Words starting with 'Q'
2,311 Somali words beginning with 'Q' — page 15 of 24.
qaylakeen
1. Q. ah: qof ama dad meel dareen ka dhacay warkeeda keenid. 2. ld qaylakeenid.
qaylakeenid
ld qaylakeen¹.
qaylarraac
Q. ah: qof ama dad meel qaylo ka soo yeertay aada.
qaylarraacid
ld qaylarraac¹.
qayli
1. Cod dheer ku dhawaaqid. 2. Ku q.: cid canaan u jeedin. 3. U q.: cid taageerid. 4. U q.: cid u yeerid. 5. La q.: dhibaato darteed la dhawaaqid.
qaylin
ld qaylis.
qaylisii
Ka q.: cid ka dhawaajin.
qaylo
1. Dhawaaq dheer oo nafley sameyso. 2. Canaan. 3. Digniin.
qaymbaar
Duf xaskusha u eg oo geedka naarjiinta ka baxda oo joodari iwm laga sameysto.
qayoo
Roob wax feeray noqosho.
qayraami
Riddo si xoog leh meel ugu shalwin.
qayraamin
ld qayraamis.
qayraan
Dhar harag la jilciyey ka samaysan oo waayihii hore la qaadan jirey.
qayraansan
Wax la qayraamiyey ahaansho.qiime tamar-gubasho
qayraansanaan
ld qayraansanaansho.
qayraansanaansho
/dh ld qayraansanaan.
qayrab
Orgi yar oo markaa billaabay riyo kudidda.
qayrabnimo
Qayrab ahaansho.
qayro
Qoysas fara badan oo meel wada deggan.
qaysadhabasho
ld qaysadhabad.
qaysadhabo
Haad baaldhabasho sameyn.
qaysaraamee
Nafley, ul qaysaraan ah la dhicid.
qaysaraan
Baanso.
qaysho
U q.: qof dhibaateysan cid kaalmo ka dalbasho.
qayso
Su!; Tu! (cod geela lagu fariisiyo si loo raro).
qeex
Wax si wanaagsan u sharxid.
qeexan
Wax la qeexay ahaansho.
qeexnaan
ld qeexnaansho.
qeexnaansho
/dh ld qeexnaan.
qeyd
Cad yar oo maro ah oo ilaa laba yaardi dhan oo sida badan ay carruurtu qaataan.
qeydaddaar
Qof qaynuunka aqoon u leh.
qeydar
1. Geed weyn, dheer oo qodxo leh oo balliyada ka baxa. 2. Balli yar.
qeydin
1. Ul weyn; siiqe. 2. Ul yar; dhenged.
qeydo
1. Qaynuun. 2. Ogaal.
qeyr
1. Laba nafley ama ka badan oo d'adooda isku mid tahay. 2. Khayr. ld qayr.
qeyrabbax
1. Dad dagaal in ay u baxaan diyaar u ah. 2. Shinnida marka ay guureyso.
qeyro
1. Dad meel miyi ah wada deggen. 2. Beesha shinnida.
qiblee
Wax dhanka qiblada u jeedin.
qibleysan
Wax dhanka qiblada u jeeda ahaansho.
qibleysnaan
ld qibleysnaansho.
qibleysnaansho
/dh ld qibleysnaan.
qibleyso
/mg3 (-stay, -satay) 1. (f.g) Cid qiblo u jeedsasho. 2. (f.mg) Waxqiblo u jeedsasho.
qiblo
1. Jahada kabcada oo ay muslimiintu u jeestaan marka ay dukanayaan. 2. (-ooyin, m.l) Jaho. ld qiblad.
qiil
Wax la cuskado oo shirci ah oo aan aad u weyneyn, laakiin caqli gal ah.
qiilqiil
1. Xaalad halis ah. 2. Q. ah: ciriiri badan oo wax helitaankoodu galo.
qiimabbarar
Kor u kicidda qiimaha badeecada; sicirbarar.
qiimadhac
Hoos u dhicidda qiimaha badeecadda.
qiimaha-sugan-ee-leeb
Dhererka leebka iyadoo aan la tixgelin jihada leebka. Qiimaha sugan ee lebka xi+yi+zk waa xidid labajibbaarka wadarta labajibbaarka xubnihiisa, taas oo ah, jihada leebka. qiimaha Qiimaha sugan ee leebka xi+yi+zk waa xidid labajibbaarka wadarta labajibaarka xubnihiisa, taas oo ah, /xi+yi+zk/ = x2+y2+z2 sugan ee tiro maangal ah m.l (xis.) Tiro togan oo laxaadkeedu la mid yahay tiro la isa siiyey. Summadda qiimaha sugan ee tirada A waxaa loo qoraa A. Qiimaha sugan ee tirada 6 waa 6, qiimaha sugan ee - 6 waa 6.
qiimaha-sugan-ee-tiro-murakab
Xidid labajibbarka wadarta labajibbaarada ee qaybteeda maangalka iyo qaybteeda khayaaliga ah. Waxa kale oo la yiraahdaa laxaadka tiro murakab ah.
qiimasheeg
Warqad ay ku qoran tahay kharashka ku baxay badeeco meel loo diray, qaa'imad.
qiimayn
ld qaymeyn.
qiime
1. Sicirka ay joogto badeecadi. 2. Waxtarka nafley ama wax kale ay leeyihiin. ld qayme, qiimad, qiimo.
qiime-tamar-gubasho
Kulka ka soo baxa gubashada halkii halbeeg ee cufka walax. Qiimaha tamar gubashada waxaa loo 683qiimee isticmaalaa in lagu ogaado qiimaha tamarta shidaalka. Badanaa waxa lagu cabbiraa meega-juul halkii kiiloogaraam (mj/kq).
qiimee
1. Nalfey, badeecad iwm qiimahooda sheegid. 2. Cid sharfid. ld qaymee.
qiiq
1. Q. isku qarin: hargalulid (qof), iska yeelyeelid (qof). 2. ld qaac¹.
qiiq-iskuqarin
Wax aan la ahayn oo la iska yeelo si loo maldaho xumo la sameeyey ama la sameyn doono. ld qiiq-iskuqaris.
qiiqbiyood
Uumi-biyood.
qiiqso
Uunsi iwm shidasho.
qiiraqiiro
Xaalad adag ama halis ah oo ay cidi ku sugnaato. ld qirinqiir.
qiiro
Dareen ficiltan ku jira oo dadka ku dhasha.
qiiroo
Qiiro dareemid.

