q
Xarafka lix iyo tobnaad ee alifka soomaaliga oo shibbane ah.
qaa'id
Qof ciidan hoggaamiya.
qaab
1. Hannaanka wax leeyahay. 2. Hab. 3. Caano garoor ah. 4. Caano yar oo garoor ah oo caanaha dhayda ah lagu daro si ay durba garoor u noqdaan; salsal; khamiir.
qaab-dhuleed
(jool.) Erey mararka qaarkood lagu isticmaalo in lagu muujiyo qaabka dhulka.
qaaban
1. Wax qaab loo yeelay noqosho. 2. Wax fadhi badan ku curqay noqosho. ld qaabi (1).
qaabbil
1. Docda wejiga ah oo soo jeedda. 2. Cid ka hor imaad, soo dhoweys. 3. Q.kayga: hortayda, tooskayga.
qaabbilaad
Kulan laba qof ama ka badan dhex mara.
qaabbilo
Maalinta uu dirirku la fadhiyo dayaxa oo dadku aaminsan yihiin in ay tahay maalin cawo leh.
qaabbilsan
1. Qof wax u qaybsan ahaansho. 2. Wax, wax kale ku aaddan ahaansho.
qaabbilsanaan
ld qaabbilsanaansho.
qaabbilsanaansho
/dh ld qaabbilsanaan.
qaabbilsii
Wax, wax kale ka horgeyn.
qaabdaran
Wax qaab xun ahaansho.
qaabdarnaan
ld qaabdarnaansho.
qaabdarnaansho
/dh ld qaabdarnaan.
qaabdarro
Qaab xumaanta ay wax leeyihiin; qaabxun. ld qaabdarri.
qaabi
1. Wax qaab u yeelid. 2. Caano qaab ku darid. ld qaab², qaaban¹ (1).
qaabile-kiimikaad
(baay.) Qaabile, kaas oo baadha jiritaanka kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka dareemaha dareen wadayaasha. Tusaale ahaan waxa ka mid ah ruqur dhadhannada.
qaabin
ld qaabid.
qaabis
1. Garoorinta la garooriyo caano la doonayo in la lulo. 2. Q. ah: caana garoor ah.
qaabka
dhululubada, oo ay ku dhex jirto baaruud, afka horena ku wadata sulub. 2. Gufarka caleenta shaaha ama bunka oo weelka salkiisa ku hara. ld gashir, qashar.
qaablaawe
1. Aan qaab lahayn (wax). 2. Q. ah: qof aan hab wanaagsan u dhaqmin.
qaabnaan
ld qaabnaansho.
qaabnaansho
/dh ld qaabnaan.
qaabsamaan
ld qaabsamaansho, qaabsami (2).
qaabsamaansho
/dh ld qaabsamaan.
qaabsami
Xeelashada qaab wanagsan wax yeeshaan. ld qaabsamaan, qaabsamo.
qaabsan
Wax qaab wanaagsan leh noqosho.
qaabsanaan
ld qaabsanaansho.
qaabsanaansho
/dh ld qaabsanaan.
qaabuuli
1. Bariis yaryar, macaan oo hindiya laga keeno. 2. Bariis lagu daray xawaaji, kabsar, geed kuleyl iwm.
qaabxumaan
ld qaabxumaansho.
qaabxumaansho
/dh ld qaabxumaan.
qaabxumi
653qaabxumo
qaabxumo
Qaab aan qurxooneyn oo wax yeeshaan. ld qaabxumaan, qaabxumi.
qaabxun
Wax aan qaab wanaagsaneyn ahaansho.
qaac
Uumi daruur la moodo oo wax gubanaayo ka soo baxa oo hawada ku baaho. ld qiic¹, qiiq¹ (2), qiiqaab¹.
qaaci
1. Wax qaac ka keenid. 2. Haruub qaac ku kululeyn. 3. Ka q.: ruuxaan ka shidid (cid). ld qiici, qiiqi.
qaacid
ld qiicid, qiiqaabid, qiiqid.
qaacido
1. Saldhig xoog leh oo militari. 2. Xeer kooban oo maaddo cilmi ahi ay leedahay.
qaad
1. Mugga ay wax leeyihiin. 2. Awoodda qaadis ee wax leeyihiin. 3. ld jaad¹(1). Laamo yaryar oo u xirxiran majimo iyo marduufyo laga soo guro geedo meelo kala duwan ka baxa la cuno inta ay jilcanyihiin oo lagu marqaamo. 4. ld qaadid: magacyada lammaanan. Tus. “Dulqaadka”.
qaadaadhig
Arrin si dhab ah u faaleyn.
qaadaadhigid
ld qaadaadhig¹.
qaaddac
1. Wax diidid. 2. Xiriir goyn. 3. Dhagax lagu huufayo dhagax kale ku dhufasho.
qaaddacaad
Go'aan wax lagu diido.
qaaddan
Qof aan maskaxdiisu dhammeyn ahaansho; derderan.
qaaddanaan
ld qaaddanaansho.
qaaddanaansho
/dh ld qaaddanaan.
qaaddiro
Caajis, daal iyo hurdo la'aan ka yimaada cunidda qaadka.
qaaddo
1. Fandhaal macdan ka samaysan; malgacad. 2. Bir yar oo wareegsan ama afar gees ah oo badanaa dhexda carrab yar oo af dhuuban ku leh oo suumanka iwm inta madaxa lagaga xiro, dacalka kale daldaloolladiisa la suro oo lagu qabto. 3. eeg qaa'id.
qaadid
ld qaad¹ (4), qaadis.
qaado
1. Wax meel yiil meel kale geysasho. 2. Wax milkintooda la wareegid. 3. Talo, fikrad, dawo iwm ku dhaqmid. 4. U q.: wax si gaar ah u aqoonsasho, u malayn. 5. Naag guursasho. 6. U q.: wax,wax kale ku gudasho.
qaadqaad
Tuug aan weynayn.
qaadqamax
Qof qaadka aad u cuna.
qaadsii
1. Wax la ekeysiin, wax lagu shubi karo ama lagu ridi karo ama la saari karo. 2. Xoog ama tabcid wax ku oggoleysiin. 3. Cudur cid ku ridid. 4. Nafley meel marin.
qaadsiin
ld qaadsiis.
qaadwale
Qof ka ganacsada qaadka.
qaaf
Xarafka kow iyo labaatanaad oo alifka carbeedka magaciisa. ld qa'.
qaafi
1. Is macnayn. 2. Qof aan dhegeysanin iska yeelid. ld qaafee.
qaafil
1. Q. ah: qof aan si sahlan wax lagu dhacsiin karin. 2. Xog ogaal la'aan. 3. Qof maskaxdiisu meqantahay, maahsan.
qaafilo
Awr badan oo safar ah.
qaafiri
Baaquli.
qaafiyo
Xarafka ay ku socoto maansada. ld qaafiyad.
qaafo
1. Waayeelka taliya. 2. Xoolaha intooda waaweyn oo ay ishu qabato uguna waxtar badan. 3. Naag sharafta haween leedahay u dhan tahay.
qaajabbeel
Qof ku shaqeeya wax yar nolol maalmeedkiisa. ld gaajabbeel¹.
qaajaysnaansho
/dh ld gaajaysnaan.
qaaje
1. Midab caddaan ah oo ay farduhu yeeshaan. 2. Qof midabka jirkiisa iyo tintiisaba aad u casyihiin. ld qaajay.
qaajeer
Uskag cad oo jirka dadka, dharka iwm ku samaysma marka uu dhidid ama qoyaan gaaro isaga oo wasaq leh.
qaal
1. Laamaha cardunka ah ee ka soo baxa dhir roob ku da'ay. 2. Dhegaha ariga. 3. ld qaali.
qaalalyo
Caloosha oo kacda ama dacaroota oo sida wax laqanyaysan ay xooluhu la noqdaan, marka ay cunto ama biyo iska badshaan.
qaalalyoo
Qaalalyo ku dhicid (xoolo). ld qaalalyow.
qaalalyood
ld qaalalyoobid.

