0

qul

m l

1. Amuur. 2. Maqaar weyn qaab jawaan u tolan oo badar lagu shubto.

0

qulaami

f g2 (-iyay, -isay)

1. Ku q.: qof jirran jeenan siin. 2. ku q.: nafley wax ay cabto si khasab ah afka ugu shubid.

0

qulaamin

m f dh

ld qulaamis.

0

qulaamis

m l

Eeg: qulaamin

0

qulaan

m l (-aammo/-nno, m.dh)

1. Weel naas ama ib leh oo dadka aan wax cabbi karin wax lagu cabsiiyo. 2. Warqadaha turubka mid ka mid ah oo wiil ku sawiranyahay oo u dhexeeya raanida iyo tobonlaha.

0

qulaanqulshe

m l (c.nafl.)

Qaybta hore ee hunguri cadka afar addinleyda lafdhabarta leh, halkaasi oo berribiyoodka, xammaaratada, iyo naasleydu ay ku leeyihiin anduuqyada codka. ld qulaanqulye.

0

qulaanqulye

m l

Muruq iyo carjaw isku dhafan oo hunguri cadka korkiisa ku yaal. ld qulaanqulshe.

0

qulban

f mg4 (-naa, -nayd)

Turub wax la qulbay ahaansho.

0

qulbanaan

m f dh

Eeg: qulban

0

qulbi

f g2 (iyay, -isay)

Ciil iyo murugo cid ku beerid. ld qulubsii.

0

qulbid

m f dh

Eeg: qulub²

0

qulbin

m f dh

ld qulubsiin.

0

qullatayn

m l (-nno, m.l)

1. Dar ama berkad dusha ka feedan oo masaajiddada loo dhiso oo lagu weysaysto. 2. Qiyaas biyo ah oo si sahlan aan u nijaasoobin.

0

qulqul

m l

Shubmid ama socod aan kala go' lahayn ee uu hooruhu sameeyo. ld qulqulid.

0

qulqul-badweyn

m l (juqr.)

Dhaqaaqa biyaha dusha ee badweynta.

0

qulqul-qumman

q q

) m.l (fiis.) (q.q.) Qulqul danab oo u socdo jiho kaliya marka uu dhexmaraayo mareeg danab.

0

qulqul-talantaaliya

q t

) m.l (fiis.) (q.t.) Qulqul danab oo dhex maraya mareeg danab, si joogta ahna u beddelaya jihada marar badan halkii seken.

0

qulqulad

m dh

Rabsho nabadda iyo xasilloonida wax u dhinta.

0

qulquladayn

m f dh

Eeg: qulquladee

0

qulquladee

f g2 (-deeyay, -daysay)

Cid meel iwm qulqulad ku samayn.

0

qulquli

f g2 (-iyay, -isay)

1. Hoore si aan kala go' lahayn u shubid. 2. Dad xoolo iwm si aan kala go' lahayn u socodsiin.

0

qulqulid

m f dh

Eeg: qulqul³

0

qulqulin

m f dh

Eeg: qulquli

0

qulub

m l

1. (m.l./dh) Isla hadalka iyo walaaca ay arrin qof ku dhaliso. 2. Qaybinta cayaar turub oo la khaldo.

0

qulubsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof wax qulbay ahaansho.

0

qulubsanaan

m f dh

ld qulubsanaansho.

0

qulubsanaansho

m l

/dh ld qulubsanaan.

0

qulubsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: qulbi

0

qulubsiin

m dh

Eeg: qulbin

0

quluc

m dh (-lco, m.l)

Nooc bocorka ka mid ah leh sal ballaaran iyo dhuun dhuuban oo inta la qallajiyo oo miraha laga daadiyo biyo lagu shubto, ama oodkaca lagu shubto.

0

qulucfage

m l (-gayaal, m.l/dh)

Fandhaal weyn oo af ballaaran leh iyo dabo dheer oo tabbedaha, qulcaha iwm subagga iyo oodkaca looga bixiyo.

0

qulul

m dh

Meel kala dheer oo laga siiban karo. ld quluul.

0

qululuc

m dh sh r

Shanqar ka timid dareere si xoog leh uga soo butaaca meel ciriiri ah.

0

quluub

m dh

Eeg: qalbi

0

quluud

m dh

Ulajeedo naftu u bogto oo ku raaxaysato; macne loo jeelo oo la jeclaysto; murti; xallad; milgo.

0

quluul

m dh

Eeg: qulul

0

quluulad

m l

Eeg: quluulasho

0

quluulasho

m f dh

Eeg: quluulo

0

quluulo

f mg3 (-uulay, -uushay)

Xoolo da' weyn ama dad nafaqaxumo awgeed meel uga kici waayid.

0

qumannimo

m dh

Qumay ahaansho.

0

qumanyannimo

m dh

Qumanyo ahaansho. ld qumayanimo.

0

qumanyaysad

m l

Eeg: qumanyaysasho

0

qumanyaysasho

m f dh

ld qumanyaysad, qumanyaysi, qumayaysad, qumayaysasho.

0

qumanyaysi

m l

Eeg: qumanyaysasho

0

qumanyayso

f g3 (-stay, -satay)

Qof nafley ama wax kale oo qiima leh il wax ku yeelid. ld qumayayso.

0

qumanyo

m dh (-ooyin, m.l)

Q. ah: naag karti u leh in ay il cid wax ku yeelayso. ld qumayo.

0

qumaqase

m l (-sayaal, m.l/dh)

Gobaha qoriga ka samaysan kan ugu fiican.

0

qumay

m l kh

Q. ah: nin la aaminsanyahay in uu isha wax ku dhibaataysan karo.

0

qumayanimo

m dh

Eeg: qumanyannimo

0

qumayaysad

m l

Eeg: qumanyaysasho

0

qumayaysasho

m dh

Eeg: qumanyaysasho

0

qumayayso

f mg3 (-stay, -satay)

Eeg: qumanyayso

0

qumayeysi

m l

Eeg: qumanyaysasho

0

qumaynnimo

m dh

Qumay ahaansho.

0

qumayo

m dh (-ooyin, m.l)

Eeg: qumanyo

0

qumbaar

m l (-rro, m.dh)

Tuke.

0

qumbac

m l (-cyo, m.dh)

1. Geed aan qodax lahayn oo geedaha kale ku faalala, baxshana miro macaan oo la cuno. 2. Gabooye.

0

qumbacasho

m f dh

Eeg: qumbaco

0

qumbaco

f mg3 (-cday, -catay)

Qof jirro ka soo bogsoonaya oo howl galay dhibaato la kulmid.

0

qumbahool

m l

Eeg: qumbahoole

0

qumbahoole

m l (-layaal, m.l/dh)

Qalab leh af u eg kan mishaarta oo qumbaha lagu xoqo, gadaalna ku leh qori dheer oo lagu fadhiisto. ld qumbahool.

0

qumbe

m l (-bayaal, m.l/dh)

1. Geedka naarjiinka. 2. Miraha geedka naarjiinka. 3. Xasdharaad yaryar oo dhiigga xoolaha ka nuuga. 4. (-bayaal, m.l./dh) Weel harag ka samaysan oo subagga lagu shubto. ld qunbe.

0

qumbulad

m dh (-do, m.l)

Bambo weyn.

0

qumi

f g2 (-iyay, -isay)

1. (f.g) Xoolo kaxayn. 2. (f.mg) U q.: awr hal abaahinaya caarka ugu toosin. 3. (f.mg) U q.: cid arrin iwm u fulin.

0

qumid

m f dh

Eeg: qun²

0

qumin

m f dh

Eeg: qumi

0

qumiyeyn

m dh (fiis.)

Habka qulqul quman looga dhalin karo qulqul talantaaliya oo ka imanaya dhaliye danab.

0

qummaati

m l fk

1. Si wanaagsan oo hawl loo qabto. 2. Weecweecasho la'aan; toos.

0

qummaatid

m f dh

Eeg: qummaati²

0

qumman

m l (-no, m.dh)

Jawaan weyn.

0

qumman4

f mg4 (-naa, -nayd)

Qof aan qaldanayn ahaansho.

0

qummanaan

m f dh

ld qummanaansho.

0

qummanaansho

m l

/dh ld qummanaan.

0

qummud

m l

Sarar geel ama lo'aad oo loo dubay in la cuno. ld qommod.

0

qummudsad

m l

Eeg: qommodsasho

0

qummudsasho

m l

Eeg: qommodsasho

0

qummudsi

m l

Eeg: qommodsasho

0

qummudso

f mg3 (-saday, -satay)

Eeg: qommodso

0

qun

f mg1 (-umay, -untay; -umi)

1. Nafley meel ka tegid. 2. Arrin iwm si wanaagsan u fulid.

0

qunbe

m l (-bayaal, m.l/dh)

Eeg: qumbe

0

qunde

m l

1. Hilib weyd ah oo la engejiyey. 2. ld qudde.

0

qundhac

m dh

Qorrax.

0

qundhacaysad

m l

Eeg: qundhacaysasho

0

qundhacaysasho

m f dh

ld qundhacaysad, qundhacaysi.

0

qundhacaysi

m l

Eeg: qundhacaysasho

0

qundhacayso

f mg3 (-stay, -satay)

Kulka qorraxda isku diirin.

0

qundhaco

m dh

Kulka qorraxda. ld qundhoco.

0

qundho

m dh

Nooc cawska ka mid ah oo ka baxa meelaha biya fariisinka ah.

0

qundhoco

m dh

Eeg: qundhaco

0

qunful

f g1 (-ulay, -ushay)

695qunfulan

0

qunfulan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Eeg: qafilan

0

qunfulasho

m dh

Eeg: qafilasho

0

qunfulid

m dh

Eeg: qafilid

0

qunfulnaan

m dh

Eeg: qafilnaan

0

qunfulnaansho

m l

/dh ld qafilnaan.

0

qunfulo

f g3 (-ushay, -ulatay)

Eeg: qafilo

0

qunjee

f g2 (-jeeyay, -jeysay)

Eeg: qujee

0

qunjeyn

m f dh

ld qujeyn.

0

qunjuraaf

m l u

1. Jajab yaryar oo wax weyn oo dhammaa oo is-haystay ka soo go'ay. 2. Hambo. 3. Socod yar oo wax yar oo lagu noolaado lagu raadsado.

0

qunjuraafid

m f dh

Eeg: qunjuraaf²