qaaley
Qof aan dhergin.
qaali
1. Q. ah: wax qiimihiisu badanyahay. 2. ld qaal (3). ld qaal.
qaalib
Sida qaalibka ah: sida loo badan yahay.
qaaligaree
Wax qaali ka dhigid.
qaaligarow
Wax qaali ah noqosho.
qaalin
Neef geel oo lab ah oo aan da'dii rarashada weli gaarin.
qaaliyee
Wax qaali ka dhigid. ld qaalee.
qaaliyeyn
ld qaaleyn.
qaaliyoobid
ld qaaloobid.
qaaliyow
Wax qaali noqosho. ld qaalow.
qaalli
Garsoore diinta Islaamka wax ku xukuma. ld qaaddi.
qaalmaqooqshe
Caws jilicsan oo dhirta hoosteeda ka baxa oo geelu aad u jecelyahay.
qaalmarrogad
Rogmasho uu qof hawada dhexdeeda ku sameeyo mar ama laba. ld qaalmarrogasho.
qaalmarrogasho
ld qaalaamarrogad, qaalaamarrogasho, qaalmarrogad.
qaalmarrogo
Qaalmarrogad samayn. ld qaalaamarrogo.
qaalmooti
Neef irmaan oo caano yareeyey ahaansho.
qaalmootin
ld qaalmootis.
qaamee
Cid qaan gelin.
qaameysan
Qof qaan galay ahaansho.
qaameysnaan
ld qaameysnaansho.
qaameysnaansho
/dh ld qaameysnaan.
qaamow
Qof qaan galay noqosho.
qaamowqanshiir
Cudur ku dhaca
qaamuus
Buug lagu ururiyey ereyo badan oo af leeyahay oo isugu xiga sida alifka u kala horreeyo, eray walbana ay ku hor qoranyihiin macnihiisa, qaabkiisa iwm.
qaan
1. Nooc kalluunka ka mid ah. 2. Geela intiisa da'da yar oo aan weli curan ama raridda gaarin. 3. (-aaman, m.l) Meesha dhuuban ee daanka.
qaanbax
Deyn cid lagu lahaa bixin. ld qaambax.
qaandhaw
1. ld qaandhebid, qandhow 1. Bixinta qaan laysku lahaa layska baxsho. 2. Kabarray.
qaandhebid
ld qaandhaw¹, qandhow.
qaandhow
qaandhebid.
qaangaar
Qof gaaray da'dii shan iyo tobnaad.
qaangal
Dhigashada waajibka oo qaacelin ah. ld qaangelid.
qaanqaami
Arrin la qaban doono waxyaalaha ay u baahantahay oo ku fuli doonto isku duwid.
qaanqaanni
In yar oo malab-sureed ah. ld qaqaan.
qaansada
lagu xiro si ay u yeelato qaabka la rabo.
qaansaley
Colka intiisa qaansada ku dagaalanta. ld qaansoley.
qaansaqumiye
Qalab
qaansarroobaad
Midabyo dhowr ah oo si iskorsaar ah u samaysama daruurta marka uu roob da'ayo; caashacarrabdheer; keynroobaad; jeegaan.
qaansheeg
(dhaq.) Qoraal cid lagu weyddiinayo badeeco ay hore u qaadatay qiimahooda in ay bixiso.
qaansheegte
Qof qaansheeg soo qortay.
qaanso
1. Qalab ka samaysan ul iyo wax la mid ah, oo lagu nadoocshay xarig labada af lagaga xiray, oo leebka iyo gammuunka laga gano. 2. Summad loo adeegsado ah hadalka ama codadka intooda kale, sababa kala duwan awgooda: qaansooyin deriley: {}; qaansooyin geesaley: []; qaansooyin bileed: ().
qaansoole
Nooc geedgaabka ka mid ah oo baxsha laamo kor u baxa oo soo qalloocda, qaabka qaansada yeesha, kana baxa cadduunka.
qaanuun
1. Sharciyo iyo nidaamyo isku duuban oo qolo gaar ah ku dhaqanta. 2. Dhaqan. ld qaynuun, qeynuun.
qaaq
Erey tilmaama qaylo ama ci.
qaaqami
Wax dab u dhawayn si loogu diiriyo ama engejiyo.
qaaqamin
ld qaaqamis.
qaaqan
Fariisasho dab agtiisa si loogu diirsado.
qaaqle
1. Qof qaylo iyo dhib badan. 2. Qof aan waxba haysan. 3. Nin xishood yar.
qaaqlee
Hadal aan macno lahayn sheegid.
qaar
1. Qayb wax ka mid ah; in, wax, qayb. 2. Jirka nafleyda labadiisa
qaaraami
1. Heesihii hore oo caashaqa ku saabsanaa. 2. Q. ah: qof heesihii hore ee caashaqa tirin jirey. ld qaraami.
qaaraan
Xoolo dad badan laga uruursho oo qof u baahan la siiyo ama arrin dadweynaha u dan ah lagu fuliyo ama si kale oo samafal ah loo bixiyo.qab¹
qaarad
Shanta qaybood ee waaweyn oo dhulku u qaybsan yahay middood.
qaarbuuxo
Weynaanta qaarka sare qof u weynyahay. ld qaarbuuco.
qaardheere
Dhicis xoolaad oo nool.
qaaree
Nafley ul weyn ku garaacid.
qaarid
ld qaaris.
qaarjeex
Cudur sambabada caaliriya oo leh xummad iyo qunfac daran; oofwareen.
qaarood
Deyd.
qaarqaad
Dhinaca oo dhulka la dhigi waayo xanuun awgi; xaraarug.
qaarqaaqan
Q. ah: geed aan hoos badan lahayn.
qaarri
Mindi, masaar, toorray iwm oo afbeeshay soofayn.
qaarrin
ld qaarris.
qaarsan
Wax qaaray ahaansho.
qaarsanaan
ld qaarsanaansho.
qaarsanaansho
/dh ld qaarsanaan.
qaarxabaal
1. (bot.) Geed sida qaraha u faalala oo kor ku yeesha miro waaweyn kuwa bocorta la eg, hoosna ku leh buruq weyn oo inta la jarjaro xoolaha lagu oon baxsho. qaarka 2. (daaw.) Xabaalidda qof lafo xanuun qaba dambe carro kulul loogu duugo si loogu daweeyo.
qaash
1. (-shash, m.l) Jaadadka warmaha dhaadheer nooc ka mid ah. 2. Finan yaryar oo wajiga dadka ka soo yaaca waqtiga kuleelaha. 3. ld haash.
qaashaaran
Wax hawl isu diyaarshay ahaansho.
qaashaaro
Hawl isu diyaarin.
qaate
(kiim.) Atamka ama kooxda atamada ah ee lammaane elektaroonno ah la siiyo marka dabarka elektaroon-deeqe ahi sameysmayo.
qaatil
Qof dilaa ah.
qaatime
Orod gaar ah oo ay farduhu sameeyaan marka ay durdurinayaan.

