (-aashay, -aalatay)

Cid xoog ku kaxeeysasho si dan laga lahaa loogu fushado.

0

qafal

f g1 (-alay, -ashay)

Ciyaar dubno labada dhinac ka xirid iyada oo dhagax kale la gelin karin.

0

qafalmardax

m l kh

1. Qof dabeecad xun leh. 2. Wax aan si wanaagsan u habeysnayn. 3. Arrin iwm oo aan la garan karin waxna laga qaban karin. ld qafalmarjac.

0

qafalmarjac

m l

Eeg: qafalmardax

0

qafas

m l

1. (-syo, m.dh) ld qafis. Sanduuq shabaq ka samaysan oo shimbiraha, ugaadha iwm lagu hayo. 2. Qasac yar oo maar ah, qaada tiro xabbado ah oo buntuqa, bistooladda iwm la geliyo.

0

qafil

m l (-llo, m.dh)

1. Shey bir ka samaysan oo gacan yar oo qoolaaban iyo duleel yar oo uu furaha galo leh, oo faseexadda albaabka, sanduuqa iwm lagu xiro. 2. ld qafilid. 3. quful ¹, qunful¹.

0

qafilan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Wax qafil ku xiranyahay ahaansho. ld qufulan, qunfulan.

0

qafilasho

m f dh

ld qufulasho, qunfulasho.

0

qafilid

m f dh

ld qafil¹ (2), qafil¹, quful¹, qufulid, qunful.

0

qafilnaan

m f dh

ld qafilnaansho, qufulnaan, qufulnaansho, qunfulnaan.

0

qafilnaansho

m l

/dh ld qafilnaan.

0

qafilo

f g3 (-ishay, -ilatay)

Albaab, sanduuq iwm qafil ku xirasho. ld qufulo, qunfulo.

0

qafis

m l

(1).

0

qafish

m dh

Nooc kalluunka ka mid ah oo diilimo cad iyo guduudan leh.

0

qaflad

m dh fk

Kedo; lamafilaan.

0

qaflamid

m f dh

Eeg: qaflan¹

0

qaflan

f mg1 (-amay, -antay)

Wax labada dhinac ka xiran noqosho (ciyaar dubnadeed).

0

qaflanaan

m f dh

ld qaflanaansho.

0

qaflanaansho

m l

/dh ld qaflanaan.

0

qaflasho

m f dh

Eeg: qaflo²

0

qaflid

m f dh

Eeg: qafal

0

qaflo

f g3 (-laday, -latay)

Ciyaar dubno labada dhinac ka xirasho iyada oo aan dhagax kale la gelin.

0

qafro

m l

Eeg: qorfo

0

qahar

m l

Dhibaato lagala kulmo hawl, socod iwm oo la qabto. ld qaxar¹.

0

qahraan

m l kh (-nno, m.dh)

1. Q. ah: qof dhibaato badan. 2. Qof dhibban oo talo ku barraahsatay. ld qaxraan.

0

qahran

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof la qahray ahaansho. ld qaxran.

0

qahranaan

m f dh

ld qahranaansho, qaxranaan, qaxranaansho.

0

qahranaansho

m l

/dh ld qahranaan.

0

qahrid

m f dh

ld qaxrid.

0

qahwe

m l

Eeg: qaxwe

0

qajaaful

m l

Eeg: qanjaaful

0

qajaar

m l u

Miro yaryar oo cagaaran oo qudaar ahaan loo cuno.

0

qajac

m l (-cyo, m.dh)

Qaniis.

0

qajajac

m dh sh r

Hadal badan oo aan macne lahayn.

0

qajeel

m dh (-lyo, m.l)

1. Rajo. 2. Sida badan, marar badan, badanaa. Tus. “Qajeel buu yimaadaa”.

0

qajeelid

m f dh

Eeg: qajeel²

0

qal

m l (-lal, m.l)

Labada fuq ee afka middood; daan.

0

qal-aboodi

m l

Firiiric yar yar oo cuncun leh oo oogada dadka ka soo yaaca kolka ay qorraxdu kulushahay (kulayaaha).

0

qalaad

s. Dhul kale ama tol kale ah; aan sokeeye ahayn; shisheeye.

0

qąlaad

m l

Cida orgiga marka uu riyaha orgeynayo.

0

qąlaadid

m f dh

ąlaad².

0

qalaamaanyo

m dh

Nafley aan nooc wada ahayn oo wada jirta. ld qalamaanyo.

0

qalaanqal

m l

Qas; qulqulad; wareer.

0

qalaanqalmadow

m l

Nooc qalaanqalka ka mid ah oo caleemahiisu aad u cagaaran yihiin.

0

qalab

m l

1. Alaabta wax lagu qabsado ama lagu dhaqmo oo dhan. 2. Hubka lagu dagaalamo oo dhan. 3. (muus.) Qalabka muusikada.

0

qalabayn

m f dh

Eeg: qalabee

0

qalabee

f g2 (-beeyay, -baysay)

1. Meel qalab u yeelid. 2. Cid hubeyn.

0

qalad

m l (-dyo, m.dh)

Samaynta wax, fal, hadal iwm. loo sameeyo si aan sax ahayn; gef.

0

qalaggoo

f mg2 (-ooyay, -oysay)

Nafley qalo ka bi'id.

0

qalaggoyn

m f dh

Eeg: qalaggoo

0

qalal

m l (daaw.)

Isku roorid muruqeed oo aan qofku ogeyn keentana qalqalloc jirka iyo addimada.

0

qalalaas

m l

Degganaan iyo xasilooni la'aan. ld qalalaase, qalalaaso.

0

qalalaase

m l

Eeg: qalalaas

0

qalalaaso

m l

Eeg: qalalaas

0

qalalab

m dh sh r

Si shanqar iyo buuq leh oo wax isaga dabadhacaan; rabshad.

0

qalalabi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax si dhaqso leh u sameyn.

0

qalalabin

m f dh

Eeg: qalalabi

0

qalalabsasho

m f dh

Eeg: qalalabso

0

qalalabso

f g3 (-saday, -satay)

Wax si dhaqso ah u cabbid.

0

qalamaanyo

m dh

1.Dad isku dhex jira oo aan isgaranayn. 2. Dad keli keli ah.

0

qalami

m dh

Nafley yar oo indha waaweyn leh oo cagaha iyo dabada daanyeerka uga eg, wejiga iyo dhegahana dawacada ugu eg; geedatiris.

0

qalammi

m l

Shiraac yar. ld qalami¹.

0

qalan

f mg1 (-lmay, -lantay; -lmi)

1. Wax la qalay noqosho (nafley). 2. U q.: wax, wax istaahilid.

0

qalanjo

m dh (-ooyin, ml.)

1. Maroodiga dheddig. 2. (riw.) Haweeney jisha qeybta ugu muhiimsan ee filin ama riwaayad. 3. Naag aad u qurux badan.

0

qalasho

m f dh

Eeg: qalo²

0

qalaw

m dh

1. Kalagoyska cududda iyo garabka. 2. Xanuun ku dhaca kalagoyska cududda iyo garabka.

0

qalawille

m l

Geed-abaareed gaaban oo higlaha u eg qodaxna lahayn oo waqtiga jiilaalku dheeraado xoolaha caleentiisa lagu barbixiyo.

0

qalawle

m l

1. Geel guran ah. 2. Muqmad aan subag iyo dufa midna lahayn. 3. Cantalaay.

0

qalawo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Dhis yar oo waxaraha la geliyo. 2. Dhismo yar oo loogu gabbado dugaag la rabo in la dilo. ld qalwo (2).

0

qalax

m l

1. Q. ah: dhul dhagax badan oo oomane ah. 2. Nooc ka mid ah dhulmanta waaweyn oo laba qalbac leh.

0

qalayn

m f dh

ld qalays.

0

qalays

m l

Eeg: qalayn

0

qalaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax qudrad, subag iwm muddo yar lagu shiilay ahaansho (hilib).

0

qalaysasho

m f dh

ld qalaysi.

0

qalaysi

m l

Eeg: qalaysasho

0

qalaysnaan

m f dh

ld qalaysnaansho.

0

qalaysnaansho

m l

/dh ld qalaysnaan.

0

qalayso

f mg3 (-stay, -satay)

Hilib muddo yar qudrad, subag iwm. ku shiilasho.

0

qalbac

m l (-cyo, m.dh)

Labada fuq ee isle'eg, xalleefsan, isku aabburan oo miruhu leeyihiin middood.

0

qalbi

m l (quluub, m.dh)

1. Laab; kal. 2. Xasuus.

0

qalbidaciif

m l kh

Q. ah: qof garasho yar.

0

qalbifarnaan

m dh

Eeg: qalbifurnaan

0

qalbifarnaansho

m l

/dh ld qalbifurnaan.

0

qalbifuran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Cid niyad wanaagsan leh ahaansho.

0

qalbifurnaan

m f dh

ld qalbifarnaan, qalbifarnaansho, qalbifurnaansho.

0

qalbifurnaansho

m l

/dh ld qalbifurnaan.

0

qalbifurnow

f mg3 (-naaday, -naatay)

Niyad wanaagsan yeelasho. ld qalbifurrow.

0

qalbifurraan

m dh

Eeg: qalbifurnaan