Words starting with 'Q'
2,311 Somali words beginning with 'Q' — page 20 of 24.
qotintabane
(kiim.) Qotin leh kayd danab taban, soona jiita ayoonnada togan, marka danab-soociddu dhacayso, waana bixiye elektaroon.
qotintogane
(kiim.) Qotin leh keyd danab togan, soona jiita ayoonnada taban, marka danab-soociddu dhacayso.
qoto-ekeeye
(juqr.) Xarriiq ku yaal khariidad, oo isku xira baraha badda hoosteeda ah oo guntoodu isku dherer tahay.
qotome
(xis.) Waxyaabo ay isku qotomaan, tusale ahaan: laba xood waa ay isku qotomaan haddii taabteyaashoodu halka barta isgoyska ay yihiin qotome.
qotomi
Weel, qori iwm salka dhulka u dhigid.
qotomid
ld qoton¹ (2).
qoton
1. Joog; dherer, taagnaan. 2. ld qotomid.
qotonsan
Wax meel la qotonshay ahaansho (weel, qori, iwm).
qotonsanaan
ld qotonsanaansho.
qotonsanaansho
/dh ld qotonsanaan.
qotonsasho
ld qotonsad, qotonsi.
qotonso
/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Weel, qori iwm meel si joog ah u joojin. 2. (f.mg) Meel fadhiisasho ama istaagid (qof).
qow-weyn
Bohol weyn oo hoos u qodan oo leh dhinacyo dhadhaabeed oo tiiro toosan leh. Waxaa badanaa sameeya tog mara dhul oomane ah o gooya dhadhaabaha jilicsan.
qowjad
Q. ah: nin aad u qiimo badan.
qowlannimo
Qowle¹ ahaansho.
qowle
qof qowl leh oo oofiya balanka uu qaado. ld qawle².
qowleyso
Si qowlaystenimo ah u noolaansho.
qowsaar
1. Nin dadka u raaca xoolaha ama u dhaqa oo markuu in muddo ah joogaba xoolaha wax laga siiyo. 2. Nin had iyo jeer xoolo gaar ah aan ka harin. 3. Nin xoog badan.
qox
Nooc dhirta la isku daaweeyo ka mid ah oo qararka ka baxa.
qoy
Wax qoyaan gaarsiin.
qoyaami
Wax qoyaan gaarsiin.
qoyaan
Raadka uu ku reebo hoore siiba biyo ama caano iwm shey uu saameeyey.
qoyan
Wax qoyaan gaaray ahaansho.
qoyanaan
ld qoyanaansho.
qoyanaansho
/dh ld qoyanaan.
qoyn
qufraan
qoys
1. Laba isu dhexda iyo carruurtooda; xaas. 2.Qolo; reer.
qub
Diir; dub; qolof.
qubad
Badar aan la abuurin ee iskii iasaga baxa.
quban
Wax la qubay ahaansho.
qubasho
ld qubad².
qubbad
1. (-do, m.l) Dhismo kubbad nuskeeda sare u eg oo laga dul dhiso masaajiddada, kaniisadaha, qabuuraha iyo guryaha qaarkood. 2. Badda inteda xeebta ka fog. ld qubbo.
qubbad-shiileed
(jool.) Gobol dhadhaabo shiileed ah oo ka samaysma magma dhulka kor u soo gashay oo badanaa ka kooban dhadhaabta garanaytka.
qubee
U q.: cid biyo ugu mayrid. ld qabee.
qubeyn
ld qabeyn, qabeys, qubeys.
qubeysasho
ld qabeysasho.
qubeyso
Biyo ku mayrasho. ld qabeyso.
quble
1. ld qoble. Roob muddo dheer da'a oo aan biyo badan lahayn. 2. Neef lab oo la dhufaanay; mallooli. 3. Neef aad u caato ah.
qubleey
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo Xeebta iyo Jubbada Hoose; waxaa laga sameeyaa dheecaan geed; maanyo, manyiikay; libin.
qubnaan
ld qubnaansho.
qubnaansho
/dh ld qubnaan.
qubo
Wax daadasho.
qubsii
Ka q.: hoore hal mar si aayar ah u kabbasho.
qubul
Q. ah: neef geel ah oo shilis.
quburi
Q. ah: qof ahmiyad gaar ah siiya ku cibaadeysiga qubuuraha.
qubuul
Oggolaansho.
qubuur
ld qabuuro.
qubuurro
ld qabuuro.
qudde
1. Qori dabo dheer oo la qabsado leh oo biyaha la darsado. 2. ld qunde (2). Fandhaal weyn oo qori ka samaysan; qarsin; dhure.
quddee
Qudde ku la shub.
qudduuc
Qof waxbixinta ku iimaan xun.
qudduucnimo
Qudduuc ahaansho.
qudrad
1. Awood; tamar. 2. ld khudrad.
qudunquuto
Shimbir qooleyda xoogaa ka weyn, leh midabbo kala duwan, gafuur dheer oo soo yara godan oo guduudan. ld qudunquute, quudquuto, quutaquute, quutaquuto.
qudur
Q. ah: nin aad bakhayl u ah.
qudurad
Haweeney aad bakhayl u ah.
quduro
Yaab; amakaag.
quf
Wax meel ka buuxaan in in uga soo saarid.
qufac
1. Cid qufac ka imaansho. 2. Nafley qaaxo qaadid.
qufad
Weel aabbur leh oo cawda laga sameeyo oo alaabada yaryar lagu gurto; gunnad.
qufan
Wax meel ay ku guda jireen laga soo qufay ahaansho.
qufe
Geedgaab leh laamo dhudhuuban iyo caleemo yaryar oo ka mid ah dhirta dawada.
qufici
Ka q.: cid qufac ka keenid.
qufnaan
ld qufnaansho.
qufnaansho
/dh ld qufnaan.
qufo
Wax meel ay ka buuxeen koox koox uga soo saarasho.
qufraan
Dembi dhaaf Ilaah bixiyo.
qufulnaansho
/dh ld qafilnaan.
qujayn
ld qujays.
qujee
1. Cid wax ku mudmudid si looga xanaajiyo. 2. Meel duleesha wax ku gufayn. 3. Cid hadal ay kahsanayso ku dhihid.

