dabbisan
Wax daawo loo helay ahaansho.
dabbisnaan
ld dabbisnaansho.
dabbisnaansho
/dh ld dabbisnaan.
dabbiso
Arrin murugsan daawaysasho.
dabboojiye
1. Bisha lixaad ee sannad qorraxeedka. 2. D.-jayaal: laba xiddigood oo waaweyn oo cirka dhiniciisa koonfur ku yaal.
dabcad
Caddad; wax la daabacay.
dabcan
fk. Sida caadiga ah.
dabci
Hab la dhaqanka dad ee qof leeyahay; baxaalli, abuur. ld dabeec (1), dabeecad (1), dabeeco, dabiicad.
dabdamis
Ciidan qaabbilsan la dagaalanka dabka. ld debdemis.
dabdheer
1. Dabka lagu dagaallamo oo loogu talaggalay in uu meel fog wax ka dilo, wadajirkiisa. 2. Colka dabkaas sita. 3. Bundug dheer.
dabdhul
Cudur maqaarka ku dhaca oo u yeela baro yaryar oo biyo leh.
dabduug
Xilli roob shuux ahi ka da'o xeebaha gobollada koonfureed, taasoo ku beegan dhammaadka dabshidka.
dabeeb
Hadal dood ah. ld dabuub (1).
dabeebasho
ld dabeebad.
dabeebo
U d.: Cid, hadal u jeedin.
dabeec
1. ld dabci¹. 2. Xiriir ka dhexeeya laba qof ama ka badan oo saaxiib ah.
dabeecad
1. ld dabci (1). 2. Noolaha iyo ma noolaha Eebbe ku abuuray dunida guudkeeda oo dhan.
dabeecadxumaan
ld dabeecadxumaansho, dabeecadxumi, dabeecadxumo.
dabeecadxumaansho
/dh ld dabeecad-xumaan.
dabeecadxun
Qof hab la dhaqan wanaagsan aan lahayn ahaansho.
dabeyl
(daaw.) Cudur dadku isu gudbiyo oo uu keeno fiirus kuna dhaca maskaxda iyo xangullaha. Fiirusku wuxu raaca saxarada qof fiiruska qaba, sidaas darteed cudurku wuxuu ku badanyahay meesha nadaafaddu ay ku yartahay, nooca dhicisooba ee cudurkaas waxa keliya oo jirrada cunaha iyo xiidmaha astaamuhuna waxay noqonayaan oo keliya caloosha oo qasanta ama durey sidiis; cudurka dabeysha oo aan curyaannimada gaarin wuxu leeyahay muruqyada oo adkaada gaar ahaan kuwa surka iyo dhabarka cudurka dabeysha oo curyaannimada wata waa ka tiro yaryahay midka aan sare ku soo sheegnay, noociisa sahlanna waxa la socda itaaldarro muruqyada ama curyaannimo. Cudurka dabeysha ee ku dhaca maskaxda waxa curyaama muruqyada neefsashada taas oo keeni karta dhiibaato neefsasho. ld dabayl¹ (5).
dabeyl-kulul
(juqr.) Dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yaqaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.
dabgaab
1. Hub meel gaaban wax ka dila. 2. Ciidan haysta hubka noocaas ah.
dabid
ld dabniin.
dabiib
1. (-bbo,m.dh) Qof yaqaan sida wax loo daaweeyo; dakhtar. 2. Dacarfal. 3. ld dabiibid.
dabiibid
ld dabiib¹ (3).
dabiici
1. D. ah: abuurista Eebbe wax ka soo jeeda. 2. D. ah: caadi.
dabin
Bir, siriq, god iwm oo loo dhigo nafleyda si loo qabto.
dabindhuud
Neef ugaar ah oo aan gelin dabinka loo dhigo.
dabinqool
1. Siriqda xarigga la rabo in wax lagu qabto. 2. Shirqool.
dabis
1. ld tabis. Cudur xoola ku dhaca oo calanaqsiga inay liqaan u diida. 2. Nooc ka mid ah deris kunnoolka caloosha dadka ku dhasha. 3. Nooc ka mid ah suuska timirta gala.
dabjoog
Xawayaanka marabbida ah iyo xoolaha la dhaqdo.
dable
Askari aan derajo lahayn.
dabley
Dad hub haysta.
dabnaan
ld dabnaansho.
dabnaansho
/dh ld dabnaan.
dabnaareed
Dab cadaabeed.
dabo
1. Xubin dhuuban, dheer, laalaadda oo lafdhabarta ku dhammaato. 2. Meesha ay nafleyda ka saxarooto; futo. 3. Sal. 4. Gadaal. 5. Dabadeed: kaddib.
dabool
1. Qalab afka laga saaro weelasha si aysan wax ugu dhicin. 2. ld daboolid.
daboolan
1. Weel iwm wax la daboolay noqosho. 2. Wax muuqaalkooda wax kale qariyey noqosho.
daboole
Cudur candhada geela ku dhaca oo ibaha xira. ld daboolo, ibadaboole, ibadaboolo.
daboolnaan
ld daboolnaansho.
daboolnaansho
/dh ld daboolnaan.
dabqaad
Qalab yar oo sida badan dhagax jilicsan ama dhoobo ka samayan oo fooxa lagu shito.
dabqabad
Birqabad.
dabqid
ld dabbaqid.
dabraac
1. D. ah: qof aan hanti lahayn oo qaraabadiisa, saaxiibbadiisa iwm hadba mid la cunteeya. 2. ld dabraacid.
dabraacid
ld dabraac¹ (2).
dabradduul
Duullaan rogaalcelis ah oo cid dhowaan la dhacay lagu sameeyo.
dabran
Wax dabar ku xirmay noqosho (nafley).
dabranaan
ld dabra-naansho.
dabranaansho
/dh eeg dabranow. ld dabranaan.
dabranow
Wax si joogto ah u dabran noqosho.
dabree
Ku d.: cid hore loogu duulay ku rogaal celin.
dabrid
Tababbar ciidamada la siiyo oo lagu baro habka xabbado rididda. ld debrid.
dabrin
Qoobka iyo kubka meesha ay iska galaan; dhaad.
dabro
1. Geed nagaar dhulka ku faalada, laamo dhuudhuuban oo jilicsan leh, xooluhu daaqaan oo dooxooyinka ka baxa. 2. (-ooyin, m.l) Weerar rogaal celis ah.
dabsaar
1. Sabuulka isagoo aan bislaan oo weli curdan ah beerta laga gooyo, ka dibna inta god lagu guro la dubo. 2. Weel kasta oo dab la saaro.
dabshid
Dabbaaldeg lagu maamuuso dhammaadka sanad qorraxeedka soomaaliyeed oo ku aaddan toddobaadka u dambeeya bisha Luulyo, laguna xuso ciyaaro kala duwan iyo dab la shido.
dabsii
Ilmo xoolaad, yar, aan hooyo lahayn, neef kale nuujin.
dabsoon
Daawo loo isticmaali jiray daweynta baraska ama juudaanka.
dabtuur
1. ld dabshid. 2. Cayaar carruurtu cayaarto. 3. ld dabrid.
dabuub
1. ld dabeeb. 2. Meel hoobad ah.
dabuubasho
ld dabuubad.
dabuubo
1. ld dabeebo.2. Meel hoobad ah ka daaddigid.
dabuuq
D. ah: xarig dun laga sameeyo oo fardaha lagu jareeyo.
dabweyn
1. Hub culus oo lagu dagaalamo. 2. Col hub culus ku dagaalama. ld debweyn.
dac
Biyo wasakh ah oo ku hara kaalinka ay xooluhu ka cabbaan.
dacal
Daraf, dhinac, cirif.
dacalmadow
Qori qaar ka mid ahi gubtay.
dacar
Dhismo weyn oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan oo laga dhiso qabuuraha wadaaddada waaweyn oo marka la siyaaranayo dadku harsado.
dacaraysan
Qof dacar haysa ahaansho.
dacaraysnaan
ld dacaraysnaansho.
dacaraysnaansho
/dh ld dacaraysnaan.

