0

durruq

m l kh

D. ah: neef, cudur iyo da' la tabar darreeyey.

0

durruqaan

m l

1. Ci'da dameeraha. 2. Hadal edebdarro ku jirto oo qof aan xishoonayni ku hadlo.

0

durruqaan.

ld dannaanni¹.

0

durruqid

m f dh

Eeg: durruq²

0

durruqsad

m l

Eeg: durruqsasho

0

durruqsasho

m f dh

ld durruq-sad.

0

durruqso

f mg3 (-saday, -satay)

Si itaal yari iyo jirro ka muuqato u socosho.

0

duruf

m l (duruf/-fyo/-ruuf, m.dh)

1. ld duluf. Derin, jawaan, raar iwm oo duugoobay. 2. Jawaan maran.

0

durug

f mg1 (-rkay, -rugtay; -rki)

1. Meel ka sikasho. 2. Meel ka fogaansho. ld duruq.

0

durugsan

f mg4 (-naa, -nayd)

1. Wax la durkiyey ahaansho. 2. Wax fogaaday ahaansho. ld durjisan, duruqsan.

0

durugsanaan

m f dh

ld durjisnaan, durjisnaansho,durugsanaansho.

0

durugsanaansho

m l

/dh ld durugsanaan.

0

durugsasho

m f dh

ld durjisad, durjisasho, durugsad, durugsi, duruqsad,

0

durugsi

m l

Eeg: durugsasho

0

durugso

f g3 (-saday, -satay)

Wax meel yaal sikisasho.

0

duruq

f mg1 (-rqay, -ruqday; -rqi)

Eeg: durug

0

duruqsad

m l

Eeg: durugsasho

0

duruqsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: durugsan

0

duruqsanaan

m dh

Eeg: durugsanaan

0

duruqsanaansho

m l

/dh ld durugsanaan.

0

duruqsasho

m dh

Eeg: durugsasho

0

duruqsi

m l

Eeg: durugsasho

0

duruqso

f mg3 (-saday, -satay)

Eeg: durugso

0

duruuf

m dh w

1. ld duruufo. Xaalad lagu suganyahay. 2. eeg duruf.

0

duruufo

m l

(1).

0

duruus

m dh w

Eeg: dersi

0

duryamid

m dh

Eeg: guryamid

0

duryan

m l

Eeg: guryan¹

0

duryid

m f dh

Eeg: duri²

0

dus

f mg1 (-say, -stay)

1. Ka d.: wax ciriiri ah dhex marid. 2. Ka d.: wax ka hoos bixid.

0

dusaa

m l

Cuddaar.

0

dusi

f mg2 (-iyay, -isay)

Ka d.: wax, wax kale dhex tararsiin.

0

dusid

m f dh

Eeg: dus

0

dusin

m f dh

Eeg: dusi

0

dusmee

f mg2 (-meeyay, -meysay)

Ka d.: kayn iwm dhuundhuumasho ku dhex marid.

0

dusmeyn

m f dh

Eeg: dusmee

0

duub

m l (-bab, m.l)

1. Maro yar oo si gaar ah madaxa loogu xirto. 2. D. ah: xirmo tubaako, dhis, gaarso iwm ah.

0

duuban

f mg4 (-bnaa, -bnayd)

1. Derin iwm wax la duubay ahaansho. 2. Nabar wax gaarso lagu maray ahaansho. 3. Cajalad wax hadal lagu duubay ahaansho. 4. Isku d.: wax midaysan ahaansho.

0

duubashi

m dh

Derin weyn oo duuban oo cusub.

0

duubasho

m f dh

Eeg: duubo

0

duubcad

m dh

Askaartii soomaaliyeed oo Talyaanigu u qortay inay 1935 kala qaybgalaan dagaalkii Amxaarada.

0

duubduub

f g1 (-bay, -btay)

Eeg: duudduub²

0

duubduuban

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: duudduuban

0

duubduubid

m dh

Eeg: dudduubid

0

duubduubmid

m dh

Eeg: duudduubmid

0

duubduubnaan

m dh

Eeg: duudduubnaan

0

duubduubnaansho

m l

/dh ld duudduubnaan.

0

duubi

m l (-iyo, m.dh)

1. Lafta shanshada iyo hilibkeeda oo goonni loo gooyey. 2. Nin tol boqorraday. 3. Galoolid; ku marid.

0

duubid

m f dh

1. eeg duub². 2. eeg duub³. ld duubis.

0

duubis

m dh

Eeg: duubid¹

0

duubmid

m f dh

Eeg: duuban¹

0

duubnaan

m f dh

ld duub-naansho.

0

duubnaansho

m l

/dh ld duubnaan.

0

duubo

f g3 (-btay, -batay)

1. Wax fidsan laalaabasho. 2. Nabar gaarso ku duubasho. 3. Qof boqor ka dhigasho. 4. Duub madaxa ku xirasho. 5. Indho maro ku xirasho. 6. Maro guntasho.

0

duud

m l (-dad, m.l)

1. Dhabar. 2. Meel dhulka ka sarreysa oo labada dhan dooxooyin ama togag ka xigan.

0

dųud

m dh

1. Dhir badan oo waaweyn oo xoonsan; toon; kayn. 2. Qof odayga uu ku abtirsanayo aan wax badan ka tirsan. 3. Reer; qabiil.

0

duud-dhadhaabeed

m l (-dyo, m.dh)

(jool.) Duud bataax ama dhadhaab ah oo in yar ka hooseeya badda ama wabiga dushiisa, oo khatar ku ah bad maaxidda.

0

duud-garaac

m l

Eeg: dhabar-garaac¹

0

duud-garaacasho

m dh

Eeg: dhabar-garaacasho

0

duud-garaacid

m dh

Eeg: dhabar-garaacid

0

duud-garaaco

f g3 (-cday, -catay)

Eeg: dhabar-garaaco

0

duud-oogeed

m l (jool.)

Oogo dhadhaab shiileed ah, inta badan ufuq ahaan, wuxuu samaysmaa marka magma soo herdiyo laba lakab oo dhadhaab lakabeed dhexdood oo halkaa ku qaboobo kuna adkaado; qaradiidu waxay gaadhi kartaa xoogaa sentimitirro ah ama dhowr boqol mitir, laakiin ufuqiisu inta badan wuu ka weynyahay marka la barbardhigo qaradiisa.

0

duuddo

m dh

Eeg: duud²

0

duudduub

f g1 (-bay, -btay)

1. Dhawr jeer isku duubid; isku laablaabid; canyayuubid; haryuubid. 2. Guudmarid. ld duubduub².

0

duudduuban

f mg1 (-bmay, -bantay; -bmi)

Wax duudduub yeeshay noqosho. ld duubduuban¹.

0

duudduubid

m f dh

ld duubduub¹, duubduubid, duudduub¹.

0

duudduubmid

m f dh

ld duubduubmid.

0

duudduubnaan

m f dh

ld duubduubnaan, duubduubnaansho, duudduubnaansho.

0

duudduubnaansho

m l

/dh ld duudduubnaan.

0

duudduur

f g1 (-ray, -rtay)

1. Maro iwm laalaab u yeelid. 2. Wax runtooda qarin. 3. Hadal si kooban u sheegid.

0

duudgal

m l

Eeg: duudgelid

0

duudgaloobid

m dh

ld duudgalow¹, duurgalow¹, duurgaloobid.

0

duudgalow

m l

Eeg: duurgaloobid

0

duudgelid

m dh

Duudgaloobidda. ld duudgal.

0

duudi

f g2 (-iyay, -isay)

1. Weel biyo yar oo salkiisa ku haray ka shubid. 2. Lafo heen ka bixin.

0

duudin

m f dh

ld duudis.

0

duudis

m l

Eeg: duudin

0

duudlo'aad

m l

Geedka gallayda ama meseggadu inta uusan alamada yeelan.

0

duudsad

m l

Eeg: duudsasho

0

duudsasho

m f dh

ld duudsad, duudsi.

0

duudseef

m l

Rati aan kurus lahayn.

0

duudsi

m l

Xaq ama gar qof leeyahay oo la seejiyo.

0

duudsii

f lg2 (-iiyay, -iisay)

Eeg: duudsi³

0

duudsiin

m dh

Eeg: duudsiyid

0

duudsiyid

m dh

ld duudsin.

0

duudso

f g3 (-saday, -satay)

1. Ilmo duud ku xambaarasho. 2. Biyo yar oo weel salkiisa ku jira ka shubasho.

0

duuf

f mg1 (-fay, -ftay)

Ku d.: cid si loola dagaallamo ku boodid.

0

dųuf

m l

1. Xaaraan; baqti; wax xun. 2. ld dįif. 3. ld dųufid.

0

duufaan

m l

/dh (-nno, m.dh) Dabayl xoog leh, roob wadata oo waxyeello dhulka gaarsiisa.

0

duufaan-kulaalay

m l (-nno ..., m.dh)

(juqr.) Gobol cadaadis hoose leh, dhulkeedu wuu yar yahay, laakiin waxay leedahay duufaan xoog leh, oo ka soo bilaabma gobollada kullalayda, runtii, waxay la mid tahay godan, laakiin way yartahay aadna way u xoog badantahay.

0

duufaan-onkodle

m l (-nno ..., m.dh)

(fiis.) Duufaan maayado hawo sare oo xooggan leh, oo sameeya daruuro kumuloonimbas ah oo aad u kobocsan, oo leh dhibco aad u waaweyn, oo yeelan kara baraf dhagax ah, kolkaa danab qulqulka sameysmaa bhaliyo hillaacyo, iyo onkod ka dhashay fididda hawada kulka badan e hilaaca darteed.

0

duufid

m f dh

ld duuf¹ (2).

0

dųufid

m f dh

ųuf². ld dųuuf¹ (3).

0

duuflaal

f mg1 (-aalay, -aashay)

Sabool noqosho (cid).

0

duuflaalad

m dh (-do, m.l)

1. Naag aan wax tashiilan. 2. Naag aan shaqaysato ahayn.

0

duuflaalid

m f dh

Eeg: duuflaal²

0

duuflaalnimo

m dh

Duuflaal ahaansho.

0

duufsad

m l

Eeg: duufsasho

0

dųufsad

m l

įifsasho.

0

duufsamid

m f dh

Eeg: duufsan¹