0

dirsasho

m f dh

Eeg: dirso

0

dirso

f g3 (-saday, -satay)

1. Wax adeegsasho. Tus. “Telefoon baan dirsaday”. 2. Wax dalbasho. Tus. “Cumar baa shaah dalbaday”.

0

dirxi

m l

Eeg: dixiri

0

diryaamid

m dh

Eeg: dayaamid

0

diryaan

m l

Eeg: dayaan¹

0

disembar

m dh

Bisha 12aad ee sanadka Masiixiga. ld diisembar.

0

dishibiliin

m l

Asluub; maaddo.

0

disti

m l

Eeg: digsi

0

distuur

m l (-rro, m.dh)

(siyaa.) Nidaam dawladeed oo leh sharci, iyo aasaas oo la rabo in lagu maamulo dawlad.

0

dix

m dh

Togga intiisa biyuhu maraan oo ciidda jilicsan.

0

dixad

m l

Eeg: dixasho

0

dixasho

m f dh

ld dixad.

0

dixi

m dh (bot.)

Cawska xooluhu daaqaan kuwa ugu nafaqa badan mid ka mid ah, jilicsan oo meelaha biyo-qabatinka leh ka baxa. ld duxi¹.

0

dixiri

m l

Dulin xamaarta, noocyo badan, lafo iyo lugo lahayn oo oogadiisna xibnoxibno u qaybsantahay. ld dirxi, dixri, tirxi, tixiri, tixri.

0

dixo

f mg3 (-xday, -xatay)

1. Ciidda ka dusid (biyo ama hoore kale). 2. Biyo qulqulid. 3. U d.: cid u naxariisasho.

0

dixri

m l

Eeg: dixiri

0

diyaad

m l

Eeg: digaag

0

diyaafad

m dh (-do, m.l)

Martiqaad weyn oo dad badani ka qaybgalaan oo cunta badan lagu cuno. ld dayaafad.

0

diyaafadi

f mg2 (-iyay, -isay)

Martiqaad weyn bixin. ld dayaafadi.

0

diyaafadin

m f dh

ld dayaafadin.

0

diyaaj

m l

Eeg: digaag

0

diyaaleetiko

m dh

Xeeladda fekerka iyo ra'yi isdhaafsiga. ld diyaalegtiko.

0

diyaalegtiko

m dh

Eeg: diyaaleektiko

0

diyaamid

m dh

Eeg: dayaamid

0

diyaan

m l

Eeg: dayaan¹

0

diyaar

m l

D. ah: wax u darban in ay wax qabtaan ama lagu qabto.

0

diyaarad

m dh

Eeg: dayuurad

0

diyaargarayn

m f dh

Eeg: diyaargaree

0

diyaargaraysasho

m f dh

Eeg: diyaargarayso

0

diyaargarayso

f g3 (-stay, -satay)

Wax diyaarsasho.

0

diyaargaree

f g2 (-reeyay, -raysay)

Wax diyaar ka dhigid.

0

diyaargaroobid

m f dh

ld diyaargarow¹ (2).

0

diyaargarow

m l

1. Isdiyaarinta qof isu diyaariyo wax uu rabo inuu qabto ama ku soo fool leh. 2. ld diyaargaroobid.

0

diyaari

f g2 (-iyay, -isay)

Wax diyaar ka dhigid.

0

diyaarin

m f dh

Eeg: diyaari

0

diyaarsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax la diyaariyey ama is diyaarshey ahaansho.

0

diyaarsanaan

m f dh

ld diyaarsanaansho.

0

diyaarsanaansho

m l

/dh ld diyaarsanaan.

0

diyaarsasho

m f dh

Eeg: diyaarso

0

diyaarso

f g3 (-saday, -satay)

Wax diyaar ka dhigasho (qof).

0

diyeenjeefaloon

m l (-nno, m.dh)

(c.nafl.) Qayb ka mid ah maskaxda oo ka kooban: epithalamus, dorsal thalamus, iyo fentral thalamus.

0

diyo

m dh

Hanti ku waajibtay qof cid dilay oo la siiyo ehelada qofka laga dilay.

0

diyuuteeriyam

m l

Sumaddeedu waa D. Iskugod haydarojiin oo deggan si dabiici ahna u jira, bu'diisuna ka koobantahay hal borotoon iyo hal niyuutaroon. Markaas cuf-atamkiisu waa ugu dhawaan labanlaabka kan haydarojiinta.

0

doc

m dh (-co, m.l)

Barbar; dhinac.

0

docfaruur

m l

Ballanfur lagu sameeyo arrin la isku ogaa. ld gantafaruur¹.

0

docfaruurid

m f dh

ld gantafaruurid.

0

dockayeer

m l (-rro, m.dh)

Qof hadal socda, hadal aan xikmad lahayn ku darsada.

0

doco

f mg3 (-cday, -cotay)

1. Saxaro adkaatay xoog isaga keenid; jiirasho. 2. Jiirasho (nafley dhaleysa). ld duco².

0

docogeysi

m l

Tuugidda.

0

docol

m l

Jaad geedaha ka mid ah oo mareerka u eg oo miro la cuno leh.

0

docosho

m f dh

ld ducasho.

0

dogob

m l (-byo, m.dh)

Jirrid weyn oo qallalan. ld degeb.

0

dogox

m l kh

D. ah: qof weyd ah.

0

doh

m dh (-ho, m.l)

Dhul godan, carro jilicsan oo biya-qabatin leh.

0

dohasho

m dh

Eeg: dihasho

0

doho

f mg3 (-hday, -hatay)

Eeg: diho

0

dokhosh

m l

Dhismo gaboobay oo jajabay oo ka samaysan qoryo iyo caws duug ah.

0

doktoor

m l (-rro, m.l)

1. Takhtar. 2. Qof shahaado jaamacad laga bixiyo tan ugu sarraysa haysta. ld dotoor.

0

doktoornimo

m dh

Daktoor ahaansho. ld dotoornimo.

0

dokumenti

m l

1. Warqad war muhiim ihi ku yaallo sida shahaado, warqad aqoonsi iwm. 2. Raad taariikheed muhiim ah.

0

dolmayt

m l (-tyo, m.dh)

(jool.) Macdan ku dhow ili-ka-gudubtay oo ka kooban kaarboonayt laba luxdan oo ah kaalshiyam iyo magniisiyam; amase waa dhadhaab sida qaalibka ah loo yaqaan magniisiyam-dhagax nuuradeed oo macdantu tahay qaybta ugu mudan.

0

doob

m dh

Cad yar, qaab kiish leh, cod weyn bixiya oo awrkaqooqani afka soo rido; gulgulo. ld doobbo.

0

doobbadillaacsad

m l

Eeg: doobbadillaacsasho

0

doobbadillaacsasho

m f dh

ld doobbadillaacsad, doobba-dillaacsi.

0

doobbadillaacsi

m l

Eeg: doobbadillaacsasho

0

doobbadillaacso

f mg3 (-saday, -satay)

Gaarid heerkii uu gulgulada soo ridan lahaa (rati).

0

doobbagoray

m l (-yo, m.dh)

Eeg: doobbogoray

0

doobbashiid

m dh

Eeg: doobshiid

0

doobbi

f mg2 (-iyay, -isay)

Doobba soo ridid (rati qooqan). ld doobi².

0

doobbin

m f dh

ld doobin.

0

doobbo

m dh

1. geesaha fiiqfiiqan oo dhaadheer oo lo'da. 2. ld doob².

0

doobbogoray

m l

Awrka aan weli doobbada soo ridan. ld doobbagoray, doobgoray.

0

doobdillaacsad

m l

Eeg: doobbadilaacsasho

0

doobdillaacsasho

m l

ld doobdillaacsad, doobdillaacsi.

0

doobdillaacsi

m l

Eeg: doobdillaacsasho

0

doobdillaacso

f mg3 (-saday, -satay)

Miraysasho (geed timir).

0

doobgaras

m l

Nin muddo badan doob ahaa. ld doobgiris.

0

doobgiris

m l

Eeg: doobgaras

0

doobgoray

m l

Eeg: doobbogoray

0

doobguun

m l u

Nin doobnimo ku gaboobey.

0

doobi

m l (-iyo, m.dh)

Weel af ballaaran, dabool lahayn, la tolay ama la qoray oo geela lagu maalo. ld doobke, doobte, toobke, toobte.

0

doobir

m dh

Ayaan; nasiib.

0

doobke

m l

Eeg: doobi¹

0

doobshiid

m dh

Sumad geel oo ah laba shiilood doobada labadeeda dhinac lagu dhigo. ld doobbashiid.

0

doobte

m l

Eeg: doobi¹

0

dooc

m l

War sugan.

0

doocdooci

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: dooci

0

doocdoocin

m dh

Eeg: doocin

0

dooci

f g2 (-iyay, -isay)

Wax sugan ka raadin (qof). ld doocdooci.

0

doocin

m f dh

ld doocdoocin.

0

dood

f mg1 (-day, -dday)

Arrin lagu muransanyahay oo la rabo in lagu gun gaaro ra'yi ka jeedin.

0

dǫod

m l kh

D. ah: nooc kabaha ka mid ah oo saanta geriga laga sameeyo.

0

dood-cilmiyeed

m l

/dh Shir ay isugu yimaadaan aqoonyahanno oo lagu soo bandhigo afkaar cusub.

0

doodaa

m l (-aayaal, m.l/dh)

Nin hadal yaqaan ah; aftahan; doode. ld doode.

0

dooddi

f mg1 (-iyay, -iday; -iyi)

Si xoog leh u ordid; digdigleyn.

0

dooddiyid

m f dh

ld doodi¹ (2).

0

doode

m l

Eeg: doodaa

0

doodid

m f dh

ld doodis.

0

doodis

m dh

Eeg: doodid

0

doofaar

m l (-rro, m.dh)

Naasley caws-kunool ah idaha la eg ka ballaaran,leh madax weyn, gano iyo dhogor yar oo hilibkiisu muslimiinta xaaraan ka yahay. ld doonfaar.