Words starting with 'Q'
2,311 Somali words beginning with 'Q' — page 11 of 24.
qardow
Murmurux ama jiirago' salka iyo cajirrada ka gaara qof aan fardafuul ahayn ama ka raagay, in mudda ah markuu gammaan ama rakuub fuushanaado.
qare
1. Geed dhulka ku faalala oo leh caleen balballaaran iyo miro waaweyn oo kankoonsan oo dhacaan macaan oo lagu oon baxo leh. 2. Miraha geedka qaraha.
qareduur
Qare aan la cunin oo duur ka baxa. ld qaredameer.
qaree
1. Qar u yeelid (weel). 2. ld qiree.
qareen
1. Dad dhalashadoodu isu dhowdahay; xigto. 2. Qof gar yaqaan ah oo dadka u dooda.
qareennimo
1. Qareen ahaansho. 2. Qaraabo, sokeeye.
qareenso
Cid xigto ka dhigasho.
qarfacad
Kabo qori ka samaysan oo guriga lagu dhex joogo.
qarfad
Q. ah: oogada nafleyda haraggeeda meel hawl ama cudur aawadii la adkaata oo jilif ama lakabyo fuulaan. ld carfad.
qari
Wax meel aan laga arki karin gelin.
qariib
Q. ah: qof meel uu dadkeeda aqoon jooga.
qariibi
Qof qariib ah dhoweyn.
qariibid
1. Cunidda badar, sonkor iwm iyadoo aan la karin la cuno. 2. Q. ah: xoogaa badar, sonkor iwm ah oo aan la karin.
qariibin
ld qariibis.
qariid
Badar ama wax u eg oo ceeriinka lagu cuno.
qariin
Geed saar buruq weyn oo biya badan salka ku leh oo dadku marka uu oomo cuno kana baxa dhulka hawdka ah.
qariir
In yar oo badar ah oo qeedhiinka lagu cuno.
qariisad
(baay.) U jajabnaan dabiici ah oo loogu dhaqmo si gaar ah, taas oo aan koritaankeeda, uga baahnayn barasho waayo aragnimo gaar ah leh. Sidaa darteed waa aqoon dhalasho oo dabeeci ah. ld inistinkt.qarqaryeysnaansho
qarin
ld qaris.
qarjaamaysasho
ld qarjaamaysad, qarjaamaysi.
qarjaamayso
Xoolo meel xaaluf ah jooga, dhul xaabid.
qarmuunaansho
/dh ld qurmuunaan.
qarmuusi
Dharka xariirta ah nooc ka mid ah oo lagu sameeyo gobolka Qarmuusi ee u dhexeeya Iraq iyo Iiraan.
qarni
Boqol sano.
qarnugeyl
Nafley dheddig oo abaahida ama galmada horeba ku rinta; tiblabood. ld qarnugul.
qaroobbe
1. Fur ubbo oo qori ah oo dalool yar dhexda ku leh. 2. Gafuurka shimbiraha.
qaroof
Wax toosan qalloocin.
qaroofali
Maro midab leh oo dalka Hindiya laga keeni jirey oo ay dumarku marsiino ka dhigan jireen.
qaroofan
Wax soo qalloocsan noqosho.
qaroofnaan
ld qaroofnaansho.
qaroofnaansho
/dh ld qaroofnaan.
qaroomaale
Caws adag oo rarada laga sameeyo.
qaroomato
Dhacarato. ld qaroomaysato.
qaroomaysasho
ld qaroomaysad, qaroomaysi.
qaroomayso
Meel dhacar leh ku noolaansho.
qaroon
Geed quwaax aan qodax lahayn, leh asal wanaagsan, xabag la calashado iyo qolof shaah laga dhigto.
qaroor
Ul dhumuc leh, weyn oo lagu dagaallamo.
qarqar
Inta u dhexeysa garabka korkiisa iyo luqunta; deg.
qarqaree
Dhul buuraley ah qardajeexid.
qarqari
Ka q.: cid cabsi gelin. ld qarqarsii.
qarqariye
1. Dhaxan weyn oo lala gariiro; diilalyo. 2. (-yayaal, m.l./dh) Mid kasta oo ka mid ah qoorta labadeeda muruq. ld qarqariyo.
qarqarrooti
1. Q. ah: socod dheeldheelli ah oo la iska yeelyeelo. 2. ld qarqarrootiyid.
qarqarrootiyid
ld qarqarrooti¹ (2).
qarqarsi
Qaab loo xiro awrka iyadoo jeenigiisa iyo luquntiisa la iskula xiraayo xarig si uusan u kicin inta la raraayo. ld qarqarsiinyo.
qarqarsii
; qarqarsi².
qarqarsiin
; qarqarsiyid.
qarqarsiinyo
qarqarsiyid.
qarqarsinaan
ld qarqarsinaansho.
qarqarsinaansho
/dh ld qarqarsinaan.
qarqarsiyan
1. Awr la qarqarsiyey ahaansho. 2. Cid wax lagu khasbay ahaansho.
qarqarsiyid
ld qarqarsiin, qarqarsiinyo.
qarqaryeysan
Nafley qarqaryo hayso ahaansho.
qarqaryeysnaan
ld qarqaryeysnaansho.
qarqaryeysnaansho
/dh ld qarqaryeysnaan.
qarqaryo
Gariirid ay dhaxan ama jirro keento.
qarqaryoo
Qarqaryo dareemid.
qarqid
ld qaraq¹ (2), qaraqmid.
qarqoor
Ka baneynta hareera wax la doonayo in la jaro ama la qodo. ld qarqoorid, qooqaar¹.
qarqoorid
ld qarqoor¹, qooqaar¹, qooqaarid.
qarqoosh
Xaqdarro ah, gardaran. Tus. “Xukun q. ah”.
qarraac
Q. ah: nafley cabtey biyo aan bi'in karin oonkii hayey.
qarraacan
Qarraac ahaansho (xoolo).
qarraacnaan
ld qarraacnaansho.
qarraacnaansho
/dh ld qarraacnaan.
qarraaf
1. Macsi raadinta ay ragga iyo haweenku sameeyaan. 2. Warwareeg aan dan gaar ah lahayn. 3. ld qarraafid.
qarraafid
ld qarraaf¹ (3).
qarraafis
Budaynta xashirka bunka oo kal iyo mooye lagu budeeyo.
qarracan
Dareen xanuun leh oo dadka ku dhasha marka uu wax naxdin ama ciil keena ku yimaadaan.
qarradh
(juqr.) Kala jab ku dhaca oogada dhulka kaas oo uu la socdo dhaqaaq, islamarkaas lakabyada dhadhaabada qarradhka labadiisa dhinac ah iskuma sargo'na. Inkasta oo uu dhaqaaqu badanaa yahay mid atoma, haddana waxaa dhici karta qarradhku inuu jiho kasta aato oo ay ku jirto tan jiifku.
qarrar
; tarrarid.

