0

dhisaalid

m f dh

Eeg: dhisaal²

0

dhisaalnaan

m f dh

ld dhisaalnaansho.

0

dhisaalnaansho

m l

/dh ld dhisaalnaan.

0

dhisaalo

f g3 (-aashay, -aalatay)

Dhisaal sameysasho (qof).

0

dhisad

m l

Eeg: dhisasho

0

dhisan

f mg1 (-smay, -santay; -smi)

1. Aqal, dugsi iwm wax la sameeyey noqosho. 2. Xubno dowladeed oo cusub wax la magcaabay noqosho. 3. Qoys cusub wax la aasaasay noqosho. 4. Harag qoyan oo la togay wax la engejiyay noqosho. 5. Wax jira oo tiirar adag leh noqosho.

0

dhisasho

m f dh

ld dhisad.

0

dhise

m l (-sayaal, m.l/dh)

Fuundi; wastaad.

0

dhisid

m f dh

ld dhis¹ (3), dhisniin.

0

dhisiq

m dh (-qyo, m.dh)

Geed weyn, sal balaran, caleemo yaryar, qori adag, har yar leh oo kooraha, fandhaalada iwm laga qoro. ld bisiq, dhosoq.

0

dhisme

m l

Dhismo shay sida, waddan, mujtamac, ama ururo salkoodu uu yahay, sida hawlaha kala duwan ee ay qabtaan, iyo qalabka loo baahan in lagu fuliyo.

0

dhismid

m f dh

Eeg: dhisan¹

0

dhismo

m l

/dh 1. Farsamada iyo habka wax loo dhiso. 2. (-ooyin, m.l) Wax dhisan sida guri, xafiis iwm. 3. Qoryaha, sarabka iwm ee guryaha qaarkood lagu dhiso. 4. Isku-dubbarididda iyo habeynta gabay in muddo ah.

0

dhisnaan

m f dh

ld dhisnaansho.

0

dhisnaansho

m l

/dh ld dhisnaan.

0

dhisniin

m l

Eeg: dhisid

0

dhiso

f g3 (-stay, -satay)

1. Aqal, dugsi, xafiis iwm samaysasho. 2. Xubno maamul dawlad oo cusub magcaabasho. 3. Qoys cusub asaasasho. 4. Harag la togay engegsasho.

0

dhisteri

m l (-iyo, m.dh)

Eeg: dhesteri

0

dhitayn

m f dh

ld dhitays.

0

dhitays

m l

Eeg: dhitayn

0

dhitee

f g2 (-teeyay, -taysay)

Caano kaydin.

0

dhiti

m l

Geedka xaskusha.

0

dhitin

m dh

Eeg: dhutin

0

dhitis

m l

Eeg: dhutin

0

dhito

m dh (-ooyin, m.l)

Caano loo keydiyey in la lulo ama la dhamo.

0

dhixid

m f dh

ld dhixis.

0

dhixir

m l

Dabci; camal.

0

dhixis

m dh

Eeg: dhixid

0

dhogof

m l

/dh Weel yar oo godan oo wax lagu dhurto.

0

dhogofsasho

m f dh

ld dhogofsi.

0

dhogofsi

m l

Eeg: dhogofsasho

0

dhogofso

f g3 (-saday, -satay)

Dhogof hoore dardarsasho.

0

dhogor

m dh

1. Timaha xoolaha ugaarta, dugaagga iwm dushooda ka baxa. 2. Dh. ah: Tiro go'an oo xoolo nool ah.

0

dhogordhacsad

m l

Eeg: dhogordhacsasho

0

dhogordhacsasho

m f dh

ld dhogordhacsad, dhogordhacsi.

0

dhogordhacsi

m l

Eeg: dhogordhacsasho

0

dhogordhacso

f mg3 (-saday, -satay)

Xoolo, dugaag iwm dhogor cusub u soo bixid, isaga oo araggiisu wanaagsanaaday.

0

dhogorrogad

m l

Eeg: dhogorrogasho

0

dhogorrogasho

m f dh

ld dhogorrogad.

0

dhogorrogmad

m l

Eeg: dhogorrogmasho

0

dhogorrogmasho

m f dh

ld dhogorrogmad.

0

dhogorrogmo

f mg3 (-maday, -matay)

Neef xoolo ah caatoobid.

0

dhogorrogo

f mg3 (-gtay, -gatay)

Xoolo, dugaag iwm dhogor cusub u soo bixid, isagoo araggiisu wanaagsanaaday.

0

dhogorsamaan

m f dh

ld dhogorsami.

0

dhogorsami

m l

/dh ld dhogorsamaan.

0

dhogorsan

f mg4 (-amaa, -amayd)

Wax arag wanaagsan ahaansho (nafley).

0

dhohondhoh

f mg1 (-hay, -hday)

Nafley, bogga iyo caloosha isku dhegid baahi darteed.

0

dhohondhohid

m f dh

Eeg: dhohondhoh

0

dholol

f mg1 (-olay, -oshay)

Ku dh.: arrin horay si faahfaahsan looga hadlay ku celcelin.

0

dhololid

m f dh

Eeg: dholol

0

dhombol

m dh

Eeg: dhambal²

0

dhoob

m l

1. Dhoobo. 2. Weel dhoobo laga sameeyey.

0

dhoobad

m l

Eeg: dhoobasho

0

dhoobammiir

m l (-rro, m.dh)

Wax biyaha dhoobada lagaga miiro.

0

dhoobammiirad

m l

Eeg: dhoobammiirasho

0

dhoobammiirasho

m f dh

ld dhoobammirad.

0

dhoobammiirid

m f dh

Eeg: dhoobammiir²

0

dhoobammiiro

f g3 (-rtay, -ratay)

Biyo qasan miirasho.

0

dhooban

f mg1 (-bmay, -bantay; -bmi)

1. Wax badan oo meel isugu urursan noqosho. 2. Wax salaaxmay noqosho (guri, xafiis iwm). 3. Wax waabaayo marsantahay noqosho (fallaar, gammuun iwm).

0

dhoobasho

m f dh

ld dhoobad.

0

dhoobbi

m l (-iyo, m.dh)

Nin geel ijaar ku ilaasha; qowsaar.

0

dhoobee

f g2 (-beeyay, -beysay)

Wax dhoobo ku maluuqid.

0

dhoobey

m l

/dh 1. Dhul markuu roob ku da'o ciiddiisu noqoto dhiiqo aan lagu socon karin. 2. Dhul ciiddiisu dhoobo tahay; carramadow.

0

dhoobeyn

m f dh

Eeg: dhoobee

0

dhoobeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax dhoobo la mariyey ahaansho.

0

dhoobeysasho

m f dh

Eeg: dhoobeyso

0

dhoobeysnaan

m f dh

ld dhoobeysnaansho.

0

dhoobeysnaansho

m l

/dh ld dhoobeysnaan.

0

dhoobeyso

f g3 (-stay, -satay)

Wax dhoobo marsasho.

0

dhoobid

m f dh

Eeg: dhoob³

0

dhooble

m l (-ayaal, m.l/dh)

(juqr.) Dhagax wareegsan oo baraf weyne uu ka soo qaaday meeshiisii hore geeyayna fogaan door ah; baraf weynuhu markuu dhalaalana halkuu ku dhalaalay ayaa looga tagaa dhagaxaas.

0

dhooblow

m l (-wyo, m.dh)

Koob ama baaquli dhoobo ka samaysan.

0

dhoobmid

m f dh

Eeg: dhooban¹

0

dhoobnaan

m f dh

ld dhoobnaansho.

0

dhoobnaansho

m l

/dh ld dhoobnaan.

0

dhoobo

m dh

Ciid budo ah, qoyan oo is haysata.

0

dhoobo-guduud

m dh (jool.)

Nooc tuullimaad oo daboola meelaha hooseeya iyo moolka gunta bad weynta, meelahaas oo gundhererkoodu 4.000 oo mitir uu ka badanyahay; dhoobo guduudaasi waxay sida badan ka kooban tahay walaxaan orgaanig ahayn.

0

dhooboobid

m f dh

Eeg: dhoobow

0

dhoobow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Dhoobo noqosho.

0

dhoocil

m l (-llo, m.dh)

Rati weyn; xaas-walwaal.

0

dhoocilnimo

m dh

Dhoocil ahaansho.

0

dhood

m l

Faan; baan; tookh.

0

dhooddi

m dh

Dhul ciiddiisu dibir tahay.

0

dhoodhow

m l

Nooc cambaha ka mid ah oo buruq badan leh.

0

dhoodid

m f dh

Eeg: dhood²

0

dhoof

m l

1. (-faf, m.l) Dalka oo dibadda laga aado. 2. (-faf, m.l) Badeeco dibadda laga keeno. 3. ld dhoofid.

0

dhoofi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Qof dal kale u dirid. 2. Badeeco dal kale u iibgeyn.

0

dhoofid

m f dh

ld dhoof¹ (3).

0

dhoofin

m f dh

ld dhoofis.

0

dhoofis

m l

Eeg: dhoofin

0

dhoofiye

m l (-yayaal, m.l/dh)

Qof badeeco dal kale u iibgeeya.

0

dhoofsan

f mg4 (-sanaa, -sanayd)

1. Wax la dhoofiyay ahaansho. 2. Wax la soo dhoofiyay ahaansho.

0

dhoofsanaan

m f dh

ld dhoofsanaansho.

0

dhoofsanaansho

m l

/dh ld dhoofsanaan.

0

dhoofsasho

m f dh

Eeg: dhoofso

0

dhoofso

f g3 (-saday, -satay)

Badeeco dal kale u iibgeysasho.

0

dhoohan

f mg4 (-hanaa, hanayd/-hnaa, -hnayd)

Qof had iyo jeer aan feejignayn oo waxa hareerihiisa ka dhacaya aan la socon.

0

dhoohanaan

m f dh

ld dhoohanaansho, dhoohnaan, dhoohnaansho.

0

dhoohanaansho

m l

/dh ld dhoohanaan.

0

dhoohnaan

m dh

Eeg: dhoohanaan