Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 30 of 58.
dharbaaxaysan
Qof la dharbaaxay ahaansho. ld dhirbaaxaysan.
dharbaaxaysnaan
ld dharbaaxaysnaansho, dhirbaaxaysnaan.
dharbaaxaysnaansho
/dh ld dharbaaxaysnaan.
dharbaaxid
ld dharbaaxayn, dhirbaaxayn, dhirbaaxid.
dharbaaxo
Sacab furan oo si xoog leh wax loogu dhufto. ld dharbaax¹, dhirbaax¹, dhirbaaxo.
dharbeel
Qof arradid.
dharbi
1. Biyo yar wax ku qoyn. 2. Qof ulayn. 3. ld dharki.
dharbin
1. ld dharbis. eeg dharbi. 2. ld dharqin.
dharcad
Qayb booliska ka mid ah oo u qaybsan dambi baarista oo labbis caadi ah qaata.
dhardhaar
1. Dhagxaanta dabka ku wareegsan oo dheriga wax lagu karinayo la korsaaro midkood. 2. Dhagax weyn oo la qaadi karo. 3. ld dhardhaarid. ld dhadhaar¹.
dhardhaar4
Weel wax lagu karinayo dhagxaan u dhigid. ld dhadhaar².
dhardhaaran
Weel wax lagu karinayo, wax la dhardhaaray ahaansho. ld dhadhaaran.
dhardhaarasho
ld dhadhaarad, dhadhaarasho, dhadhaarad.
dhardhaarid
ld dhadhaar¹, dhadhaarid, dhardhaar¹.
dhardhaarnaan
ld dhadhaarnaan, dhadhaarnaansho, dhardhaarnaansho.
dhardhaarnaansho
/dh ld dhardhaar-naan.
dhardhaaro
Weel wax lagu karinayo dhardhaar u samaysasho. ld dhadharo.
dhardhaq
Xoolaha la qasho ama cuntada la cuno marka mayd la aasayo.
dhardhigo
Qof isqaawin.
dharee
Wax dhar u yeelid.
dhareer
1. Qoyaan layiig ah oo nafleyda afkeeda ka yimaada; cay. 2. ld dhareerid.
dhareerid
ld dhareer¹ (2).
dhareerrey
Kalaggoysyada xubnaha oo biyuhu ku jiraan sida lawga iyo canqawga middood.
dhargal
Nooc dibqallooca ka mid ah oo jurmi yar.
dharid
ld dhadid.
dhariin
Meel badanaa dhagax ah oo biyo ka soo dindimaayaan.
dharjo
Geed nagaar laamo iyo caleemo jilicsan leh oo xooluhu aad u jecelyihiin.
dharkayn
Geed dheer, cananna kulul leh, loox wanaagsan laga samayn karo.
dharla'
Kubka dhankiisa hore ee hilibku ku yaryahay; xoog.
dharla'aan
'². ld dharla'aansho, dharra'aan, dharra'aansho.
dharla'aansho
/dh ld dharla'aan.
dharnaan
ld dharnaansho.
dharnaansho
/dh ld dharnaan.
dharoor
Dhul sare oo buuraley ah.
dharqasaal
Qof dharka mayra oo lacag ka tacba; doobbi.
dharqasho
ld dharqad.
dharqi
Candho dharaq ka maalid ama nuugid. ld dharbi (3).
dharqin
ld dharbin (2).
dharqo
Ka dh.: noole, cunto ama cabbid ka dhergid.
dharra'
'².
dharra'aan
'aan.
dharra'aansho
/dh ld dharla'aan.
dharrici
Ceeb weyn; bayuur. ld dhirrici.
dharrooc
Baqdin weyn oo qofku la jareeyo.
dharruur
Wax si taxaddar leh u shubid.
dharsamayn
ld dharsamays.
dharsamee
Dhar ama maro samayn.
dharsameeye
Qof ka shaaqaya warshadaha dharka; dunmiiqe.
dhartol
Dawaarle, harqaanle. ld dhartole.
dharxiro
Habka dharka u lebbisasho.
dhas
Ayax, ukun dhul ku aasid.
dhase
Nooc dixiriga ka mid ah, ka dhasha meelaha ay wasakhda ku ururto oo xoolaha iyo dadkaba jirkooda gala.
dhasheeg
Biyakuhar; balli; laas.
dhasho
Sabiisha inteeda muuqata.
dhashuumid
ld dhashuun¹ (2).
dhashuun
1. Dhacaan adag oo meel bugta ka yimaada; malax, milil. 2. ld dhashuumid.
dhasiig
1. Dhega-adayg. 2. ld dhasiigid ld dhansiig¹.
dhasiigid
ld dhansiig¹, dhansiigid, dhasiig¹ (2).
dhasiiq
Bakhayl.
dhataq
Cod lagu muujiyo wax, wax aad cumur u ah, ku dhacaya.
dhaw
1. Wax nabar ku dhufasho. 2. Nin, naag u galmood. 3. ld dhaaw².
dhawaaji
Ka dh.: wax dhawaaq ka keenid.
dhawaan
(2).
dhawaansho
/dh ld dhowaan (1).
dhawaaq
1. Cod dheer oo afka laga yiraahdo; qaylo; (muus.) dh. muusiqada. 2. ld dhawaaqid.
dhawaaqid
ld dhawaaq¹ (2).
dhawaati
Raad ka samaysmay geel badan oo isdaba socda waqti dhado jirto.
dhawanaansho
/dh ld dhaawanaan.
dhawdhaw
Gargaraacidda; dubbaynta.
dhawdhawle
Shimbir dhoor iyo af dhuuban oo xooggan leh oo hoygeeda geedaha ka samaysata. ld dhawdhawley.
dhawee
/mg2 (-weeyay, -weysay) ld dhowee.

