qaatimee
Faras si qaatimo ah u ordid.
qaatin
Mugga shey leeyahay.
qaawan
1. Qof aan dhar xirneyn ahaansho. 2. Dhisme, wax aan kor ka deydnayn ahaansho. 3. Hadal aan asturnayn ahaansho.
qaawanaan
ld qaawanaansho.
qaawanaansho
/dh qaawanow. ld qaawanaan.
qaawanow
Qof qaawan noqosho.
qaawi
1. Qof dhar ka furid. 2. Dhismo, dedka kore ka qaadid.
qaawiso
Qof qaawan ka dhigasho.
qaaxee
Nafley qaaxo ku ridid.
qaaxo
1. Dhiska ka samaysan feeraha iyo lafdhabarta iyo waxa ku guda jira (oogada nafleyda); saab, saabley. 2. Cudur xun oo lays qaadsiiyo oo ku dhaca sida badan sambabada; feero sanbab.
qaaye
Qiimo; waxtar.
qaayib
1. Wax la bartay ka caado yeelasho. 2. Wax si aad ah ugu bogid.
qaayibid
ld qaayib¹.
qaayimo
1. Qiimaha iyo kharashka uu ku fadhiyo wax iib u yaal. 2. Liis muujinaaya qiimaha badeeco la gadaayo.
qab
1. Qiimaha iyo sharafta qof waliba moodo inuu leeyahay; han. 2. Xero yar oo waxaraha iyo naylaha lagu xereeyo oo kor ka dedan; edeg.
qabaal
1. Weel xoldhan oo geed jirriddii laga qoro oo xoolaha la waraabinayo biyaha loogu shubo. 2. Weel gudihiisa dadku ku mayrto iyo mid dharka lagu dhax meyro.
qabaanqab
Ci' iyo socsocod badan oo ay riyuhu sameeyaan marka ay waayaan arigii ay ku jireen. ld qawqab¹.
qabaanqabid
ld qawqabid.
qabad
1. Orgi yar oo bilaabay kudidda riyaha. 2. ld qabasho.
qabadnimo
Qabad ahaansho.
qabadsii
1. Wax, wax kale ku dhejin. 2. Cid wax xafidsiin. 3. Wax, wax kale ku dirid. 4. Cudur isku daarasho.
qabalax
Qof laf weyn leh godan oo aan hilib badan lahayn. ld qablax.
qabalaxsan
Wax qablax ah ahaansho (qof). ld qablaxsan.
qabalaxsanaan
ld qabalaxsanaansho, qablaxsanaan, qablaxsanaansho.
qabalaxsanaansho
/dh ld qabalaxsanaan.
qaballuus
Qof qaangaar ah oo garmaqaatenimo iyo nacasnimo isku darsaday.
qaballuusnimo
Qaballuus ahaansho.
qabandhaco
Jariirico oogada ku fidda oo ay dhaliso naxdin, dhaxan ama jirro.
qabandhacoo
Qabandhaco dareemid.
qabanqaabi
Wax la fulin lahaa isku dubbaridid.
qabanqaabo
Isku dubba rididda hawl la rabo in la qabto.
qabasho
ld qabad, qabatin² (5).
qabatimid
ld qabatin² (3).
qabatin
Marka laga hadlayo taduwurka, isbeddel kasta oo ku dhaca dhismaha ama shaqada noolaha taas oo ka dhigta mid ku habboon degaankiisa.
qabato
Qalab sida manqaska laba birood oo isweydaar ah ama hal bir oo la isku soo laabay ka samaysan oo waxyaalaha aadka u kulul lagu qabto.
qabatoon
1. Cudur qabatiin leh oo soo noqnoqda. 2. Muddo dheer oo la qado dhibaatada ka timaadda.
qabax
Dhigaha waaweyn ee aqalka miyiga.
qabay
Weelka qabada laga sameeyo.
qabayaro
Qabo silloon oo qodxo yaryar leh iyo dhacaan cad oo caanaha u eg oo haddii ay dadka afka iyo indhaha ka gaaraan guba.
qabbaan
1. Qof qof kale u adeega; midiidin. 2. Miisaan weyn oo waxyaabaha culus lagu miisaamo.
qabbaansasho
ld qabbaansad, qabbaansi.
qabbaanso
Cid qabbaan ka dhigasho.
qabbil
Yeelid; maqlid; oggolaan; aqbalid.qabsad
qabbir
Isu dhoweynta lugaha awr la dabrayo aad la isugu dhaweeyo. ld qabbirid.
qabbiran
Rati wax la qabbiray ahaansho.
qabbirid
ld qabbir¹.
qabbirnaan
ld qabbirnaansho.
qabbirnaansho
/dh ld qabbirnaan.
qabbiro
Awr si qabbir ah u xirasho.
qabdhan
Marka xooluhu biyo aysan ka dhergin cabbaan.
qabiil
Dad dhalasho wada sheegta. ld qabiilo.
qabiili
1. Qof qabyaaladda aad u daneeya oo ku dhaqma. 2. Qof qabiil tiro badan ka dhashay.
qabiix
1. Q. ah: hadal ama fal aad u fool xun. 2. Q. ah: qof xun.
qabil
1. Harag aan megdeysnayn. 2. Har, derbaal iwm adag oo laga galo roobka, qorraxda, dhaxanta iwm.
qablamid
ld qablan¹ (2).
qablan
1. Hadal ama shanqar weyn oo culus; bulaan; hugun. 2. ld qablamid.
qablaxsanaansho
/dh ld qabalaxsanaan.
qabno
Hanti.
qabo
1. (bot.) Geed leh caano, qodxo iyo sooh wanaagsan oo weelal iyo alaabo kaleba laga sameysto. 2. Weelasha caanaha lagu shubto inta aan weli la xoolayn. 3. Weel qabo ka samaysan.
qaboobaan
ld qaboobaansho.
qaboobaansho
/dh eeg qaboobow. ld qaboobaan.
qaboobe
Waqtiga hawadu aad u qabowdo meelaha qaarkoodna uu baraf ka dhaco.
qaboobow
Wax qaboobay noqosho.
qabooji
1. Wax, wax qabow ah ka dhigid. 2. Wax xasilin.
qaboojiso
Wax, wax qabow ka dhigasho.
qaboojiye
Makiinad leh qol magudbiye hawo oo lagu keediyo alaabooyinka, cunnada iyo cabbitaanka si aanay u xumaan ama qabow u ahaadaan; tallaajad.
qaboono
Subaxnimada inteeda hore oo aan qorraxdu weli soo kululaan. ld qaboone.
qabow
1. Kuleyl la'aan. 2. Q. ah: wax aan kululeyn.
qabowso
/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Wax qabow ka dhigasho. 2. (f.mg) Is qaboojin (qof).
qaboyaro
Qabo silloon oo qodxo yaryar leh iyo dhecaan cad oo caanaha u eg oo haddii dadka afka iyo indhaha ka gaaraan guba.
qabqab
Indha-sarcaadin been ah oo cidi muujiso.

