0

doofaarad

m dh (-do, m.l)

Haweenay aad u akhlaaq xun. ld doonfaarad.

0

doofaarnimo

m dh

1. Doofaar ahaansho. 2. Qof aad u dabci xun ahaansho. ld doonfaarnimo.

0

doofil

m dh kh

D. ah: timo isdhax yaacsan oo aan muddo la shanlayn.

0

doog

m dh

1. Soo laba kacleynta uu soo laba kacleeyo nabar hore u biskooday. 2. D. ah: biyo cirka ka yimid oo weel loo hoorsaday. 3. ld daab².

0

doogaad

m dh

Eeg: doog¹

0

doogad

m l

Eeg: doogasho

0

doogasho

m f dh

ld doogad.

0

doogayn

m f dh

Eeg: doogee

0

doogdhabasho

m f dh

Eeg: doogdhabo

0

doogdhabo

f mg3 (-dhawday, -dhabatay)

Meel doog leh aadid.

0

doogdhaw

m l

Guuridda loo guuro meel doog leh; doograac.

0

doogee

f g2 (-geeyay, -gaysay)

Nafley nabar doog reeba ku dhufasho.

0

doogid

m f dh

Eeg: doog³

0

doogo

f mg3 (-gtay, -gatay)

Meel roob badan ku di'id.

0

doogoobid

m f dh

Eeg: doogow

0

doogow

f mg1 (-oobay, -owday;-oobi)

Wax doog ka soo baxay noqosho (meel).

0

doograac

f mg1 (-cay, -cday)

Meel doog leh u guurid.

0

doograacid

m f dh

ld doograac¹, doograacis.

0

doograacis

m dh

Eeg: doograacid

0

doogsad

m l

Eeg: doogsasho

0

doogsasho

m f dh

ld doogsad, doogsimaad, doogsimo, doogsin.

0

doogsimaad

m l

Eeg: doogsasho

0

doogsimo

m dh

Eeg: doogsasho

0

doogsin

m dh

Eeg: doogsasho

0

doogso

f mg3 (-saday, -satay)

1. Roob iyo barwaaqo helid. 2. Xoolo biyo la doonid. 3. Ka d.: nabar, dhibaato iwm ka bogsasho.

0

dooh

e d

Erey geela soconaya loogu dhawaaqo kolkii la doonayo inuu istaago oo joogsado.

0

dooh-bibanji

m l

Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac laba dhibcood ku leh, dhinacna shan. ld banji-bidooh, biish-bidooh, dooh-bibbiish.

0

dooh-bibiish

m l

Eeg: dooh-bibanji

0

dooh-bicaddaan

m l

Eeg: caddaan-bidooh

0

dooh-bijoohaar

m l

Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro, dhinac laba dhibcood ku leh, dhinaca kalena afar. ld joohaar-bidooh.

0

dooh-bisaliim

m l

Dhagax dubnadeed oo wejiga ciyaarta loogu talagalay dhinac laba dhibcood ku leh, dhinaca kalena saddex. ld saliim-bidooh.

0

dooh-bishiish

m l

Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac laba dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. ld shiish-bidooh.

0

dooh-biyeeg

m l

Eeg: yeeg-bidooh

0

doohad

m dh

Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talagalay labadiisa dhinac min labo dhibcood ku leh.

0

dooji

f g2 (-iyay, -isay)

1. Xoolo si dhaqso ah u geyn meel roob ku da'ay. 2. Meel roob ku di'id. 3. Wadaan iwm biyodarid. 4. Wadaan maqaar ah qoyn si wax loogu waraabin karo.

0

doojin

m f dh

ld doojis.

0

doojis

m l

Eeg: doojin

0

dool

f mg1 (-oolay, -ooshay)

Qof, bahal iwm meel aan laga aqoon aadid.

0

doolaal

m l kh

1. D. ah: qof ka tegey meeshiisii oo ku sugan meel kale oo ka fog oo uusan camal ku hayn loogana baahanayn. 2. D. ah: dugaag meelo kala fog ka ugaarsada.

0

doolaalo

m dh

1. Doonashada uu neef qoor ah oo qooqan uu doonto wax uu abaahiyo ama saarto. 2. Aadidda la aado meel kale oo aan la iskaga baahnayn.

0

doollar

m l

Lacagta rasmiga ah ee waddanka Mareykanka.

0

doolli

m l (-iyo, m.dh)

Jiir.

0

doollo

m l

Dhul sare oo siman.

0

doolo

m dh

Caws dhaadheer, rarada laga sameeyo oo geed gaabyada ka hoos baxa.

0

doolshe

m l

Macmacaan ka sameysan bur, ukun, caano, sonkor iwm. ld doorshe.

0

doomaar

m dh

1. Naq cayada la bah ah oo degellada ka baxa. 2. Cayo.

0

doomayn

m f dh

Eeg: doomee

0

doombir

m dh

Geedsaar buruq weyn oo la cuno leh.

0

doomee

f mg2 (-meeyay, -maysay)

Dhul la falay doomo ka soo bixid.

0

doomid

m f dh

ld doonis.

0

doomo

m l

Nagaarka ka soo hoos baxa dalagga la beero.

0

doon

f g1 (-nay, -ntay; -ni)

1. Wax rabid. 2. Wax raadin. 3. Gabadh guur laga doonayo reerkooda weydiisasho.

0

dǫon

m dh (-oomo/-nyo, m.l)

Gaadiid badeed shiraac leh oo markabka ka yar bedenkana ka weyn; xaryan. ld doonni.

0

doonasho

m f dh

Eeg: doono

0

doondoon

m l

1. Raadinta wax aan la hayn ama lumay oo hadba meel laga dayo. 2. ld doondoonid.

0

doondoonid

m f dh

ld doondoon¹ (2).

0

doonfaar

m l

Eeg: doofaar

0

doonfaarad

m dh

Eeg: doofaarad

0

doonge

m l kh

1. D. ah: qof caqli yar. 2. D. ah: dheri weyn cuntada lagu karsado.

0

doonid

m f dh

ld doonis.

0

doonis

m dh

doonid.

0

doonnan

f mg4 (-naa, -nayd)

Wax nin la siiyey ahaansho (gabar).

0

doonnanaan

m f dh

ld doonnaanansho.

0

doonnanaansho

m l

/dh ld doonnanaan.

0

doonni

m dh

ǫon

0

doono

f g3 (-ntay, -natay)

Wax raadsasho (nafley).

0

doonyeysad

m l

Eeg: doonyeysasho

0

doonyeysan

f mg4 (-snaa, -snayd)

Qof maro doonyeystay ahaansho.

0

doonyeysasho

m f dh

ld doonyeysi, doonyeysad.

0

doonyeysi

m l u

Eeg: doonyeysasho

0

doonyeysnaan

m f dh

ld doonyeysnaansho.

0

doonyeysnaansho

m l

/dh ld doonyeysnaan.

0

doonyeyso

f g3 (-stay, -satay)

Qof fadhiya si doonyo ah maro u xirasho.

0

doonyo

m dh

Hab qof fadhiyaa uu maro jilbaha iyo dhabarka isugu xiro oo ku nasta.

0

dooq

m l

Dareen dadka u gaar ah oo qola jecleysiiya waxyaabo isku nooc ah.

0

dooqlaawe

m l (-wayaal, m.l/dh)

Qof aan dooq lahayn.

0

door

f g1 (-ray, -rtay)

Wax xulid.

0

dǫor

m l (-rar, m.l/awdaar, m.dh)

1. Kaalinta uu ka qaato hawl hirgelinteeda. 2. Kal; d.kii hore: mar kowaad. Tus. “D.kii hore baastaa timid”. ld dawr¹, dowr¹ (2).

0

doorad

m l

Eeg: doorasho

0

dooradduur

m dh u

Kabaraay.

0

dooranuug

m l

Hal ilmaheeda gaar ula baxda oo nuujisa.

0

doorashada

m dh (baay)

Aragtida isbeddelka ay xayawaanka, iyo dhirtu ay ku noolaadaan, ama ay ku dhintaan marka la fiiriyo awoodda ay ku qabatimaan naftooda degaanka ay ku noolyihiin.

0

doorasho

m f dh

ld doorad.

0

dooray

m l (-yo, m.dh)

Neef caano yar.

0

doorbid

f g1 (-day, -dday)

Wax wax kale ka jeclaansho; fadilid.

0

doorbidid

m f dh

Eeg: doorbid

0

doori

m l

Ilmo yar, lo' ah oo aan hooyadii lala nuugin.

0

dǫori

f g2 (-iyay, -isay)

1. Siduu ahaa maahee si kale ka dhigid; wax wax kale dhaafin; beddelid. 3. Sarrifid (lacag).

0

dooribeyn

m l (-nno, m.dh)

Qalab yar oo bikaaco leh oo waxa fog muuqaalkooda soo dhaweeya.

0

doorid

m f dh

ld door¹ (3).

0

doorin

m f dh

ld dooris.

0

dǫorin

m f dh

ǫori. ld dooris.

0

doorinuug

m l

/dh ld dooritus.

0

dooris

m l

Eeg: doorin

0

dǫoris

m l

ǫorin.

0

dooriso

m dh

Wax doorisa; sidii hore si ka xun ka dhigta; duf (duf iyo d.).

0

dooritus

m l kh

D. ah: neef xoolo ah oo marka ilmihiisu nuugayaan dadka iyo xoolaha kale ka fogaada. ld doorinuug.

0

dooro

m dh

1. (u) Shimbir aan buubin, guri joog ah oo dadku manaafacaadsadaan; digaag. 2. (u) Digaagga middeeda dheddig. 3. Baaro.

0

doorroone

m l (-nayaal, m.l/dh)

Qof aad u wanaagsan.

0

doorsad

m l

Eeg: doorasho