Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 37 of 58.
dhigdhiko
Qufac isdaba joog ah; riiraxyo.
dhigdhikoo
Si isdaba joog ah u quficid; riiraxyood.
dhigee
1. Aqal miyi la dhisaayo dhigo u yeelid. 2. Rati la raraayo dhigo ka taagid.
dhigid
ld dhigis, dhigniin.
dhigmo
Qoraalka farta.
dhignaan
ld dhignaansho.
dhignaansho
/dh ld dhignaan.
dhigo
/mg. 3 (-gtay, -gatay) 1. (f.g) Wax la hayay meel saarasho. 2. (f.g) Wax kaydsasho. 3. (f.g) Cashar qorasho. 4. (f.g) Dugsi wax ka barasho. 5. (f.g) Ballan, heshiis iwm cid la gelid. 6. (f.mg) Ka dh.: wax, wax kale u beddelasho. 7. (f.mg) Is dh.: qof khatar iwm oo ku soo fool leh oo loo baahnaa in uu ka gaashaanto ka seexasho.
dhihid
ld dhihitaan.
dhiib
/mg1 (-bay, -btay) 1. (f.g) Wax la hayo qof kale gacanta u gelin. 2. (f.g) Lacag, mushaar, deyn iwm bixin. 3. (f.mg) Is dh.: cid isu gacan gelin. 4. (f.mg) U dh.: cid wax u dirid.
dhiibaal
/dh 1. Hanti iib loo wado oo qofkii lahaa uusan la socon oo cid kale gadayso. 2. Dh. ah: rati dhaan ah oo ciddii lahayd aysan wadan.
dhiibasho
ld dhiibad.
dhiibi
Maro, harag iwm togid si jactadku uga ba'o.
dhiibid
ld dhiibis².
dhiibin
ld dhiibis¹.
dhiibitir
Cid dhaawac ah israacin.
dhiibitiran
Wax la israaciyay ahaansho (qof dhaawac ah).
dhiibitirnaan
ld dhibitirnaansho.
dhiibitirnaansho
/dh ld dhiibitirnaan.
dhiibo
1. Wax la hayo cid kale u gudubsasho. 2. Wax qof leeyahay cid kale ku ammaanaysasho.
dhiibsan
Maro, harag iwm wax la dhiibiyey noqosho.
dhiibsanaan
ld dhiibsanaansho.
dhiibsanaansho
/dh ld dhiibsanaan.
dhiibsasho
ld dhiibsad, dhiibsi.
dhiibso
Maro, harag iwm giijisasho.
dhiico
Deri.
dhiidhi
1. Caro qiiro leh oo cid fal xun loo geystay muujiso; xanaaq. 2. ld dhiidhiyid.
dhiidhi4
Cid fal xun loo geystay caro qiiro leh muujin.
dhiidhiib
Fadhi luguhu u fidsanyihiin fariisasho (qof).
dhiidhiibi
Qof fadhiya, luga fidin.
dhiidhiibsan
Qof isagoo fadhiya wax lugaha fidsaday ahaansho.
dhiidhiibsanaan
ld dhiidhiibsanaansho.
dhiidhiibsanaansho
/dh ld dhiidhiib-sanaan.
dhiidhiibsasho
ld dhiidhiibsad, dhiidhiibsi.
dhiidhiibso
Qof isagoo fadhiya lugaha fidsasho; dhiidhiib u fariisasho.
dhiidhiin
Kur ka samaysanta ciidda bacaddada.
dhiidhiiyo
Cayayaan madaxa iyo qaarka hore qolof adag oo kurtummo lihi kaga roganyihiin oo aan baalal lahayn oo qaar dambe oo buuran leh; xabley.
dhiidhiyid
ld dhiidhi¹ (2).
dhiifoon
Qof firfircoon oo dhega nugul ahaansho.
dhiifoonaan
ld dhiifoonaansho, dhiifooni.
dhiifoonaansho
/dh ld dhiifoonaan.
dhiig
1. Dareere guduudan, wadnahu qaybiyo, halbowlayaasha nafleyda qaarkeed ku wareega oo nafaqada siiya. 2. Caadada dumarku bishiiba hal mar helo; xayl. 3. Dil.
dhiig-dhac
Xaalad caadadiska dhiigga halbowlayaashau si aan caadi ahayn hoos ugu dhaco Waxay dhacdaa marka biyo badan ay jirka ka baxaan sida: shuban, gubasho, matag ama dhiigbax badan dhaco.
dhiig-joogsi
Joogsashada dhiig socday oo ay keentay shaqada dabiiciga ah ee jirka oo ka kooban xinjirowga dhiigga iyo iskuroorka xididdada go'ay.
dhiig-ku-shubid
Dhiig laga soo miiray qof caafimaad qaba oo dhiig bixiye ah (donor) oo lagu shubo aroor ka mid ah xididdada dhiigga ee qof kale oo dhiiggiisu ku fillaan waayey tiro yari ama tayo xumi awgeed oo ka iman karta shil ama cudur.
dhiig-urur
Dhiig ku ururay soohyada dhexdooda oo xinjirooba markaas sameysmato meel soo buuran oo adagi.
dhiig-xinjirow
Falalka taxanaha ah oo uu dhiiggu iska beddelo darere oo u beddelmo adke.
dhiigaabid
ld dhiigid.
dhiigbax
1. Dhiig badan oo oogada meel ka mid ah ka yimaada. 2. ld dhiigbixid.
dhiigbax-maskaxeed
Dhigbax ka yimid halbowle oo maskaxda ku furma, sida badan waxa sabab u ah cudur ku dhaca xididdada dhiigga iyo dhiigkar.
dhiigbixid
ld dhiigbax¹ (2).
dhiigcaddaad
Dhiigga nafleyda ku jira oo intii la rabay ka yar.
dhiigee
Ka dh.: nafley dhiig ka keenid.
dhiigid
1. eeg dhiig². 2. ld dhiigaabid.
dhiigkar
Cadaadiska dhiigga oo sarreeya. Cadaadiska dhiigga oo kor uga kaca cabirka caadiga ah da' khaas ah lagu yaqaan.
dhiiglaawe
Qof aan ka dhiidhiyin xumaanta.
dhiigmadoobaad
Meel nabar ku dhacay dhiigga ku urura oo madoobaada.
dhiigmiir
Nafley nool oo dhiig laga shubto, kaydin ama dan kale darteed.
dhiigmiirad
1. Si xaqdarra ah oo dadka xooggiisa looga faa'iideysto. 2. Dh. ah: qof dadka xooggiisa si xaqdarra ah uga faa'iideysta. 3. ld dhiigmiirasho.
dhiigmiiradnimo
Dhiigmiirad ahaansho.
dhiigmiirasho
ld dhiigmiirad (3).
dhiigmiirato
(2).
dhiigmiiro
1. Nafley dhiig ka shubasho. 2. Cid si xaqdarro ah ku jirto xooggiisa uga faa'iideysasho.
dhiigow
Dhiig yeelasho.
dhiigroor
1. Dhiig ku guntama meel nabar ku dhacay. 2. ld dhiigroorid.
dhiigroorid
ld dhiigroor¹ (2).
dhiigshubasho
Dhiigmiirad.
dhiigsii
Ku shubidda qof dhiig ku yaraaday lagu shubo; dhiig.
dhiigsiin
1. ld dhiigsiis. eeg dhiigsii. 2. Dhiig ku shubid.
dhiigsiis
(1). dhiigsonkor m.l Kaadisokorow; kaadimacaan.
dhiigsumow
Sooh baabi'in aad u ballaaran oo ay keento baktiiriya cudurkeen ah oo dhiigga raaca ama sun ayaduna dhiigga la socota. Ereyga waxa loo isticmaalaa oo kala nooc dhiig sumow ah.
dhiigtaabac
Qof aano daba jooga.
dhiigtaar
(bot.) Geed gaab laan-laan u baxa, qodxo dhaadheer, ulaha laga goosto oo qodxihiisu kurtummo leeyihiin.
dhiigtag-yari
Tagista dhiigga oo ka yaraada qayb ka mid ah jirka oo ay keento xididdada dhiigga geeya oo ciriirsama ama xirma. Dh. y.da wadnaha waxay keenta anjiina begtoris.
dhiiguris
Fal lagu falo ugaarta (dhiigga neefka la dilay ayaa qaansada madaxeeda iyo dabadeeda lagu taabtaa).
dhiigyacab
Qof dadka laaya; dilaa. ld dhiigcab. dhiigyacabad m.dh Naag dadka laysa.
dhiigyacabnimo
Dhiigyacab ahaansho.
dhiigyar
Wax aan dhiig badani jirkiisa ku jirin ahaansho.
dhiigyaraan
ld dhiigyaraansho, dhiigyari, dhiigyaro.
dhiigyaraansho
/dh ld dhiigyaraan.
dhiigyari-daran
Nooc dhiigyari ah oo ay keento fitamiin B12 oo yaraata, waxayna ka timaadda ama maqnaanshaha walaxda loo yaqaan (intrinsic factor) oo sahlan fitamiin B12 ka gudubto xiidmaha oo ay dhiigga u gudubto, ama cunnada oo ay ku yartahay fitamiinka. Dh.da d. waxa lagu yaqaan sameynta unugyada cas-cas ee dhiigga oo cilladeysan. Dhuuxa lafta oo ay ku jiraan unugyo loo yaqaan megaloblastas.

