0

dhiigyaro

m dh

Eeg: dhiigyaraan

0

dhiiji

f g

/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Ib, dalool iwm dareere ka keenid. 2. (f.mg) Ka dh.: jir nafley dhiig ka keenid.

0

dhiijin

m f dh

ld dhiijis.

0

dhiijis

m l

dhiil¹ m.l (-lal, m.l) Haruubka dhiisha lagu daboolo.

0

dhiil

m dh (-lo, m.l)

Weel tolay ah, sidde iyo aabur leh, aagaanta ka yar oo caanaha lagu shubto.

0

dhiillaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Cid dhiillo gashay ahaansho.

0

dhiillaysnaan

m f dh

ld dhiillaysnaansho.

0

dhiillaysnaansho

m l

/dh ld dhiillaysnaan.

0

dhiillo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Colaad iyo dhibaato. 2. Welwel iyo cabsi.

0

dhiilloo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Dhilloo dareemid.

0

dhiillood

m f l

Eeg: dhiilloo

0

dhiiltole

m l (-layaal, m.l/dh)

Dhiil farsamayaqaan.

0

dhiimi

f g2 (-iyay, -isay)

Meel dheecaan yar ka keenid.

0

dhiimid

m f dh

Eeg: dhiin²

0

dhiimin

m f dh

Eeg: dhiimi

0

dhiin

m l

1. Dheecaan yar, layiig ah, oo ka yimaadda miraha, geedaha, nabarrada iwm 2. Midab aad u guduudan.

0

dhiinbax

m l

Eeg: liinbax¹

0

dhiinbixid

m dh

Eeg: liinbixid

0

dhiinmeged

m l

Midab lo'aad dhiin ah oo yara madow ku jiro.

0

dhiinsad

m l

Eeg: dhiinsasho

0

dhiinsasho

m f dh

ld dhiinsad, dhiinsi.

0

dhiinsi

m l

Eeg: dhiinsasho

0

dhiinso

f g3 (-saday, -satay)

Dhacaan yar, miro iwm ka tuuqsasho.

0

dhiinsoole

m l (-layaal, m.l/dh)

Marada sariiraha lagu goglo.

0

dhiinto

m dh

1. Waxyaalaha miraha laga dhiimiyo. 2. Dhiin laga miiro caw baarta oo la cabbo; shalabow.

0

dhiiq

m dh

1. Xoolo la lisayo inta hal mar naaska ka soo baxda. 2. In yar oo dareere ah oo hal mar la dhiijiyo.

0

dhiiqad

m l

Eeg: dhiiqasho

0

dhiiqasho

m f dh

ld dhiiqad.

0

dhiiqid

m f dh

ld dhiiqis.

0

dhiiqis

m dh

Eeg: dhiiqid

0

dhiiqo

m dh

1. Dhoobo aad u qoyan. 2. Xabaqbarsho.

0

dhiiqoobid

m f dh

Eeg: dhiiqow

0

dhiiqow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Dhiiqo noqosho.

0

dhiiqsad

m l

Eeg: dhiiqsasho

0

dhiiqsasho

m f dh

ld dhiiqsad.

0

dhiiqsin

m dh

In yar oo caano ah oo hal mar naas laga dhiijiyo.

0

dhiiqso

f g3 (-saday, -satay)

Neef xoolo ah mar naaskiisa caano ka tuuqsasho.

0

dhiirfin

m l

Nooc digirta ka mid ah, yaryar, oo cagaaran; salbuko.

0

dhiirran

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax aan cabsanayn ahaansho (nafley).

0

dhiirranaan

m f dh

ld dhiirranaansho (2).

0

dhiirranaansho

m l

/dh eeg dhiirranow. ld dhiirranaan.

0

dhiirranow

f mg3 (-naaday, -naatay)

Wax dhiirran noqosho (nafley).

0

dhiirrasho

m f dh

Eeg: dhiirro

0

dhiirri

m dh

Cabsi la'aan; geesinnimo.

0

dhiirrigeli

f g2 (-iyay, -isay)

Hadal cid lagu geesinnimo gelid si ay ku tallaabsato fal.

0

dhiirriggelin

m f dh

ld dhiirriggelis.

0

dhiirriggelis

m l

Eeg: dhiirrggelin

0

dhiirrin

m f dh

Eeg: dhiirri²

0

dhiirro

f mg3 (-raday, ratay)

Arrin si geesinnimo leh u qaabbilid (qof).

0

dhiirtaxaniinyo

m dh u

Eeg: dheertaxaniinyo

0

dhiito

m dh

1. Neef geela oo cayilan. 2. Finan waaweyn oo dadka ka soo baxa.

0

dhijaan

m dh

Eeg: jidhaan

0

dhikil

m dh (-llo, m.dh)

Dhiil yar oo carruurta caanaha loogu shubo.

0

dhil

f g1 (-ilay, -ishay)

1. Qolofta kore ka qaadid (miro iwm). 2. Diriqa ka bixin (caw, xaskul iwm). 3. Luumo (galley, haruur iwm) oo isku meel ka baxay qaarkood siibid. 4. Timo qurxiin.

0

dhilad

m l

Eeg: dhilasho

0

dhilan

f mg1 (-lmay, -lantay; -lmi)

1. Miro qoloftii iyo diirkii laga qaaday noqosho. 2. Diriqii laga bixiyey noqosho (caw, xaskul iwm). 3. Timo la qurxiyey noqosho. 4. Luumo galley, haruur iwm wax la siibay noqosho si aanay isu gubin.

0

dhilasho

m f dh

ld dhilad.

0

dhildhil

f g1 (-ilay, -ishay)

Wax finjilid.

0

dhildhilan

f mg1 (-lmay, -lantay; -lmi)

Wax la dhildhilay noqosho.

0

dhildhilid

m f dh

Eeg: dhildhil

0

dhildhilmid

m f dh

Eeg: dhildhilan

0

dhilid

m f dh

Eeg: dhil

0

dhilif

m l (-lfo, m.l)

Mara yar oo calal ah; duug.

0

dhililis

m dh (-syo, m.l)

Mindi aan daab lahayn.

0

dhiliq

m l

/dh ld dhillis.

0

dhiliqsad

m l

Eeg: dhillisasho

0

dhiliqsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: dhillisan

0

dhiliqsanaan

m dh

Eeg: dhillisnaan

0

dhiliqsanaansho

m l

/dh ld dhillisnaan.

0

dhiliqsasho

m dh

Eeg: dhillisasho

0

dhiliqsi

m l

Eeg: dhillisasho

0

dhiliqso

f g3 (-saday, -satay)

Eeg: dhilliso

0

dhilis

m dh

Mindida, masaarta, toorrayda iwm oo aan daab lahayn.

0

dhilisnimo

m dh

Dhilis ahaansho (mindi iwm).

0

dhillah

m l

Eeg: dhannax

0

dhillannimo

m dh

Dhillo ahaansho.

0

dhillay

m l

Nin naagaha aad ugu mamman; macsilow.

0

dhillaysad

m l

Eeg: dhillaysasho

0

dhillaysasho

m f dh

ld dhillaysad, dhillaysi.

0

dhillaysi

m l

Eeg: dhillaysasho

0

dhillayso

f mg3 (-stay, -satay)

Macsi sameyn (qof).

0

dhilli

f g2 (-iyay, -isay)

Mindi, masaar, toorray, iwm daab ka saarid. ld dhilqi.

0

dhillin

m f dh

ld dhilqin, dhilqis.

0

dhillis

m l

/dh Mindi, masaar, toorray iwm oo aan daab lahayn. ld dhiliq.

0

dhillisan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax daabkii laga saaray ahaansho (mindi, masaar, toorray iwm). ld dhiliqsan.

0

dhillisasho

m f dh

ld dhiliqsad, dhiliqsasho, dhiliqsi, dhilqad, dhilqas

0

dhillisnaan

m f dh

ld dhiliq-sanaan, dhiliqsanaansho, dhillisnaansho.

0

dhillisnaansho

m l

/dh ld dhillisnaan.

0

dhilliso

f g3 (-stay, -satay)

Mindi, masaar, toorray iwm daab ka baxsasho. ld dhiliqso, dhilqiso, dhilqo.

0

dhillo

m dh (-ooyin, m.l)

1. Naag jirkeeda ka ganacsata. 2. Dalagga digirta, meseggada, galleyda marka ay laba dhegood ka yihiin.

0

dhilloobid

m f dh

Eeg: dhillow

0

dhillow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Dhillo noqosho (naag).

0

dhilmaanyo

m dh

1. Cayayaan duula, leh afar baal, lix lugood af dhuuban leh oo ay xoolaha iyo dadka dhiigga kaga nuugto. 2. Cudur kaneecada laga qaado; duumo; dhaxan.

0

dhilmid

m f dh

Eeg: dhilan¹

0

dhilnaan

m f dh

ld dhilnaansho.

0

dhilnaansho

m l

/dh ld dhilnaan.

0

dhilo

f g3 (-ishay, -ilatay)

1. Sabuul galley iwm qolof ka qaadasho. 2. Caaw iwm diir ka baxsasho. 3. Timo feerasho.

0

dhilowyahan

m l

Geed yar oo caleemo jilijilicsan leh oo geedaha ku dul baxa.

0

dhilqad

m l

Eeg: dhillisasho

0

dhilqasho

m dh

Eeg: dhillisasho