Words starting with 'Q'
2,311 Somali words beginning with 'Q' — page 13 of 24.
qasli
Dahaarad la'aanta ku dhacda qof galmo sameeyey ama junnuubay. ld qaslad.
qasmaansasho
ld qasmaansad, qasmaansi.
qasmaanso
Cid waxay nasiib u heshay ku qancid.
qasnaan
ld qasnaansho.
qasnaansho
/dh ld qasnaan.
qasri
1. Tirada rakcadaha salaadda oo la soo gaabsho marka safar dheer iwm lagu jiro. 2. (-iyo, m.dh) Daar weyn dhul ballaaran ku fadhida oo qaab quruxsan u dhisan. ld qasir.
qaswade
Qof rabshoole ah.
qataar
1. Qori yar oo albaabka hoos looga xiro; handaraab. 2. Bir xoog leh oo qoryaha iyo dhagxaantaba lagu jajebiyo. 3. Q. ah: baabuur aad u duugoobay oo kala daadsan laakiin socda. 4. Nooc sixirka ka mid ah oo inta geed musmaar lagu taago isla markiiba qofka la sixraayo xanuunsada.
qataaran
Irrid wax xirantay noqosho.
qataarnaan
ld qataarnaansho.
qataarnaansho
/dh ld qataarnaan.
qatan
1. Nafley cunto ama cabid aan helin ahaansho. 2. Wax la qaybinayey cid aan wax ka helin ahaansho. ld qadsan.
qatanaan
qadsanaansho, qatanaansho.
qatanaansho
/dh eeg qatanow. ld qatanaan.
qatanow
Cid wax ka qatan noqosho. ld qadsanow.
qataysii
1. Cid wax ka qadin. 2. Cid dhibaato iyo hagardaamo gaarsiin.
qatimi
Xoolo in muddo ah biyo ka celin.
qatimin
ld qatimis.
qatin
1. Muddada ay xooluhu biyaha ka qadaan. 2. Q.ah : xoolo aan kalkoodi gelin.qaxaanqixid
qatindhaaf
Xoolo kolkii ay cabbi jireen dhaafay oo aad u oomman.
qatinsan
Xoolo, muddo aan biyo cabbin ahaansho.
qatinsanaan
ld qatinsanaansho.
qatinsanaansho
/dh ld qatinsanaan.
qatooyo
1. Ku sugnaanta nafley muddo ku sugnaato wax cunid la'aan. 2. Wax siin la'aanta qof wax doonaya. 3. ld qadid.
qaw
Meel cirif ah oo haadaan dheeri ka hooseysa.
qawaacid
Khasaaro weyn; masiibo.
qawaar
Neef xoolaad oo aad u da'weyn caatana ah.
qawaarnimo
Qawaar ahaansho.
qawaasimo
Dad badda quusa oo luulka kala soo baxa.
qawad
1. Saluugidda la saluugo wax la isa siiyo. 2. ld qawid. Cudur aan halis ahayn oo maqaarka dadka ku dhaca oo barobaro cadcad leh; cambaarcad.
qawadsan
Qof wax saluugay ahaansho.
qawadsanaan
ld qawadsanaansho.
qawadsanaansho
/dh ld qawadsanaan.
qawid
(2).
qawjad
Cid cilmi, caqli iyo aftahamo dheeraad ah kulansatay.
qawl
1. Curdanka baarka geedaha ka soo baxa. 2. Hadal; erey. 3. Q. leh: qof axdi leh. 4. Cabbitaan qof jirran afka loogu shubo; kawl.
qawlal
Labada dacal ee afka middood oo ku aaddan miciyaha ama gaws- horaadka.
qawlalan
Wax qawlal gashanyahay ahaansho (awr, faras iwm).
qawlalnaan
ld qawlalnaansho.
qawlalnaansho
/dh ld qawlalnaan.
qawley
Mindi xoog badan oo hilbaha lagu googooyo.
qawmiyad
Jinsiyad. ld qowmiyad.
qawrar
Dildillaac yaryar oo jirka nafleyda, dhulka derbiyada iwm yeeshaan marka uu kulayl ama qabow badan ku dhaco.
qaws
Laba calaamadood oo bil u eg, iskana soo horjeeda oo ereyada, hadallada iwm la dhex gesho middood. ld qows.
qawsasho
ld qawsi.
qawsho
Calaalin (gocoso, goon).
qawsii
Shanqar “qaw” ku dhalin.
qawso
Dab kulaalid.
qax
Guuriitaan meel si degdeg ah looga cararo cabsi awgeed.
qaxaab
Nin saani ah oo macsida aad u jecel; dhilley.
qaxaabad
Naag jirkeeda ka ganacsata; dhillo.
qaxaabnimo
Qaxaab ahaansho.
qaxaanqax
Qaylada ay samayso dooradu marka ay ukun dhali rabto. ld qaxaanqixid, qaxanqax¹.
qaxaanqixid
ld qaxaanqax¹, qaxanqax¹, qaxanqixid.
qaxan
1. Q. ah: dhuxul shidan oo aan dambas dusha ka fuulin. 2. ld qaxmid.
qaxanqax
qaxaanqixid.
qaxbad
qaxaabad.
qaxmi
Dhuxul shidid.
qaxmid
ld qaxan¹ (2).
qaxooti
/dh Dad dalkoodii nabadgelyo la'aan, abaar iwm awgeed uga cararay.
qaxranaansho
/dh ld qahranaan.
qaxsan
1. Dad dalkoodii ka soo qaxay ahaansho. 2. Dhuxul wax la huriyey ahaansho.
qaxsanaan
ld qaxsanaansho.
qaxsanaansho
/dh ld qaxsanaan.
qaxso
1. Dad, xoolo iwm cabsi awgeed meel ugala cararid. 2. Dhuxul shidasho.

