0

dubbur

m l

Tuubada dheef-shiidka afkeeda hore ee saxaradu ka baxdo; futo.

0

dubburyo

m dh

Eeg: dibbiro

0

dubburyoo

f mg3 (-ooday, -ootay)

Eeg: dibbiryoo

0

dubburyood

m l

Eeg: dibbiryood

0

dubdhacsi

m l (c.nafl.)

Isbedelka degdegga ah ee caydiga laga tegayo loona gudbayo qaangaadh, kaas oo ka dhaca meerta nololeedka lafdhabarla' fara badan iyo berribiyood, tusaale: buuley ilaa cayayaan qaangaadh ah.

0

dubdhexaad

m l (c.nafl.)

Lakab jinsi oo u dhexeeya dub duleedka iyo dub gudeedka, waxaana uu soo saaraa nudo isku-xidhayaal dhiiqa, muruqyada iwm.

0

dubduleed

m l

1. (c.nafl.) Lakab jinsiyeedka dusha ee uurjifka, kaasi oo u kora timo, ganjidho kala duwan iwm. 2. (baay.)Lakabkaugu sareeyo ee unugyada gasturulaha, kaas oo isku beddeli doona dubka sare ee maqaarka iyo habdhiska dareenwadka ee qaangaadhka.

0

dube

m l (-bayaal, m.l/dh)

Xeero qaab qabaal leh oo marka raran lagu shubo, miraha qaarkood lagu dubo sida digirta, meseggada iwm; qaloondub. ld dubaale.

0

dubeer

m l (-rro, m.dh)

Awr raray ahaa oo gaboobay.

0

dųbid

m f dh

ųb².

0

dublad

m dh

Eeg: dublo

0

dublo

m dh (-ooyin, m.l)

Qalab yar oo leh af ballaaran oo wareegsan iyo dabo dhuuban oo dhuun leh oo weelasha afka dhuubanhooraha lagula shubo. ld diblad, diblo, dublad.

0

dųbmid

m f dh

ųban¹.

0

dųbnaan

m f dh

ųban². ld dųbnaansho.

0

dųbnaansho

m l

/dh ld dųbnaan.

0

dubnad

m dh

Dhagax yar yar oo qaab sanduuqeed leh oo tirooyin kala duwan oo dhibco ahi ku samaysanyihiin oo dadku ku dheelo. ld dumnad.

0

dubnax

f mg1 (-xay, -xday; -nixi)

U d.: cid dhibaato haysato uga jixinjixid.

0

dubnixid

m f dh

Eeg: dubnax²

0

dųbo

f g3 (-btay, -batay)

Cunto raran ku bislaysasho.

0

dubudhac

m l u

Eeg: dibdhac1

0

dubuq

m dh sh r

Cod lagu muujiyo wax biyo lagu dhaxriday. ld dumbulukh, dumbuluq.

0

ducaqabe

m l (-bayaal, m.l/dh)

Qof ducaysan.

0

ducasho

m dh

Eeg: docosho

0

ducee

f mg2 (-ceeyay, -ceysay)

Eebbe khayr ka dalbid.

0

duceyn

m f dh

Eeg: ducee

0

duceysad

m l

Eeg: duceysasho

0

duceysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Qof duco ku dhacday ahaansho.

0

duceysasho

m f dh

ld duceysad, duceysi.

0

duceysi

m l

Eeg: duceysasho

0

duceysnaan

m f dh

ld duceysnaansho.

0

duceysnaansho

m l

/dh ld duceysnaan.

0

duceyso

f mg3 (-stay, -satay)

1. Eebbe khayr weyddiisasho. 2. Ka d.: cid duco ka kasbasho.

0

ducfi

m l

Karti iyo itaaldarro.

0

duco

m dh (-ooyin, m.l)

Oraah Eebbe khayr lagaga dalbayo.

0

ducuumasho

m f dh

Eeg: ducuumo

0

ducuumo

f g3 (-uuntay, -uumatay)

Si fool xun wax u cunid.

0

dud

f mg1 (-day, -dday)

1. Qof caro muujin isagoo u fooltubaaya qofkuu u caraysnaa. 2. Gurigeeda ka tagid caro awgeed (qof haween ah). Tus. “Xaliima ninkeedii bay ka soo dudday”. 3. U d.: wax ul, gacan iwm u baacin.

0

dųd

m dh

Cid meel wada deggan.

0

duddo

m dh (-ooyin, m.l)

Ood ku wareegsan meel la degganyahay.

0

duddumagale

m l (-layaal, m.l/dh)

Naasley dabaggaallaha la bah ah, laakiin wax yar ka roon, koox koox u socda, oo duddumooyinka gala; kadabjiir.

0

duddumo

m dh

Eeg: duddun

0

duddumo-yulug

m dh

Nooc duddumada ka mid ah oo aan lahayn sal ballaaran lehna fiiq dheer oo dhuuban. ld dundumo-yulug.

0

duddun

m l

/dh (-ooyin, m.l) Taallo dhoob adag ka samaysan, godad leh oo nooc aboorka ka mid ahi candhuuftiisa ku dhiso. ld duddumo, dundumo, dundun³.

0

dudduub

f g1 (-bay, -btay)

Qof, garbaduub u qabasho.

0

dudduubid

m f dh

Eeg: dudduub

0

dudi

f g2 (-iyay, -isay)

Eeg: didi

0

dudid

m f dh

ld dudis.

0

dųdid

m dh

Eeg: didid

0

dudin

m dh

Eeg: didin

0

dudis

m dh

Neef xoolaad oo ay adagtahay in caanaha laga dhammeeyo.

0

dudmo

m dh

Caro lagu muujiyo fooltub iyo aftuur.

0

dųdmo

m dh

Eeg: didmo

0

dudsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax caraysan ahaansho (qof).

0

dųdsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Eeg: didsan

0

dudsanaan

m f dh

ld dudsanaansho.

0

dųdsanaan

m f dh

Eeg: didsanaan

0

dudsanaansho

m l

/dh ld dudsanaan.

0

dųdsanaansho

m l

/dh ld didsanaan.

0

dudsasho

m dh

Eeg: didsasho

0

dudso

f g3 (-saday, -satay)

Eeg: didso

0

duf

m dh

1. D. ah: wax rifan, wax calal ah. 2. D. ah: dulli. 3. D. iyo dooriso!: hoog!; ba'!.

0

dųf

m l

/dh (-faf, m.l) 1. Dhogor badan oo is-haysata. 2. Wax dhogor leh. 3. Mayrax la jilciyey oo la feeray. 4. Shukumaan.

0

dufan

m l (-nno, m.dh)

Subag, saliid, xayr, iwm oo wax lagu iidaanto laguna subkado.

0

dufandawaco

m dh

Cunno yar oo aan laga dhergin.

0

dufandhawr

m l (-rro, m.dh)

Maro ama wax kale oo la gashado si dufanka iwm laysaga ilaaliyo.

0

dufantirad

m l

Eeg: dufantirasho

0

dufantirasho

m f dh

ld dufantirad, dufantiryo (1).

0

dufantire

m l (-rayaal, m.l/dh)

Cad maro ah oo afka iyo faraha la isaga tiro cunnada ka dib.

0

dufantiro

f mg3 (-rtay, -ratay)

Dufan iska tirid (qof).

0

dufantiryo

m dh

1. ld dufantirasho. Tiridda dufan layska tiro. 2. Dufandawaco.

0

dufayn

m dh

Eeg: dufee

0

dufaysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Wax la dufeeyey ahaansho.

0

dufaysnaan

m f dh

ld dufaysnaansho.

0

dufaysnaansho

m l

/dh ld dufaysnaan.

0

dufee

f g2 (-feeyay, -faysay)

Cid dulli badid.

0

dufle

m l

Marka sabuulka galleyda ama meseggadu aysaan iniinyahoodu waa-weynaan.

0

dufni

f g2 (-iyay, -isay)

Wax dufan marin.

0

dufnin

m f dh

Eeg: dufni

0

dufoobid

m f dh

ld dufow¹.

0

dufow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Wax dulloobey noqosho.

0

dug

m l (-gag, m.l)

1. Meel aan dhaxan lahayn; duggaal; dugsi. 2. Dhinaca dabeyshu u socoto.

0

dųg

f g

/mg1 (-gay, -gtay) 1. (f.g) Wax jihadey u socdeen ka leexin. 2. (f.mg) Foorarsasho.

0

dugaag

m l u

1. Bahalaha intooda hilib ku noolka ah. 2. Qof laayaan ah oo naxariis daran.

0

dugaagad

m dh (-do, m.l)

Garaangar dahab, qalin iwm ka sameysan oo haweenku gacmaha gashadaan xarrago darteed.

0

dugaagnimo

m dh

Dugaag ahaansho.

0

dugaagoobid

m f dh

Eeg: dugaagow

0

dugaagow

f mg1 (-oobay, -owday; -oobi)

Dugaag noqosho; bahaloobid.

0

dugdhabayn

m f dh

Eeg: dugdhabee

0

dugdhabee

f g2 (-beeyay, -beysay)

Wax dhinaca galbeed ka marid.

0

dugdhabo

m dh

Dhinaca galbeed.

0

dugey

e d

Erey qofkii dhibaato weyni gaarto uu yiraahdo; jabay!; hoogey!; ba'ay!

0

duggaafad

m dh

Eeg: dukaafad

0

duggaal

f mg1 (-lay, -latay)

Eeg: duggaali

0

duggaali

f g2 (-iyay, -isay)

Ka d.: wax duggaal ka dhigid. ld duggaal².

0

duggaalid

m dh

Eeg: duggaalin

0

duggaalin

m f dh

ld duggaalid, duggaalis.

0

duggaalis

m l

Eeg: duggaalin

0

duggaalsan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax duggaal leh ahaansho.

0

duggaalsanaan

m f dh

ld duggaalsanaansho.

0

duggaalsanaansho

m l

/dh ld duggaalsanaan.