Words starting with 'D'
5,776 Somali words beginning with 'D' — page 20 of 58.
deridhacyee
1. Qof socda tabardarro awgeed hadba dhan u liicid. 2. Qof dan la'aan u wareegid.
deris
Dad degsiimada is xiga oo isu dhaw.
deriskunnool
1. Noole yaryar oo ku dul nool noole kale. 2. Qof ma shaqaysta ah oo cid kale ku dul nool. ld deriskunnoole.
derisnimo
Deris ahaansho.
dermad
Gees lo'aad inta la kululeeyey la soo laabay oo diillimo bati ah (macdan) lagu shaqlay oo dhallinta shirta ciyaarta cududda bidix ku xirtaan, balaayo xijaab ah.
dermo
Gogol laga sameeyay caw, caws, mayro iwm. ld derin.
dersi
Cashar.
desibel
(fiis.) Halbeeg loo isticmaalo isbarbardhigga labo heer awoodeed, badanaa waxa loo adeegsadaa jabaqda ama sinyaale danabeedka. In kasta oo desibelku yahay (1/10 = 10 -1) ee halbeegga bel, haddana waxa badanaa la adeegsadaa desibel.
dewer
/mg1 (-ray, -rtay) ld dawar².
dewerso
/mg3 (-saday, -satay) ld dawarso.
deyd
Dhis wareegsan oo aqallada iwm lagu wareejiyo ama horay looga yeelo. ld deyr.
deyid
ld dayid.
deyl
Midab madow oo ku dherersan macasha ilaa sakaarka idaha.
deylan
Neef ido ah wax deyl leh ahaansho.
deylnaan
ld deylnaansho.
deylnaansho
/dh ld deylnaan.
deylo
Neef ido ah oo dheddig; lax.
deylraac
Deyl ilaa caloosha gaarta oo iduhu yeeshaan.
deyman
Wax deyn qaba noqosho (qof).
deymbax
Qof amaah lagu lahaa iska bixinta. ld deymbixid.
deymbixid
ld deymbax¹.
deymbixin
Darka deynta laga qaato ee bankiga.
deymi
Qof lacag iwm amaahin. ld deyni.
deymin
ld deymis, deynin.
deymoobid
ld deynoobid.
deymow
Wax deyn galay noqosho. ld deynow.
deyn
1. Lacag iwm oo lays amaahsho. 2. Haadaan; jar.
deynhilato
Shimbiro yaryar oo aan guryaha ka ag dhaqaaqin oo gurubsata wixii ka daata badarka la tumayo.
deynle
Qof, qof kale deyn ku leh. ld deynlow.
deynqabe
Qof deyn lagu leeyahay.
deynsasho
ld deynsad.
deynso
Lacag iwm cid ka amaahasho.
deyraan
Dabaysha, firada, heerka iwm oo ka soo hormara roob di'i raba.
deyradhaaf
Bartamaha xilliga diraacda oo ah waqti aad u dhaxan badan.
deys
1. D. ah: faras dibad joognimo ku barbaaray oo aan la laylin. 2. D. ah: qof iskorisnimo ku barbaaray oo akhlaaq xun.
deyso
1. Wax bixintooda diyaar loo ahaa cashasho. 2. D. ah: timo jarriin ka dhaafid.
dhaab
1. Qori, bir iwm oo dhul xoog ugu mudan si uu u xajiyo dhismo iwm. 2. Daloolada xanjada ka sameysan ee shinnidu malabka ku keydsato; kabar.
dhaabad
1. Ballan. 2. Tix yar oo maanso iwm dhextaal u ah.
dhaabadee
Maanso iyo wax la mid ah dhaabad u yeelid.
dhaabadeyn
ld dhaabadays.
dhaabadeysan
Wax dhaabad loo yeelay ahaansho (arrin).
dhaabadeysnaan
ld dhaabadeysnaansho.
dhaabadeysnaansho
/dh ld dhaaba-deysnaan.
dhaabalo
1. Qallaco awrta qooqani isu geysato kolkay dagaallamayaan; qaniinyo. 2. Gubaabo.
dhaaban
Wax meel lagu dhaabay noqosho.
dhaabdhaab
Wax, wax kale xoog ugu mudid.
dhaabnaan
ld dhaabnaansho.
dhaabnaansho
/dh ld dhaabnaan.
dhaabo
Wax meel ku mudasho.
dhaaclayn
ld dhaalcayn, dhaclayn.
dhaaclaysan
Xarig wax la dhacleeyay ahaansho. ld dhaalcaysan, dhaclaysan.
dhaaclaysnaan
ld dhaaclaysnaansho, dhaalcaysnaan, dhaalcaysnaansho,
dhaaclaysnaansho
/dh ld dhaaclaysnaan.
dhaacle
1. Xarig dhuuban, afar dhudood ah, labada dacal bul ku leh, ka samaysan dun qurxoon oo gabdhaha dhexda ku xirtaan. 2. Suun ballaaran, bulal lagu qurxiyey oo fardaha qoorta loogu xiro. 3. Hab quruxsan, oo xarkaha afar dhudoodka ah loo sameeyo. ld dhaalce, dhacle.
dhaaclee
Xarig hab quruxsan oo afar dhudood ah u samayn. ld dhaalcee, dhaclee.
dhaad
Meesha kubku u yaryahay ee canqawga ka sarraysa.
dhaadan
1. Wax qoobka laga xiray ahaansho (neef). 2. Wax la tolay ahaansho (dheri, xeero, burjiko iwm).
dhaaddan
Wax ladnaani ka muuqato ahaansho (nafley).
dhaaddanaan
ld dhaaddanaansho.
dhaaddanaansho
/dh eeg dhaaddanow. ld dhaaddanaan.
dhaaddanow
Wax dhaaddan noqosho (nafley).
dhaaddi
Dhedo.
dhaaddin
Summad geela lagu dhigo oo ah xarriiq goobaaban oo dadban oo tagoogta lagu dhigo.
dhaaddisaar
Dh. ah: neef markii uu dhalay rimay.
dhaadhac
1. Lacag aan la xoogsan oo qofka siyaaba dadban ku soo gasha. 2. ld dhaadhicid. 3. ld dhacdhac¹.
dhaadhici
/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Cid hoos u dejin. 2. (f.mg) Ka dh.: arrin si fiican u fahamsiin.
dhaadhicid
ld dhaadhac¹ (2).
dhaadhicin
ld dhaadhicis.
dhaadi
Qof wax u muujin.
dhaadid
ld dhaadis, dhaagid.
dhąadid
ąagid.

