0

qarrer

f mg1 (-ray, -rtay)

(2).

0

qarreran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Dhar, derbi iwm wax dillaacay ahaansho.

0

qarreri

f g2 (-iyay, -isay)

Wax dillaacin.

0

qarrerid

m dh

Eeg: qarririd

0

qarrerin

m f dh

ld qarreris.

0

qarreris

m l

Eeg: qarrerin

0

qarrernaan

m f dh

ld qarrernaansho.

0

qarrernaansho

m l

/dh ld qarrernaan.

0

qarri

m l (-iyo, m.dh)

Buuro waaweyn xiriirsan oo meel siman yaal dhirna leh.

0

qarrir

m l

Dillaac uu yeesho derbi, weel, dhul iwm. ld qarrer¹, qarririd.

0

qarriran

f mg4 (-rnaa, -rnayd)

Arrin iwm wax go'aan laga gaaray ahaansho.

0

qarririd

m f dh

ld qarrer¹, qarrerid, qarrir¹.

0

qarrirnaan

m f dh

ld qarrirnaansho.

0

qarrirnaansho

m l

/dh ld qarrirnaan.

0

qarrog

m l (-gyo, m.dh)

Haruub weyn oo ka samaysan qabo ama argeeg oo caanaha lagu shubo; bantol. ld qarroog.

0

qarroor

m l

Hoore yar oo weel salkiisa ku hara.

0

qarroorid

m f dh

Eeg: qarroor²

0

qarsad

m l

Eeg: qarsasho

0

qarsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax la qaryey ahaansho.

0

qarsanaan

m f dh

ld qarsanaansho.

0

qarsanaansho

m l

/dh ld qarsanaan.

0

qarsasho

m f dh

ld qarsad, qarsi.

0

qarshad

m dh

Eeg: qarsho

0

qarshi

m l (quruush, m.dh)

Lacag jajab ah oo u dhiganta hal shilin oo waayihii hore la isticmaali jirey.

0

qarsho

m dh (-ooyin, m.l)

1. Weel quraarad ka samaysan oo wax lagu shubto; dhalo. 2. Maaddo adke ah, jebi og, aan midab lahayn, ilays mootiye ah oo ka sameysan ciid iyo soodhe la isku dhalaaliyey. ld qarshad.

0

qarsi

m l

Eeg: qarsasho

0

qarsin

m l (-nno/-immo, m.dh)

Fandhaal weyn; qudde.

0

qarso

f g3 (-saday, -satay)

Wax meel aan laga arki karin dhigasho.qasan¹

0

qarsoodi

m l

1. Q. ah: arrin, hadal iwm oo aan la oggoleyn inla maqlo ama la arko; sir. 2. Q. ah: hadal hoos la isugu sheego si dadka kale aysan u maqal.

0

qarsoomid

m f dh

Eeg: qarsoon¹

0

qarsoon

f mg1 (-oomay, -oontay; -oomi)

Wax muuqaalkoodu libdhay noqosho.

0

qarsoonaan

m f dh

ld qarsoonaansho.

0

qarsoonaansho

m l

/dh ld qarsoonaan.

0

qartab

f g1 (-bay, -btay; -tebi)

Nafley jirkeeda meel ka mid ah cagta xoog u saarid iyadoo la soconayo. ld qardab.

0

qartabid

m f dh

ld qardabid.

0

qartabo

m dh

qartabid, qartebid.

0

qartabyo

m dh

Joogsashada neef raaf lihi ku joogsado nafley kale. ld qartabo.

0

qartebid

m f dh

ld qartabo.

0

qaruuf

m l

Hardiyidda xooluhu geeska wax ku dhuftaan. ld qaruufid.

0

qaruufid

m f dh

ld qaruuf¹, qaruufsiin.

0

qaruufo

f g3 (-ftay, -fatay)

Xoolo af ku maalid.

0

qaruufsii

f g2 (-iiyay, -iisay)

Naas xoolaad cid afka ugu lisid. ld qaruuf².

0

qaruufsiin

m dh

ld qaruufid.

0

qaruunbow

m l

Nooc kalluunka ka mid ah, kuusan oo weji foolxun leh.

0

qaruurad

m dh (-do, m.l)

Qarsho; dhalo.

0

qarwid

m f dh

Eeg: qaraw²

0

qarxad

m l

qarxid.

0

qarxasho

m dh

ld qarxad, qarxid.

0

qarxi

f g2 (-iyay, -isay)

Wax qarax ku burburin.

0

qarxid

m f dh

ld qarxad, qarxasho.

0

qarxin

m f dh

ld qarxis.

0

qarxis

m l

Eeg: qarxin

0

qarxo

f mg3 (-xaday, -xatay)

Wax qarax sameyn.

0

qaryaan

m l

1. Dadka u faaliya ama xiddigaha wax uga sheega ama si kale oo been ah wax uga cuna (qof); kaahin. 2. Waxyaqaan; abwaan.

0

qaryad

m dh (-do, m.l)

Magaalo yar; tuulo; buulo. ld qaryo.

0

qaryo

m dh

Eeg: qaryad

0

qas

m l

1. Rabsho iyo xasillooni la'aan. 2. Siil. 3. Gumaar. 4. Meesha ay iska galaan miskaha iyo sabiisha geela.

0

qasaal

m l

Q. ah: dhar dhaqmo galay.

0

qasaalan

f mg4 (-lnaa, -lnayd)

Wax la qasaalay ahaansho (dhar).

0

qasaalasho

m f dh

Eeg: qasaalo

0

qasaalid

m f dh

Eeg: qasaal²

0

qasaalnaan

m f dh

ld qasaalnaansho.

0

qasaalnaansho

m l

/dh ld qasaalnaan.

0

qasaalo

f g3 (-aashay, -aalatay)

Dhar mayrasho.

0

qasaanqas

m dh (c.nafl.)

Nafley yar badda ku jirta leh midabka quraaradda, oogo jilicsan oo dhegdheg leh oo biyaha dul sabbeysa.

0

qasaasil

m l

1. Q. ah: badar, bariis iwm oo dhagxaantii ama wasakhdii ku jirtay biyo looga saaray. 2. ld qasaasilid.

0

qasaasilid

m f dh

ld qasaasil¹, qasil¹ (2), qasilid.

0

qasab

m l

Geed leh quwaax sonkorta laga sameeyo, laanlaan ubaxa, alamo leh oo dhulka kulul ka baxa.

0

qasabad

m dh (-do, m.l)

Dhuun dheer oo bir, caag ama wax kale ka samaysan oo biyaha iwm ay maraan.

0

qasac

m l (-cyo, m.dh)

Weel yar oo macdan ama nooc kale oo bir ah ka samaysan oo cunnada iyo sharaabka lagu alxamo; daasad. ld qasacad.

0

qasacad

m dh

Eeg: qasac

0

qasacadayn

m f dh

Eeg: qasacadee

0

qasacadee

f g2 (-deeyay, -daysay)

Cunto, sharaab iwm qasac lagu shubay ku alxamid.

0

qasacadeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Cunto, cabitaan iwm wax qasacad lagu shubay ahaansho.

0

qasacadeysnaan

m f dh

ld qasacadeysnaansho.

0

qasacadeysnaansho

m l

/dh ld qasacadeysnaan.

0

qasad

m l (-dyo, m.dh)

1. Muraad; dan. 2. Fal si ulakac ah loo sameeyo. ld qasdi.

0

qasan

f mg1 (-smay, -santay; -smi)

1. Biyo iwm wax kale ku labmid. 2. Qof xasillooni darro maskaxeed la kulantay noqosho.

0

qasdi

m l

Eeg: qasad¹

0

qasdid

m f dh

Eeg: qasad²

0

qasgoo

f mg2 (-ooyay, -oysay)

Neef riman soo sid-dhaweyn (sac ama hal).

0

qasgoyn

m f dh

Eeg: qasgoo

0

qash

m l

1. Geedo yar oo isku baxay; fuur. 2. Q. ah: cunto si xun loo karshay.

0

qashaaf

f mg1 (-fay, -ftay)

1. Qof islaweyni aan dhab ahayn muujin. 2. Ka q.: cid jirro ama yasid awgeed uga fogaansho.

0

qashaafid

m f dh

ld qashaaf¹.

0

qashar

m l

Eeg: qashir

0

qashinqub

m l (-byo, m.dh)

Meel qashinka lagu daadsho.

0

qashir

m l

1. Qayb ka mid ah qaybaha xabbadda badanaa ka samaysan maar, leh

0

qashoobid

m f dh

Eeg: qashow

0

qashow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

1. Cunto iwm qash noqosho. 2. Geed- hoosaad badan wax isku baxay noqosho.

0

qashqash

f g1 (-shay, -shtay)

Eeg: khashkhash²

0

qashqashaad

m dh

Eeg: khashkhashaad

0

qashqashid

m dh

Eeg: khashkhashid

0

qashwad

m dh (-dyo, m.dh)

Haan ka samaysan, harag, weyn oo biyaha lagu dhaansado.

0

qasid

m f dh

Eeg: qas²

0

qasiido

m dh (-ooyin, m.l)

(dii.) Maanso diimeed, lagu ammaano ama lagaga sheekeeyo shaqsiyaad gaar ah oo diinta Islaamka magac iyo maamuus ku leh.

0

qasil

m l

1. Caleenta geedka gobka oo shiidan oo loogu qabeysto saabuun ahaan. 2. ld qasaasilid. Mayrista cuntada qaarkeed sida bariiska iwm la mayro inta aan la karin.

0

qasilasho

m f dh

Eeg: qasilo

0

qasilid

m dh

Eeg: qasaasilid

0

qasilo

f mg3 (-ishay, -ilatay)

Wasakh biyo iskaga nadiifin.