Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 54 of 58.
duggadhaanis
Qaanjeer cad oo dadka jirkiisa ka muuqata marka uu dhididku ku qallalo.
dųgid
ųg².
dugle
Nafley caato ah oo tabardaran.
dugsasho
ld dugsad.
dugsi
1. Meel duggaal ah. 2. Meel wax lagu barto.
dugsii
Wax duggaal u yeelid.
dugsiin
ld dugsiis.
dugsiley
Ardo quraan dhigata.
dugso
Meel dhaxan ka gelid.
dugsoon
Wax dugaal leh ahaansho.
dugsoonaan
ld dugsoonaansho.
dugsoonaansho
/dh ld dugsoonaan.
dugul
D. ah: midab aad u madow.
duhur
1. Waqtiga u dhexeeya harka ilaa casarka. 2. Salaadda xilliga la tukado.
duhur-kulul
Xilliga u dhexeeya 1-da duhurnimo ilaa 2-da.
duhurnimo
Duhur ahaansho.
duhurso
Waqtiga duhurka meel ku sugnaan.
duji
1. Wax dhammaystirid. 2. Wax afgembiyid. 3. ld tuji.
dujin
ld tuji. ld dujis.
dukaafad
Meel qashinka lagu daadsho; qashinqub. ld duggaafad, kuddaafad.
dukaan
Qol khaanado alaabta la saaro leh oo cuntada, dharka iwm lagu gado.
dukaanle
1. Qof dukaan iibiya. 2. Qof dukaan leh.
dukhuun
Dad ama xoolo aad u gaboobay oo tabar dhigay; sirqo.
dul
1. Oogada sare ee wax kasta leeyihiin. 2. Meel sare oo dhulka intiisa kale ka yara kacsan. 3. Sabir iyo adkeysi dhibaato loo yeesho.
dųl
1. Labada dalool ee sanka middood. 2. Dalool kasta oo yar.
dul-orod
Wax dushooda ku ordid.
dulaandul
Labada muruq ee dhaadheer oo lafdhabarta labadeeda dhan ku kala yaal midkood; daqay.
dulalaati
Dalool yar, ka bannaan wax is haysta ama jiq oo cirku muuqdo. ld dululaati.
dulbaa'i
D. ah: jaho muuqata oo fog; dhinac; doc; xag.
dulbaax
1. Xuub jilicsan, cad oo haragga iyo hilibka u kala dhexeeya. 2. Hilib aan marax ahayn. 3. Dooxo.
dulbadi
Sabir iyo adkeysi badan oo dhibaatooyinka loo yeesho.
dulbeel
Neef gaadiid ah dusha ka dhaawacmid rar la saaray awgeed.
dulcayaar
Ku d.: wax dushiis cayaarid.
dulci
Googarad duluc gelin.
duldhig
Wax wax kale ka dhigid.
duldiir
Awr rarku haaro u yeelay.
duleed
1. Agagaar. 2. Wax gadaashiis dambe.
duleedi
1. Wax la gaadayo gadaal ugu imaan. 2. Cid, cid kale uga hiilin.
duleeshnaansho
/dh ld dalooshnaan.
dulfadhi
/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) 1. Wax meel ku sugan la joogid si looga warqabo. 2. Wax duljoogid iyadoo aan wax laga qabaneyn. 3. Wax meel ku sugan ilaalin. Tus. “Ciidan baa na dulfadhiya”.
dulfadhiyid
ld dulfadhin.
dulin
1. Cayayaanka yaryar ee xoolaha ku dul nool; qaniin; deriskunnoole.. 2. ld dulmi¹.
dulin-duleed
(c.nafl.) Noole dulin ah oo soorihiisa dusha kaga nool. Tus. “Injirta”.
dulin-gudeed
(c.nafl.) Noole dulin ah oo soorihiisa ku dhex nool. Tus. “Gooryaan mullaax”.
dulinnimo
Marka noole uu ku kor noolyahay (dulin dibadeed) ama uu ku dhex noolyahay (dulin gudeed) jidhkanoole kale, kaasi oo uu ka helo wuxuu nafaqo u baahanyahay ayaa loo yaqaan dulinnimo. Dulinnada qaarkood waxyeello badan ma gaadhsiiyan soorahooda, sababta oo ah addii ay dilaan soorahooda waxa dhammaanaya qudkooda, haseyeeshee badankoodu waxay sababaan cudur.
duljoog
1. Wax meel ku sugan la joogid si looga warqabo. 2. Hawl iwm iska dul taagnaan iyadoo aan wax laga qabaneyn. 3. Cid dhaqdhaqaaqeed ilaalin.
dulkahoor
Daruur qof dushiisa ku di'id.
dulkumalable
Ilmo geel oo dhicis ah oo iayada oo sidkeedii waxyar ka dhimman-yihiin soo dhashay.
dullaal
ąllaal².
dullaalid
ąllaalid.
dullaalnimo
ąllaalnimo.
dullee
Qof dulli badid.
dulleysasho
ld dulleysi.
dulleyso
Qof si xun oo bani'aadannimada ka baxsan oo uu raalli ka yahay ula dhaqmid.
dulli
1. Xaalad dacdarro, dacas, silic iyo sharaf dhacoo cid' ku sugnaato. 2. D. ah: qof liita oo aan wax xun ka xishoon.
dullinimo
Dulli ahaansho.
dullow
Dulli noqosho.
dulmadow
Dawacada jaad ka mid ah oo dhabarka madow
dulman
Wax dulmi lagu sameeyey ahaansho. ld dulmisan.
dulmanaan
ld dulmanaansho, dulmisanaan, dulmi-sanaansho.
dulmanaansho
/dh ld dulmanaan.
dulmar
/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Wax dardarid. 2. (f.mg) Hadal si kooban u sheegid.
dulmeeran
Shaxan joometiriyeed oo ku dul meeran ama wareegsan kuna oodan shaxan joometiriyeed ee kale. Tusaale ahaan: goobo ayaa lagu dul sawiri karaa geesaha labajibbaarane, markaa goobadu waa shaxan dulmeeran ah labajibbaaranuhuna waa dhexmeeran (eeg dhexmeeran).

