0

qunsad

m l

Eeg: qunsasho

0

qunsasho

m f dh

ld qunsad.

0

qunso

f g3 (-saday, -satay)

1. Xoolo iwm meel u kaxaysasho. 2. Dan, arrin iwm meel marsasho.

0

qunsul

m l (-llo, m.dh)

Qof diblomaasi ah oo dalka uu joogo dalkiisa wakiil uga ah bulshadiisa kana hooseeya safiirka.

0

qunsul-xigeen

m l (-nno, m.dh)

(taar.) Ninka ku xiga qunsulka (arrimaha qunsulliyadda).

0

qunsuliyad

m dh (-do, m.l)

Xafiiska qunsulka.

0

qunuud

m l

/dh (dii.) Duco la raaciyo salaadda subaxa, haddiise dhibaato timaadana la raacsho salaadaha kale.

0

qunux

m l (-xyo, m.dh)

Gabooye.

0

qunyar

m dh fk

Q. ama si q. ah: aayar, xasil, tartiib.

0

qunyarsocod

m l kh

Q. ah: qof deggan oo dabci qabow dadka kula dhaqma.

0

qunyarsocodnimo

m dh

Qunyarsocod ahaansho.

0

qur

m dh

1. Naf; ruux. 2. Q. ah: tiro go'an oo aan wax kale kordhin. Tus. “Laba wiil oo q. ah ayaa xafiiska jooga.”.

0

Qur'aan

m l

Eeg: Quraan

0

quraac

m dh

Cunnada ugu horreysa ee subaxnimada la cuno; af-bilaw.

0

quraacasho

m f dh

Eeg: quraaco

0

quraaco

f mg3 (-cday, -catay)

Quraac cunid.

0

Quraan

m l

Kitaab Ilaahay Nabi Maxamed (S.C.W.) u waxyooday si uu ummaddiisa u gaarsiiyo. ld Qur'aan.

0

quraan-akhris

m l

1. Siyaarooyinka, Allabariyada oo Quraan dad badani ka akhriyaan. 2. Akhrinta la akhriyo Quraan.

0

quraanjo

m dh u

Eeg: quraanyo

0

quraanqaad

m l (dii.)

Xus loo sameeyo qof dhintay iyadoo Quraan loo akhrinayo.

0

quraansaar

f g1 (-ray, -rtay)

Qof buka Quraan ku akhriyid.

0

quraansaarid

m f dh

Eeg: quraansaar²

0

quraanyo

m dh u

Cayayaan yaryar jaadad badan, beelbeel u degta oo aan baalal lahayn, lehna lix addin iyo labo gees. ld quraanjo.

0

quraaqur

m dh

Qalabka lagu adeegto inta birta ah.

0

quraar

m dh (-rro, m.l)

Godin yar oo weelasha lagu qoro. ld quraarqor.

0

quraarad

m dh (-do, m.l)

Dhalo; qarsho.

0

quraarqor

m dh

Eeg: quraar

0

qurac

m l

Geed abaareed weyn oo leh qodax, mayrax, xabag wanaagsan iyo abqo.

0

qurbaan

m l (-nno, m.dh)

1. Cunto loo sameeyo allabari. 2. Allabari yar.

0

qurbaansasho

m f dh

Eeg: qurbaanso

0

qurbaanso

f mg3 (-saday, -satay)

Qurbaan samaysasho.

0

qurbac

m l

Awr yar oo da'diisu u dhexeyso nirig iyo qaalin.

0

qurbacyee

f mg2 (-yeeyay, -yeysay)

Hal qurbac dhalid.

0

qurbacyeyn

m f dh

ld qurbacyeys.

0

qurbacyeys

m l

Eeg: qurbacyeyn

0

qurban

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax qurub-qurub laga dhigay ahaansho.

0

qurbanaan

m f dh

ld qurbanaansho.

0

qurbanaansho

m l

/dh ld qurbanaan.

0

qurbax

f mg1 (-xay, -xday; -bixi)

Nafley nafbixid.

0

qurbe

m l

Meel uusan qof ka helin dhaqankiisa dadkiisa, luqaddiisa iwm; dal shisheeye. ld qurbo.

0

qurbid

m f dh

Eeg: qurub²

0

qurbixid

m f dh

Eeg: qurbax

0

qurbo

m dh

Eeg: qurbe

0

qurcis

m dh

Jaad ka mid ah noocyada geed hindiga.

0

qurdan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Qof madaxa maluuqday ahaansho. 2. Lo', ari wax seenyoon ahaansho.

0

qurdanaan

m f dh

ld qurdanaansho.

0

qurdanaansho

m l

/dh ld qurdanaan.qurunsan

0

qurdho

m dh u

1. Iniinaha yaryar ee cudbiga. 2. Timo aad u jilicsan marka la shanleeyo seexda.

0

qurdid

m f dh

Eeg: qurud

0

qurdo

m l

Xaniinyo.

0

qurdowalaq

m l

Orgi aan gaarin da'dii uu riyaha ku rimin lahaa.

0

qurdowalaqnimo

m dh

Qurdowalaq ahaansho.

0

qurdudumsad

m l

Eeg: qurdudumsasho

0

qurdudumsasho

m f dh

ld qurdudumsad, qurdudumsi, qurjujubsad, qurjujubsash.

0

qurdudumsi

m l

Eeg: qurdudumsasho

0

qurdudumso

f g3 (-saday, -satay)

Wax adag ilka ku burbursasho. ld qurdujubso, qurjujubso, qurjujumso, qururumso.

0

qurgo'

f mg1 (-'ay, -'day)

Cid dhimasho.

0

qurgo'id

m f dh

'.

0

qurgoo

f g2 (-gooyay, -goysay)

Nafley nafta ka qaadid.

0

qurgooyo

m dh

Naf ka goynta cid nafta laga gooyo.

0

qurgoyn

m f dh

Eeg: qurgoo

0

quri

f g2 (-iyay, -isay)

1. Awr qooqan, mid kale guulguul iyo cabsi ku samayn isaga oo guux iyo micilis isugu daraya. 2. Cid u duurxulid.

0

qurin

m f dh

ld quris.

0

quris

m l

Eeg: qurin

0

qurjad

m dh

Koritaanka jirku sameeyo.

0

qurjujubsad

m l

Eeg: qurdudumsasho

0

qurjujubsasho

m dh

Eeg: qurdudumsasho

0

qurjujubsi

m l

Eeg: qurdudumsasho

0

qurjujubso

f g3 (-saday, -satay)

Eeg: qurdudumso

0

qurjujumsad

m l

Eeg: qurdudumsasho

0

qurjujumsasho

m dh

Eeg: qurdudumsasho

0

qurjujumsi

m l

Eeg: qurdudumsasho

0

qurjujumso

f g3 (-saday, -satay)

Eeg: qurdudumso

0

qurmi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax qurun ka dhigid.

0

qurmid

m f dh

Eeg: qurun²

0

qurmin

m f dh

Eeg: qurmi

0

qurmoon

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: qurmuun²

0

qurmoonaan

m dh

Eeg: qurmuunaan

0

qurmoonaansho

m l

/dh ld qurmuunaan.

0

qurmuun

m l

Ur xun, ur naftu kahato; wax qurun noqday waxa ka soo ura, kankama, daaca; qurun. ld qarmuun¹, qurmoon¹, qurun¹.

0

qurmuunaan

m f dh

ld qarmuunaan, qarmuunaansho; qurmoonaan, qurmoonaans

0

qurmuunaansho

m l

/dh ld qurmuunaan.

0

qurqur

m l

1. Meesha kuusan ee cunaha ragga ku taal; bocor. 2. (-rro, m.dh) Labada cirif ee qaansada middood.

0

qurquri

f g2 (-iyay, -isay)

Hoore si dhaqso ah u cabbdi.

0

qurqurin

m f dh

ld qurquris, qurquro (3).

0

qurquris

m l

Eeg: qurqurin

0

qurquro

m dh

1.Laf jilicsan oo shafka geelu ka samaysan yahay. 2. Qolob-dhabashada awr qooqani sameeyo. 3. ld qurqurin.

0

qurqursan

f mg4 (-naa, -nayd)

U q.: arrin wax gar ah u arkid (qof).

0

qurqursanaan

m f dh

ld qurqursanaansho.

0

qurqursanaansho

m l

/dh ld qurqursanaan.

0

qursi

m l

1. Weel yar oo qori ka samaysan oo badarka iwm lagu cabbiro. 2. ld qurus. In cunto ah oo qof hal mar la siiyo.

0

qurub

m l (-byo, m.dh)

Gabal yar.

0

qurub-logardam

m l (-byo ..., m.dh)

(xis.) Qaybta togan ee ka mid ah logardamka tiro ee ah jajab tobanlaha ku yaalla midigta barta tobanlaha.

0

qurud

f g1 (-rday, -rudday; -rdi)

Harag timo ka wada hoolid.

0

qurumo

m dh

Gudin yar oo weelasha lagu qoro. ld qorimo.

0

qurumohuluko

m dh

Qurumo masaarta u eg.

0

qurumoqoobley

m l

Gudin yar oo weelasha lagu qoro.

0

qurun

m l

Eeg: qurmuun¹

0

qurunsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax qurmay ahaansho.

0

qurunsanaan

m f dh

ld qurunsanaansho.