0

qamiic

m l

Saluugmo yar.

0

qamiicid

m f dh

Eeg: qamiic²

0

qamiicsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Ka q.: qof wax saluugsan ahaansho.

0

qamiicsanaan

m f dh

ld qamiicsanaansho.

0

qamiicsanaansho

m l

/dh ld qamiicsanaan.

0

qamiir

m l

Eeg: khamiir¹

0

qamiiri

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: khamiiri

0

qamiirid

m dh

Eeg: khamiirid

0

qamiirin

m dh

Eeg: khamiirin

0

qamiirsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: khamiirsan

0

qamiirsanaan

m dh

Eeg: khamiirsanaan

0

qamiirsanaansho

m l

/dh ld khamiirsanaan.

0

qamiirsasho

m dh

Eeg: khamiirsasho

0

qamiirsi

m l

Eeg: khamiirsi

0

qamiirso

f g3 (-saday, -satay)

Eeg: khamiirso

0

qamir

m l

Q. ah: badar yar oo ceeriin ah.

0

qamirid

m f dh

Eeg: qamir²

0

qamis

m l

Laab hoggaanka ka mid ah oo ratiga gafuurka loo geliyo si loo hoggaamiyo.

0

qamisan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax qamis gafuurka loo geliyay ahaansho.

0

qamisasho

m f dh

Eeg: qamiso

0

qamisid

m f dh

Eeg: qamis²

0

qamisnaan

m f dh

ld qamisnaansho.

0

qamisnaansho

m l

/dh ld qamisnaan.

0

qamiso

f g3 (-stay, -satay)

Awr qamis gashasho (qof).

0

qammaac

m l

Buuq; yulqan.

0

qammaacid

m f dh

Eeg: qammaac²

0

qammaad

m l

1. Baajinta ama ka wareegidda wax sameyntooda. 2. Miyir doorsoomidda lala miyirdoorsoomo harraad, gaajo iyo daal badan. 3. Leexashada meelhalis ah laga leexdo. 4. ld qammaadid.

0

qammaadi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Ka q.: cid meel xoog kaga celin. 2. Ka q.:wax meel halis ah ka weecin.

0

qammaadid

m f dh

ld qammaad¹ (4).

0

qammaadin

m f dh

Eeg: qammaadi

0

qammaadsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Harraad, gaajo iyo daal awgii wax la miyirdoorsoomay ahaansho.

0

qammaadsanaan

m f dh

ld qammaadsanaansho.

0

qammaadsanaansho

m l

/dh ld qammaadsanaan.

0

qammaamiir

m dh u

Eeg: qammaamuur

0

qammaamuur

m dh u

Ragga intiisa qiimaha iyo qaddarinta ku leh bulshada dhexdeeda. ld qammaamiir.

0

qammi

m l

Eeg: hammi¹

0

qamuunyeeysan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax ciil iyo caro awgeed bushimaha la qaniinaaya ahaansho.

0

qamuunyeysnaan

m f dh

ld qamuunyeeysnaansho.

0

qamuunyeysnaansho

m l

/dh ld qamuunyeysnaan.

0

qamuunyo

m dh

Ciil iyo caro badan oo bushinta hoose lala qaniino.

0

qamuunyoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Ciil iyo caro badan darteed faruuryo la qaniinid.

0

qamuunyood

m f l

Eeg: qamuunyoo

0

qamuuri

f g2 (-iyay, -isay)

Wax dedid.

0

qamuurin

m f dh

ld qamuuris.

0

qamuuris

m l

Eeg: qamuurin

0

qamuursan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax la deday ahaansho.

0

qamuursanaan

m f dh

ld qamuursanaansho.

0

qamuursanaansho

m l

/dh ld qamuursanaan.

0

qan

m l

Jurmi.

0

qanaan

m l

Q. ah: nafley madax-adag oo aan la hoggaamin karin.

0

qanaani

f mg2 (-iyay, -isay)

Dabo kor u taagid (xoolo).

0

qanaanin

m f dh

Eeg: qanaani

0

qanaat

m l (-tyo, m.dh)

(juqr.) Sida Iiraan looga yaqaan, waa marin biyood dhulka ka hooseeya oo biyaha waraabka ka soo qaada buuraha roobku ku badanyahay geeyana dhulalka qallalan ee ka hooseeya. Marinka qanaatka waxaa laga arki karaa hawada, maxaa yeelay waxaa jira daloollo wareegsan oo in isu jir-jira oo u eg karaytarro yar-yar. Qanaatka waxay isleeyihiin foggaaraha woqooyiga Afrika.

0

qanabee

f mg2 (-beeyay, -beysay)

Awr qooqan isaga oo madaxa laalaadinaya, daamankana isla dhacaya ordid. ld gamlee.

0

qanabeyn

m f dh

Eeg: qanabee

0

qanabo

m dh

Orodka awr qooqani sameeyo isaga oo madaxa laallaadinaya daamankana isla dhacaya.

0

qanac

m l

1. Raalliggelin, maqsuudin. 2. Kadhaadhicin, aaminaad. 3. Q. badan: qof wax yar ku qanca.

0

qanacsan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Cid, wax raali ku ah ahaansho. 2. Cid, wax ka quusatay ahaan.

0

qanacsanaan

m f dh

ld qanacsanaansho.

0

qanacsanaansho

m l

/dh ld qanacsanaan.

0

qanax

m l (-xyo, m.dh)

Q. ah: qalab bir, qori iwm ka sameysan oo duugoobay ama khalkhalay.

0

qanci

f g2 (-iyay, -isay)

Cid raalli ka dhigid.

0

qancid

m f dh

Eeg: qanac²

0

qancin

m f dh

ld qancis.

0

qancis

m l

Eeg: qancin

0

qandac

m l kh

Q. ah: wax kuleylkoodu yar yahay.

0

qandacsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax qandacay ahaansho.

0

qandacsanaan

m f dh

ld qandacsanaansho.

0

qandacsanaansho

m l

/dh ld qandacsanaan.

0

qandacsasho

m f dh

ld qandacsi.

0

qandacsi

m l

Eeg: qandacsasho

0

qandacso

f g3 (-saday, -satay)

Wax in yar kululeysasho.

0

qandal

m l (-llo, m.dh)

1. Geed dhirta dhaadheer ka mid ah oo bixiya laamo toostoosan oo lagu dhisto guryaha, lehna asal hargaha lagu magdiyo. 2. Qabal maqaar ka samaysan oo gaboobay.

0

qandaraas

m l (-syo, m.dh)

Heshiis hawleed laba dhinac dhex mara.

0

qandhada-deng

m dh (daaw.)

Cudur la isqaadsiyo oo fiirus keeno waxaana qaada jeermiga kaneecada la yiraadhdo “aedes aegypty”. Astaamo: xubno xanuun, qandho, madax xanuun, muruqyo xanuun, ilmayn, cuno xanuun, finan cuncun leh oo oogada ka soo baxa. Astaamahaasu waxay jiraan muddo ayaamo ah.

0

qandhaggalti

m l

Xanuun xummad leh oo ku dhaca qof yimaada meel uusan hore u joogi jirin.

0

qandhar

m l kh

Q. ah: qof madax adayg oo waxa uu damco aan laga qancin karin.

0

qandhasho

m f dh

ld qandhood.

0

qandhee

f g2 (-dheeyay, -dheysay)

Qandho kicin. ld qandhi.

0

qandheyn

m f dh

ld qandhin.

0

qandheysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Nafley ay qandho hayso ahaansho.

0

qandheysnaan

m f dh

ld qandheysnaansho.

0

qandheysnaansho

m l

/dh ld qandheysnaan.

0

qandhi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: qandhee

0

qandhicil

m l u

Ugxaanta yaryar oo cadcad oo ay injirtu dhasho.

0

qandhin

m dh

Eeg: qandheyn

0

qandhiso

m dh u

Booddo.

0

qandho

m dh

1. Xummad. 2. Jirro. 3. Duumo.

0

qandho-baaratifo

m dh (daaw.)

Cudur la isqaadsiiyo oo uu keeno baktiiriyada salmonella baaratiifay: (A, B, iyo C).

0

qandho-tifow

m dh (daaw.)

Cudur la isqaadsiyo oo ku dhaca xubnaha qaybta dheefshiidka, waxaana keena baktiiriyada “salmonella typhi”. Astaamo: itaaldarro, qandho badan, finan ka soo baxa laabta iyo jirka ka hooseeya, qarqaryo, dhidid iyo halaamacood lafaha iyo beeryarada (xaaladaha daran) dhiigbax ka yimid xiidmaha oo dalooshama, iskudaran. Waxaa laga qaadaa cunno ama biyo uu gaaray saxaro qof qaba cudurka ama qof sida jeermigiisa oo aan bukin (carriers).

0

qandhoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Eeg: qandho²

0

qandhood

m l

ld qandhasho.

0

qandhuufad

m l

Eeg: qandhuufasho

0

qandhuufasho

m f dh

ld qandhuufad, qanjaruufad, qanjaruufasho.

0

qandhuufo

m dh

Far iyo suul ciddiyahooda oo xoog meel qof jirkiisa ka mid ah loogu qabto si loo xanuujiyo. ld qanjaruufo¹.

0

qandhuur

m dh (-ro, m.l)

Siil.

0

qandi

m l (-iyo/qandi, m.dh)

Kolay yar oo wax lagu gurto.

0

qandici

f g2 (-iyay, -isay)

Wax in yar kululayn.

0

qandicid

m f dh

Eeg: qandac²

0

qandicin

m f dh

ld qandicis.