qallibid
ld qallib¹.
qallibnaan
ld qallibnaansho.
qallibnaansho
/dh ld qallibnaan.
qalliin
Wax qalid.
qallixid
qaldhocod.
qallooc
1. Qaab dhan u janjeera oo aan toosnayn. 2. Q.ah: hadal aan munaasab ahayn.
qalloocan
1. Wax qaab toosnayn oo dhan u janjeera leh ahaansho. 2. Hadal wax aan munaasab ahayn ahaansho. 3. Qof aan dabeecad wanaagsan lahayn ahaansho. ld qalloocsan.
qalloocasho
ld qalloocid.
qallooci
Wax qaabkiisa dhan u janjeerin.
qalloocid
ld qalloocasho.
qalloocnaan
ld qalloocnaansho, qalloocsanaan, qalloocsanaansho.
qallooco
1. Wax dhan u janjeersasho. 2. Ka q.: hadal si aan habbooneyn u dhihid. 3. ld qallooc².
qalloocsanaansho
/dh ld qalloocnaan.
qalloocsasho
ld qalloocsi.
qalloocso
Wax dhan u soo janjeersasho.
qalluud
Si miskiinnimo ah oo la isu muujiyo (qof). ld galluub¹.
qalluudid
ld galluubid.
qalluudsan
Wax miskiin iska dhigaya ahaansho (qof). ld galluuban.
qalluudsanaan
ld galluubnaan, galluubnaansho, qalluudsanaansho.
qalluudsanaansho
/dh ld qalluudsanaan.
qalluul
Qarsashada cid wax ay qaybinaysay wax ka qarsato.
qalnaan
ld qalnaansho.
qalnaansho
/dh ld qalnaan.
qalniin
1. Jeexdin lagu sameeyo meel jirka nafleyda ka mid ah si loo daweeyo. 2. ld qalid.
qalo
Hal neef oo baadi ah.
qaloo
Nafley qalo dareemid.
qaloombi
Dhawaaq xoog leh oo aan kala joogsi lahayn. ld qaloombiyid.
qaloombiyid
ld qaloombi¹, qaloombin.
qaloon
1. Maseggo, galley, digir iwm oo la dubay. 2. Meesha qalloocan oo salka hunguriga nafleyda. 3. Jirro ku dhacda qoorta oo bararisa.
qaloondub
Dube.
qaloonfirdhis
Hab loo ducaysto oo salool afarta jaho loo firdhiyo.
qalow
Dhul korkiisa dhagax ku simanyahay.
qalowle
1. Geel aan irmaan ahayn. 2. Cunto aan idaan lahayn.
qalowlee
1. Neef irmaanaa caanihii ka dhammaasho; gurid (geel) 2. Hilib qalowle ka dhigid.
qalqaali
Hawl qabashadeeda isku taxluujin ama qabanqaabin.
qalqaalin
ld qalqaalis, qalqaalo (1).
qalqaalli
Q. ah: wiil rabsho badan.
qalqaalo
1. ld qalqaalin. Isku dubbarididda hawl arrin iwm qabashadooda. 2. Hanti aan badnayn oo qof la siiyo.
qalqale
1. Summad geela lagu dhigo oo u eg qaanso aad loo tooxay oo dheegga lagu dhigo. 2. Kolay harag ka samaysan oo fardooleyda, xoolo jirta iwm wax ku ritaan.
qalqalli
Dhoobo qallashay oo adag.
qalqalsanaansho
/dh ld khalkhalsanaan.
qalwi
1. Hilib iwm holac ku dubid. 2. Weel iwm holac ku diirin. 3. Fuud, dawo iwm nafley afka uga shubid. ld halwi.
qalwin
ld halwin.
qalwis
Q. ah: hilib iwm oo holac lagu dubay.
qalwo
1. God ciriiri ah oo buuraha iyo qararka dhexdooda ku samaysma. 2. ld qalawo. Edeg yar. 3. Dhismo yaroo wax lagu dabo. 4. ld khilaawo.
qalyaro
Qalka hoose ee afka nafleyda oo ka yaraada sidii caadiga ahayd.
qalyayax
1. Q. ah: qof dheer caato ah oo lafo waaweyn. 2. Lafo is haysta oo aan hilib lahayn.
qalyayaxsan
1. Wax lafo waawayn oo caato ah ahaansho (qof). 2. Lafo is haysta oo hiliibkii ka dhammaaday ahaansho.
qalyayaxsanaan
ld qalyayaxsanaansho.
qalyayaxsanaansho
/dh ld qalyayaxsanaan.
qamaamud
Isqarinta qof maro, maqaar iwm isku qariyo.
qamaamudan
Wax is qamaamuday ahaansho (qof).
qamaamudnaan
ld qamaamudnaansho.
qamaamudnaansho
/dh ld qamaamudnaan.
qamaan
Ku soo yaacidda meel wax yaalliin ama wax ka dhaceen lagu soo yaaco.
qamadi
/dh Badar bariiska u eg lana eg laakiin ka midab duwan oo la cuno.
qamandhaceysan
Wax qamandhaco hayso ahaansho.
qamandhaceysnaan
ld qamandhaceysnaansho.
qamandhaceysnaansho
/dh ld qamandhaceysnaan.
qamandhaco
Qarqaryo jariirico wadata oo ku dhalata oogada marka ay dhaxan badan dareento.
qamandhacoo
Qamandhaco dareemid.
qamanyuus
Xiridda hal godol diiddey ama ilmaha diidday xarig sanka looga xiro oo neefta lagu celiyo si ay u godlato ama ilmaha u oggolaato.
qamarshiid
Badar aan la xasharin oo la shiiday.
qamarshiidan
Badar wax buunshaha lagu shiidey ahaansho.
qamarshiidnaan
ld qamarshiidnaansho.
qamarshiidnaansho
/dh ld qamarshiidnaan.
qambarac
1. Ceeb weyn oo ka timaada fal xun ee uu qof sameeyey. 2. Jac.
qambaruur
1. Tiiraanyo ka muuqata qof ooyaaya. 2. ld qambaruursasho.
qambaruursan
Qof ooyaaya wax wejigiisa tiiraanyo ka muuqata ahaansho.
qambaruursanaan
ld qambaruursanaansho.
qambaruursanaansho
/dh ld qambaruursanaan.
qambaruurso
Qof tiiraanyeysan hoos u ooyid.
qamboob
Geed yar oo dhulka ku faalala bixiya miro kulkulucsan oo gas leh oo inta la dubo la cuno. ld qalfoon (2).

