Words starting with 'Q'
2,311 Somali words beginning with 'Q' — page 23 of 24.
qurunsanaansho
/dh ld qurunsanaan.
qurunso
1. Dugaagga qaar ka mid ah hilib qurun ka dhigasho. 2. Wax qarsasho.
qururumsasho
qurjujubsasho.
qururumsi
qurjujubsad.
quruun
Dadyow isku qarni noolaa.
quruurux
Dhagax yaryar.
quruurux-bataax
Dhadhaab- lakabeed habe ah oo ka kooban xabiib bataax ah oo ay isu hayaan waxyaalo ay ka mid yihiin nuurad (calcium carbonate) ama suubaan (silca).
quruuruxi
1. Si isdabajoog ah u hadlid. 2. Quruurux wax ku xisaabid.
quruuruxin
ld quruuruxis.
qurux
Muuqaal ishu u bogto; bilic.
qurux-u-bogid
1. Waxay la xiriirtaa qiimeyn qurux iyo fan qurux u bogid. 2. (fals.) Qeyb ka mid ah barashada falasafada ee ku saabsan quruxda.
quruxsami
1. Bilicda ay wax leeyihiin. 2. ld quruxsanaan.
quruxsan
Wax qurux leh ahaansho. ld qurxan, qurxoon.
quruxsanaan
ld quruxsami (2),quruxsanaansho; qurxanaan, qurxanaa
quruxsanaansho
/dh ld quruxsanaan.
quruxso
Wax qurux u yeelasho.
qurwaa
Nafley naf bixid.
qurxanaansho
/dh ld quruxsanaan.
qurxi
Wax qurux u yeelid.
qurxoonaansho
/dh ld quruxsanaan.
qurxub
Xididdo iyo qanjirro yaryar oo candhada ku yaal oo caanaha dhala; kurxin.
quse
Caleen la shiidey oo maydka lagu dhaqo.
qush
1. Dacar; qaras. 2. Uurxumo iyo ciilqab cid ku jirta.
qushaash
Cid qashqashid.
qushaysan
Wax wasakh u yeelid.
qushaysnaan
ld qushaysnaansho.
qushaysnaansho
/dh ld qushaysnaan.
qushee
Wax wasakh u yeelid.
qushqush
Cunto kala jaadjaad ah calool xanuun ka qaadid.
qushuucsanaansho
/dh ld khushuucsanaan.
qusley
Nooc ka mid ah sagaarada oo ku nool dhulalka buuraleyda ah.
qusur
Q. ah: ceel, war, durdur iwm oo hoos u dheer; mool.
qusuusi
Lataliyayaal. ld khuususi.
qutool
Koor hal carrab leh. ld qudkool.
quud
1. Cunto; cunno ; dheef. 2. Nooc geed; shillin; kulan; kedi.
quudasho
ld quudad.
quuddarree
Wax helitaankooda rajo ka qabid.
quuddarro
Rajo; yididdiilo.
quudi
Nafley cunto siin.
quudin
ld quudis.
quudo
Nafley cunto cunid.
quudowsasho
ld quudowsi.
quudowso
Wax iimaansasho.
quudsasho
ld quudsi.
quudso
Nafley cunto siisasho.
quulle
Miraha geedka jeerinka, lacagaalaha, dheerdheerada, jiiqjiiqlaha iwm.
quun-saneed
(c.nafl.) Qanjirro linfo sooheed ah qaybta sare ee dhuunta oo marka ay bukoodaan sanka xira.
quuqle
Qof qayla badan oo hadal aan macne lahayn ku hadla.
quuqlee
Hadal aan macne lahayn ku hadlid.
quur
Wax bixintooda hurid.
quurid
ld quuris.
quuriwaa
/mg1 (-aayay, -aayday; -aayi) 1. (f.g) Wax bixintooda niyadda ka soo goyn waayid. 2. (f.mg) U q.: Xaasidnimo awgeed qof wax fiican oo ay haysato la nacbeysasho.
quursasho
ld quursad; quursi.
quurso
1. Qof xaqirid; yasid. 2. Wax saluugid.
quuruwalle
Xasharaad calaamberiga u eg oo midab cascas leh oo waxyaabaha macmacaan soo raaca.
quus
Ka rajo dhigidda laga rajo dhigo wax la sugayey ama la waayey.
quusasho
ld quusad.
quuse
Qof biyaha inta quusa muddo badan ku jiri kara.
quusi
1. Nafley biyo hoos u gelin. 2. Cid rajo la'aan dhigid.
quusid
ld quus¹.
quuso
Wax ka samrid.
quwaax
Laan, xidid ama jirrid jilicsan oo leh dhacaan macaan oo la mashiiqsan karo.
quwaaxso
1. Quwaax raadsasho. 2. Dhacaan quwaax mashiiqsasho.
quwee
Wax quwad u yeelid.

