Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 36 of 58.
dhibeysnaan
ld dhibeysnaansho.
dhibeysnaansho
/dh ld dhibeysnaan.
dhibi
Madowga maraqsaarka awrta qooqan ka muuqda kana samaysma kaadi uu isku sayray. ld dhebi².
dhibib
Xaalad daran oo si kedis ah qof ugu dhacda, sida badanna saameysa dhinac dhan oo jirka ka mid ah, waxaana keena dhiigga oo ka kala go'a qayb ka mid ah maskaxda.
dhibibtirnaansho
/dh ld dhibiibtirnaan.
dhibic
1. In yar oo hoore qaab kankoonsan leh oo meel ka soo go'a. 2. Tirada tartan, imtixaan, ciyaar iwm laga keeno. Tus. “Cali imtixaanka wuxuu keenay konton dhibcood”. 3. Roob xoog leh. 4. Joogsi.
dhibidhisasho
ld dhebidhisad, dhebidhisasho, dhebilisad, dhebilisas.
dhibidhiso
Dhibi isku sayrin (rati qooqan ama dagaal maaggan). ld dhebidhiso, dhebiliso, dhibiliso.
dhibiib
1. Suuxdinta ku timaadda qof dhiig badani ka baxay, dhiigbax. 2. ld dhibiibid. ld dhibib¹.
dhibiibid
ld dhibibid, dhibiib¹ (2).
dhibiibtir
1. Nafaqo la siiyo qof dhiig badani ka soo baxay. 2. ld dhibiibtirid. ld dhibibtir¹.
dhibiibtiran
Wax la dhibiibtiray ahaansho. ld dhibibtiran.
dhibiibtirid
ld dhibibtirid, dhibiibtir¹ (2).
dhibiibtirnaan
ld dhibibtirnaan, dhibibtirnaannsho, dhibiibtirnaansho.
dhibiibtirnaansho
/dh ld dhibiibtirnaan.
dhibiin
Biyo mareen yar oo ka dillaaca togagga.
dhibiqdhibiq
Fal aan laga fiirsan. ld dhubuqdhubuq.
dhibley
Haweeney dadka dhibta.
dhiblow
Nin dadka dhiba.
dhibniin
Dhibaato badan.
dhibsasho
ld dhibsad.
dhibso
Wax dhib u qaadasho.
dhibtoo
Dhib la kulmid (qof).
dhici
/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax la dhacay badbaadin. 2. (f.g) Ilmo dhicis ah dhalid. 3. (f.mg) Ka dh.: cid wax ka daaficid.
dhicid
ld dhicis², dhicitaan.
dhicin
ld dhicis¹ (2).
dhicis
1. Ilmo dhashay iyagoon bilahoodii dhammaysan. 2. ld dhicin¹.
dhicisnimo
Dhicis ahaansho.
dhicisow
1. Dhicis noqosho. 2. Wax fashilmid.
dhidar
1. Weer. 2. Jaad libaax badeedka ka mid ah. ld dhider.
dhidban
Wax si aad ah dhulka loogu adkeeyey ahaansho.
dhidbanaan
ld dhidbanaansho.
dhidbanaansho
/dh ld dhidbanaan.
dhidbid
ld dhidib¹ (3).
dhiddigee
/mg2 (-geeyay, -geysay) ld dheddigee.
dhiddo
Caanaqub; kashiito.
dhidhiin
Dhasha ariga mid ka mid ah oo dhicis ah ee aan weyn noqonin.
dhidhin
Buur bacaad ah.
dhidib
1. Qori dheer, xooggan, af fiiqan leh oo godadka aqal soomaaliga lagu qodo. 2. Qori yar oo godka dabinka gees laga geliyo oo lagu celiyo fitiligta. 3. ld dhidbid.
dhidib-dhuleed
(c.fal.) Xarriiq la mala awaalay oo isku xira cidhifka woqooyi iyo kan koonfureed, marana bartamaha dunida oo dhulku isku rogo hal mar afar iyo labaatankii saacadood. Dh. dh.ku wuxuu la leeyahay janjeer ah 66° 30 sallaxa majiiraha dhulka.
dhidib-wareeg
(c.fal.) Xarriqda uu xood ama walaxi ku dul wanniinayo (eeg dhidib).
dhidid
1. Qoyaan dufan leh oo oogada nafleyda ka soo baxa kolkay qorrax darteed ama xanuun la kululaato. 2. ld dhididid.
dhididdhawr
Wax dhididka celintiisa loo qaato sida funaanadda, jaanta kore ee kabaha iwm.
dhididi
Nafley jirkeeda
dhididid
ld dhidid¹ (2).
dhididin
ld dhididsiin.
dhididsan
Wax dhididay ahaansho.
dhididsanaan
ld dhididsanaansho.
dhididsanaansho
/dh ld dhididsanaan.
dhif
1. Nabsi. 2. Dh. ah: wax aan badanaa la arag ama la helin.
dhifad
1. Si kedis ah oo xoog badan wax u jiidid. 2. ld dhifasho. ld dhufad.
dhifasho
ld dhifad, dhufad, dhufasho.
dhifnimo
Dhif ahaansho.
dhifo
/mg3 (-ftay, -fatay) 1. (f.g) Si xoog iyo dhaqso leh wax u jiidid. 2. (f.mg) Ku dh.: wax, wax la dhicid. 3. (f.mg) Ku dh.: maanso ku luqayn. 4. (f.mg) Isku dh.: laba tiro tarankooda soo saarid. 5. (f.mg) Carrabka ku dh.: wax soo hadal qaadid. ld dhufo.
dhifsasho
ld dhifsad, dhiftin, dhufsad, dhufsasho, dhuftin.
dhifso
Si xoog iyo dhaqso leh wax u jiidasho. ld dhufso.
dhiftin
Guntinta xarigga in yar oo ka soo taagan oo la jiido marka la rabo in deg-deg loo furo. ld dhifsasho.
dhig
Wax laba meelood loo qaybshey, middood.
dhig4
/mg1 (-gay, -gtay) 1. (f.g) Wax la siday meel saarid. 2. (f.g) Wax keydin. 3. (f.g)Qalin, teeb iwm wax ku qorid. 4. (f.g) Cid wax barid. 5. (f.mg) Ka dh.: wax meel saaran dejin. 6. (f.mg) Ka dh.: wax, wax uu la cararayo ka ridid. 7. (f.mg) Ka dh.: cid jago u magacaabid. 8. Ka dh.: wax in uu yahay wax aan lugu hubin u qaadasho. 9. Kala dh.: wax kala saarid. 10. Sabab uga dh.: wax dhaca cid u aanayn.
dhigaal
Wax meel la dhigto si waqti dambe loogu aayo (kayd).
dhigaali
Wax kaydin.
dhigaalis
Dhul dhowr jeer la beeray oo loo nasinaayo in mar kale la beero.
dhigan
1. Wax la kaydiyey noqosho. 2. U dh.: wax, wax kale la qiima ah noqosho. Tus. “Macawistu waxay u dhigantaa shaalka”.
dhigasho
ld dhigad.
dhigaysan
Rati la raraayo wax dhiga loo yeelay ahaansho.
dhigaysnaan
ld dhigaysnaansho.
dhigaysnaansho
/dh ld dhigaysnaan.
dhigdhexo
1. Dhig weyn oo bartamaha aqalka miyiga marka ladhisaayo lagu dhiririyo. 2. (juqr.) Xariiqaha dhulka cirifkiisa waqooyi ka bilowda oo kan koonfur ku dhammaada, mid ka mid ah oo waqtiga lagu qiyaaso.
dhigdhig
1. Meel ciriiyoon; jiqjiq. 2. Dh. ah: wadiiqo yar oo ciriiri ah. 3. (sh.r) Cod lagu muujiyo lulashada (wax yar).
dhigdhigsii
Ka dh.: wax dhaqdhaqaajin. Tus. “Ridii dabadey ka dhigdhigsiisay”.

